Ismaaciil (carabi: اسماعيل) (dhashay Maayo 18, 1985) waa nin dhalinyaro ka mid ah Soomaalida ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan wadanka Maraykanka. Waxaan ku dhashay magaalada Borama, Awdal, waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland.
Waxaan ahay mid ka mid ah dhalinta ku barbaartey wadankan ee wax ku baratey isla markaana ku nool maanta. Waxaan aad u jecelahay "Horumarka iyo Nabada Wadanka Soomaaliya", sidoo kale taageeraa Midowga Shanta Soomaaliyeed.
Guud ahaan, waxaan xiiseeyaa akhriska iyo qoritaanka, taasi oo ii suurtogelisay inaan maqaalo badan ku qoro halka tan Soomaali Wikipedia. Sidoo kale, waxaan xiiseeyaa isticmaalka aalada internetka.
Marka aad fiiriso horumarka maanta caalamku gaadhay, waxaa aad loo horumariyey luuqadaha bulshooyinka aduunka, marka laga reebo Luuqada Soomaaliga oo aan haad heysan. Inkastoo aan kali ahay, hadana mar walba waxaan jecelahay oon niyada ku hayaa inaan ka qeybqaato sidii loo kobcin lahaa luuqadeena hooyo oo looga dhigi lahaa mid horumarsan oo la jaanqaadi karta luuqadaha caalamka.
Taasi darteed, waxaan go'aansadey inaan wakhti siiyo horumarinta luuqada hooyo. Mashruucii ugu horeeyay een ka qeyb qaato wuxuu ahaa Google community Somali translation (mashruuc lacag la'aan ku turjumo luuqada Soomaaliga).
Dabcan Somali Wikipedia waa meel maanta liidata marka la barbar dhigo kuwa kale, laakiin waxaan aaminsanahay in "Guurguurasho lagu guryo gaadho".
Anigu shakhsi ahaanteey ayaan xiiseeyaa wax qoritaanka iyo akhriska. Waxaan wax qoraayay ilaa 16 sano, kaba badan kala badh nolosheyda. Sidaas ay tahay wali khabiir ma ahi, mana isku heeysto inaan dadka ka xariifsanahay. Marka aan anigu wax qorayo waxaan jecelahay inaan xaqiiqada ku saleeyo. Sidaasi darteed inta ugu badan waxaan si macquul ah u soo turjumaa bog horay u diyaariyeen dad aqoon u leh.
Wax qorkeygu mararka qaar wuxuu noqon karaa mid aad fahmi weydo, sababta waxaa laga yaaba ineey lahjada tahay, inaan il-duufo amaba aan wax si khaldan u fahmo ama u qoro. Waan soo dhawaynayaa hadii aad i sixi karto ama fikrad iyo talo iga siin karto wax qorkeyga.
Si kastaha ha ahaatee, ciwaanada iyo qoraalada aan ugu xiisaha badanahay waxaa ka mid ah taariikhda, juquraafiga, sayniska, teknoolojiyada, gaadiidka iyo noolaha.
Bogaga aan qoray 90% waa taariikh, juquraafi iyo saynis; waxaanan aaminsahay ineey yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ka biloowno qoritaanka wikipediahan.
Guud ahaan ujeedadu waa in la horumariyo Somali Wikipedia, marka aynu ka wada qeeyb-qaadano isla markaana isa saxno.
Bogaga aan anigu bilaabo inta ugu badan waxaan gaadhsiiyaa heer-sare, dhexdhexaad, cadaymo, sawiraan iyo maab leh. Sidaas ay tahay waxuun baa ka dhiman, hadii aad buuxin karto waa mid fiican.
Sida aad ka dheregsan tahay, Soomaali Wikipedia waxaa ka socdo howlo badan oo iskugu jira wax qoris, qoraal habayn iyo hagaajin, ilaalada bogaga muhiimka ah, hagaajinta khaladka iyo kobcinta bulshada Soomaali Wikipedia. Sanadihii ugu horeeysay waxaan ku qaatey samaynta bogag cusub, balaadhinta bogaga gumudka ah iyo hagaajinta maqaalada. Si kastaba ha ahaatee, horaantii 2015 ayaan codsadey maamulenimo ku meel gaadh ah si aan u difaaco bogag badan oon qoray iyo kuwo kale oo dayacnaa. Badhtamihii 2016ka waxaan noqdey maamuleha kaliya ee Soomaali ah ee ka howlgala Wikipedia Soomaaliga.
Guud ahaan bogaga iyo maqaalada aan ka qeyb qaatey (kuwo aan sameeyay, wax-ku-daray, balaadhiyay iyo qurxiyay) aad ayay u badan yihiin oo tiradooda aniga lafteydu ma hayo, laakiin waxaan ogahay:
Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.
Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor boga wadahadalkeyga.
Ku soo dhawoow Boggayga! Waxaan fariintaada kuugu soo jawaabi Boggaada, hadii aad tahay qof aan ciwaan ku lahayn wikipedia, halkan ayaan kuugu soo jawaabi.
Marka aad fariin ii reebeysid fadlan talaabooyinkan raac:
Waa in qoraalkaagu yeeshaa ciwaan sare adigo ku qoraya khaanada eey ku qoran tahay (subject/headline).
Hadii ay fariintaadu ka hadleeso Bog, fadlan ku qor magaca bogga.
Dadka dhamaantiis qof kasta wuxuu u qalmaa sharaf iyo xurmo. Dadka qadari si adiga laguu qadariyo.
Wikipedia Soomaaliga qof ama koox si gaar ah u leh ma jirto; waa bar internet ka dhexeeysa dadka oo dhan isla markaana loogu talogalay ineey ka faa'iideeystaan inta fahmeysa luuqadani.
Qof waxkasta aqoon u leh ma jiro. Hadii aad wax fahmi weydo ama kugu adkaato, fadlan codso caawin.
Isticmaale kasta wuxuu leeyahay bog la dhaho "Bacaadka" kaasi oo loogu tallogalay in qofku ku soo tabobarto isla markaana ku qoro dhamaan qoraalka aan micno iyo faa'iido midna u lahayn bulshada. Fadlan isticmaal boga bacaadkaaga si aad u tijaabiso dhamaan qoraalada aad sameeyneso.
Luuqadeena Af-Soomaaligu weli ma qaangaadhin, sidaasi darteed waxay leedahay gef iyo khaladaad badan oo ku saabsan isticmaalka naxwaha luuqada, marka isku day inaad qorto wax dadka kale fahmi karaan si looga faa'iideeysto.
Markasta xasuusnoow ujeedada Soomaali Wikipedia u furan yahay waa in bulshadu ku kala faa'iideeysato marka adigu ha noqon mid lagu khasaaro!
17:4817:48, 17 Jannaayo 2026Koobka Qaramada Afrika 2025 (taariikh | wax ka badal) [97,832 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox international football competition | tourney_name = Koobka Qaramada Afrika | year = 2025 | other_titles = {{lang|ar|كأس الأمم الإفريقية 2025}} {{lang|tzm|ⵜⴰⵙⴰ ⵏ ⵉⵎⵓⵔⵏ ⵏ ⵓⴼⵔⵉⴽⴰ 2025}} | image = 2025 Africa Cup of Nations logo.svg | size = 250px | caption = Summada rasmiga ah<ref>{{cite web|date= 25 Jannaayo 2025|title=CAF iyo LOC oo soo bandhigay summada cusub ee TotalEnergies CAF Koobka Qaram...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
14 Jannaayo 2026
16:2816:28, 14 Jannaayo 2026Phil Bennett (taariikh | wax ka badal) [19,398 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox rugby biography | name = Phil Bennett<br />{{post-nominals|country=GBR|OBE}} | image = | caption = | birth_name = Philip Bennett | birth_date = {{Birth date|1948|10|24|df=yes}} | birth_place = Felinfoel, Carmarthenshire, Wales | death_date = {{Death date and age|2022|6|12|1948|10|24|df=y}} | death_place = Felinfoel, Carmarthenshire, Wales | height = {{convert|170|cm|ftin|abbr=on}} | weight = {{convert|72|kg|stlb|abbr=on}} | ru_posi...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:1816:18, 14 Jannaayo 2026Stan Meads (taariikh | wax ka badal) [2,034 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox rugby biography | name = Stan Meads | image = Stanley Meads c1960.jpg | caption = Meads, {{circa|1960}} | birth_name = Stanley Thomas Meads | birth_date = {{birth date and age|df=yes|1938|7|12}} | birth_place = Arapuni, New Zealand | height = 1.91 m | weight = 99 kg | ru_position = Lock, loose forward | ru_province = Ki...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:1116:11, 14 Jannaayo 2026Don Clarke (taariikh | wax ka badal) [4,967 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox rugby biography | name = Don Clarke | image = Don Clarke 1957.jpg | caption =Clarke sanadkii 1957 | nickname = | birth_name = Donald Barry Clarke | birth_date = {{birth date|1933|11|10|df=y}} | birth_place = Pihama, New Zealand | death_date = {{Death date and age|2002|12|29|1933|11|10|df=yes}} | death_place = Johannesburg, South Africa | height = {{convert|1.88|m|ftin|abbr=on}} | weight = {{convert|110|kg|lb|0|abbr=on}} | ru_position = Fullback | repteam1 = Ne...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:0516:05, 14 Jannaayo 2026Tadashi Yamashina (taariikh | wax ka badal) [2,183 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: '''Tadashi Yamashina''' (dhashay 8 Maayo 1951<ref>{{cite web|url=http://www.tokai-rika.co.jp/en/investors/pdf/20190521.pdf|title=Notice of the 72nd Ordinary General Meeting of Shareholders|website=www.tokai-rika.co.jp|access-date=9 October 2021}}</ref>) waa maamulihii hore ee kooxda Toyota Racing ee tartanka Formula One, isagoo mas'uul ka ahaa socodsiinta hawlgallada Formula One ee Toyota, ka dib markii uu xilka kala wareegay Tsutomu...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
15:0915:09, 14 Jannaayo 2026Takehisa Yaegashi (taariikh | wax ka badal) [1,589 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: '''Takehisa Yaegashi''' (dhashay 1943) waa injineer hawlgab ah oo u shaqayn jiray Toyota Motor Corporation. Isagu wuxuu hoggaaminayay kooxdii soo saartay Prius, inkastoo uu hawlgab yahayna, weli wuxuu Toyota u qaabilsan yahay la-taliye. Waxaa loo yaqaannaa "Mr. Hybrid." {{Infobox engineer |image = |image_size = (haddii sawirku ka yaryahay 250px) |caption = |name = Takehisa Yaegashi |nationality = Jabaani...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
14:4514:45, 14 Jannaayo 2026Katsuaki Watanabe (taariikh | wax ka badal) [3,731 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox person | name = Katsuaki Watanabe | image = Katsuaki Watanabe 2008.jpg | image_size = | caption = Katsuaki Watanabe sanadkii 2008 | birth_date = {{Birth date and age|1943|2|13}} | birth_place = Mie Prefecture, Japan | death_date = | death_place = | education = | occupation = La-taliye sare, Toyota Motor Corporation | title = | spouse = | pare...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
14:4114:41, 14 Jannaayo 2026Hans Aarsleff (taariikh | wax ka badal) [9,125 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox scientist | name = Hans Aarsleff | image = File:Hans Aarsleff.jpg | birth_date = {{birth date and age|1925|07|19|df=y}} | birth_place = Rungsted Kyst, Denmark | fields = taariikhda cilmiga luqadda, taariikhda fikradaha, taariikhda falsafada }} '''Hans Aarsleff''' (dhashay 19 Luulyo 1925) waa aqoonyahan iyo khabiir ku xeeldheer cilmiga luqadda oo u dhashay dalka Denmark, kaasoo soo ahaa bare-sa...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
13:3913:39, 14 Jannaayo 2026Alpha Drive One (taariikh | wax ka badal) [366 bayt]~2026-29039-7(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: '''ALPHA DRIVE ONE''' (sidoo kale loo yaqaan ALD1) waa koox K-pop ah oo ka kooban 8 xubnood: Junseo, Arno, Leo, Geonwoo, Sangwon, Xinlong, Anxin, Sanghyeon. Kooxdu waxay ku soo bandhigi doontaa sumadda rikoodhka WAKEONE. Xubnaha waxaa lagu soo xulay mashruuca caalamiga ah ee Boys Planet II iyadoo ay hoos imaanayso Mnet.)Tag: Visual edit: Switched
13 Jannaayo 2026
20:1220:12, 13 Jannaayo 2026Jenny Johnson (taariikh | wax ka badal) [8,390 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox person | name = Jenny Johnson | image = | caption = | birth_name = Jennifer Morrow Johnson<ref name="BBG1">{{cite web |title=Jenny Johnson, Franklin Templeton Investments: Profile and Biography |url=https://www.bloomberg.com/profile/person/1421777 |website=Bloomberg.com |language=en}}</ref> | birth_date = {{Birth year and age|1964}}<ref name="FT1">{{cite web |last1=Walker |first1=Owen |title=Jennifer Johnson is the n...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
20:0320:03, 13 Jannaayo 2026John Motson (taariikh | wax ka badal) [26,295 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox person |name = John Motson |honorific_suffix = {{post-nominals|country=GBR|size=100%|OBE}} |image = John Motson 2018.jpg |image_size = |caption = Motson sannadkii 2018 |birth_name = John Walker Motson |nickname = Motty |birth_date = {{birth date|df=yes|1945|07|10}} |birth_place = Salford, Lancashire, England |death_date = {{death date and age|df=yes|2023|02|23|1945|07|10}} |death_place = Little...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada