Fiyetnam

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Fiyetnam
"Việt Nam"
Calanka Fiyetnam Astaannta Qaranka ee Fiyetnam
Calan Astaannta Qaranka
Astaanta Calanka
Độc lập - Tự do - Hạnh phúc
"Wadannimo- Xornimo - Farxad"
Caasimada Hanoi
Luuqada(ha) Looga hadlo Af-Fiyetnaamiis
 -  Madaxweyne Nguyễn Minh Triết
 -  Ra'iisul wasaare Nguyễn Tấn Dũng
Ka xoroobey Gumeystihii Faransiiska 
 -  Taariikhda 2 Sebteembar, 1945 
Area
 -  Total ,331,690 km2 km² 
128,527 sq mi 
 -  Biyo (%) 1.3
Cadadka Dadka
 -  2009 qiyaas 85,846,997 2 
Lacagta dong (VND)
Wakhtiga (UTC) 


Fiyetnam

Fiyetnam (Vietnam) waa dawlad kutaala koonfurta bari ee qaarada Asiya. Wadankaan waxoo xuduud la leeyhay wadamada Shiinaha, Laos iyo Kambodiya. magaalo madaxda wadanka waa Hanoi. Wadankaan waxaa degan dad ka badan 85miliyan oo qof, waa wadanka 13aad oo ugu dadka tirada badan aduunka.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Fiyetnam waxee ka mid aheed dhul markiisa hore laisku dhihi jiray Farasiiska indoshiina, waxaana gumeesan jiray gumeestihii faransiiska taariikhda marka ee eheed 1800. Gumeesigaan waxaa qabsaday Dawladda Jabaan waqtigii oo socday Dagaalkii Labaad ee Aduunka. Dhamaadkii dagaaladii aduunka wadanka waxaa ka dhashtay dowlad cusub oo komunist ah, waxaana hogaaminaayay nin lagu magacaabo Ho Chi Minh oo markiisa hore ka mid ahaan jiray Jabhad la dhoho Viet Minh oo u dagaalami jirtay xoreenta fiyetnam. Dagaal ayaa u dhaxeeyay ciidamada faransiiska iyo jabhada Viet Minh taariikhda marka ee eheed 1946dii ilaa 1954tii, dagaalkaas waxaa la dhihi jiray Dagaalkii Indoshiina. Dagaalkaas waxoo dhamaaday markii ciidamadii faransiiska lagu jabshay magaalada Dien Bien Phu.Waqtigaas ka dib, mareykanka ayaa soo galay wadanka si oo u joojiyo xukunka komunistiga ah oo ka jira dalka fiyetnam. Taariikhda marka ee eheed 1959 ilaa 1975tii waxaa socday Dagaalkii Fiyetnam, oo u dhaxeeyay waqooyiga fiyetnam iyo Koonfurta fiyetnam, dagaalkaas neh waxoo ku dhamaaday Komunistiga woqooyiga fiyetnam oo ku guuleesatay dagaalka, isla markaas neh ee wadanka mideeyeen. Taariikhda marka ee eheed 1976dii marka ee fiyetnam u dirtay ciidamo wadanka ee dariska yihiin ee Kambodiya, waxaa weerar ku soo qaaday wadanka Shiinaha, dagaalkaas neh waxoo ku dhamaaday sixida xuduudka shiinaha iyo fiyetnam. ciidamada fiyetnaamiiska aad ayee uuga adkaayeen kuwa shiinaha.

Deegaanka Vietnam[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

wadankani waxa uu ka koobanyahay 63 gobol.waxa ayna u kala baxaan sidan..

Hanoi Hochiminh City Hai Phong Da Nang Can Tho Binh Duong , Binh Phuoc Ca Mau Kien Giang, Ba Ria-Vung Tau Dong Nai Binh Thuan Ninh Thuan Quang Binh Quang Tri Thua Thien-Hue Quang Nam, Quang Ngai Binh Dinh Phu Yen Khanh Hoa Tay Ninh, Gia Lai Kon Tum Dak Lak Dak Nong Lam Dong, Long An Ben Tre Tra Vinh, Soc Trang, Nghe An, Ha Tinh, Thanh Hoa, Thai Binh, Ninh Binh, Vinh Phuc, Bac Ninh, Lang Son, Quang Ninh, Hoa Binh, Hai Duong, Hung Yen, Son La, Lai Chau, Ha Giang, Bac Lieu.