Biyoxidheen

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Biyo-xidheen)
Biyoxidheen ku yaala Maraykanka.

Biyoxidheen (Af Ingiriis : dam; Af Carabi : ar‎) waa dhisme weyn oo ka samaysan dhagaxaan, biro iyo qalab kale oo badan kaasi oo loogu tallo galay in uu celiyo qulqulka biyaha socda. Biyoxidheenada waxaa loo dhisaa sababo badan oo ka mid tahay in laga sameeyo il biyo dadku isticmaalaan, laga sameeyo koronto, laga waraabiyo beeraha waaweyn iyo in la maamulo socodka iyo jihada biyaha.[1]

Biyoxidheenadu waxay ka mid yihiin kaabayaasha bulshada kuwaasi oo laga helo waxyaabaha aasaasiga ah ee isku xidha isla markaana u adeega magaalo, degmo, gobol, wadan iyo wixii la mid ah.[2] Sida caadiga ah, kaabayaashu waxay u adeegan ama isku xidhaan bulshada waxayna saldhig u yihiin koboca dhaqaale iyo guud ahaan isku socodka shaqada.[3]

Hordhac

Biyoxidheenku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ah ee dadku uga faa'iideeystaan siyaabo badan. Waa marka horee, biyoxidheenadu waxay sameeyaan biyo keydsan oo dadka iyo xayawaanku isticmaali karaan. Sidoo kale, waxaa laga sameeyaa korontada biyaha oo ah hab raqiis ah oo lagu sameeyo koronto.[4][5]

Kaabayaashu waa adeega aasaasiga ah ee bulsho kaasi oo fududeeya isku socodka, ganacisga, nolosha maalinle iyo dhamaanba baahida kala duwan ee bulsho.[6]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 8 April 2009. Soo qaatay 9 November 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)http://www.bartleby.com/
  2. . Infrastructure | Define Infrastructure at Dictionary.com
  3. O'Sullivan, Arthur; Sheffrin, Steven M. . Pearson Prentice Hall. p. 474. ISBN 0-13-063085-3.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Günther Garbrecht: "Wasserspeicher (Talsperren) in der Antike", Antike Welt, 2nd special edition: Antiker Wasserbau (1986), pp.51–64 (52)
  5. S.W. Helms: "Jawa Excavations 1975. Third Preliminary Report", Levant 1977
  6. Fulmer, Jeffrey. PEI Infrastructure Investor (July/August): 30–32.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: