Jump to content

Bari (Gobol)

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Bari (gobol))
Bari
Overview of Bosaso.
Nickname(s): 
deeqa
Script error: The function "Somaliland" does not exist.
WadankaWanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
MAgaala madaxaBoosaaso
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Tirokoobkii (Qiyaas) UNka ee 2008 waxa uu dadka deggan gobolka Bari ku qiyaasay 15,300,000 oo ruux oo dhalasho ahaan Soomaali wada ah. Dadka gobolka dega waxaa loo yaqaan Reer Bari. Qaybta maamul ee rasmiga ah ee Soomaaliya, gobolka Bari waxay ka kooban yihiin lix degmo oo soo socda: [6] degmada Alula, degmada Bandarbayla, degmada Boosaaso (oo ah degmada uguweyn ahna magaalo madaxda gobolka), Degmada Iskushuban, Degmada Qandala iyo Degmada Qardho.

Sanadkii 1998, Gobolka Bari wuxuu qayb ka ahaa 5tii Gobol ee Puntland lagu aasaasay, Puntland waa Dawlad-Goboleed Ka dhisan waqooyi-bari Soomaaliya. Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Dawladda Puntland ee 2001-dii, dhulka Puntland waxaa lagu qeexay gobollada rasmiga ah ee Soomaaliya. Gobolka Bari wuxuu xubin ka yahay Sideed iyo Tobanka (18) gobol ee Dalka.

Sannado kaddib, Puntland ayaa dhistay gobolka "Karkaar", kaa oo dhul ahaan laga jaray gobolka Bari. Gobolka Karkaar waxaa Magaalo madax looga dhigay, magaalada Qardho oo ka mid ahayd degmooyinka gobolka Bari. Degmooyinka cusub ee gobolka karkaar ayaa kala ahb(5 degmo): Qardho (degmo hore ee gobolka Bari), Bandar-bayla(degmo hore ee gobolka Bari), Waaciye, Rako iyo Xaafuun. Gobolka Bari waxaa lagu kordhiyay saddex(3) degmo oo cusub (Baargaal,Carmo iyo Ufayn).

Muddo kaddib waxaa hadana gobolka bari laga gooyay gobol labaad oo cusub, laguna magacaabay "Gaardaafuu" magaalo madaxdiisuna tahay "Caluule (Caluula)" taas oo ka mid ahayd degmooyinkii hore ee gobolka Bari. Marka Caluule/Caluula laga tago gobolkan cusub ayaa degmooyin looga dhigay: Baargaal, Bareeda, Gunbax iyo Murcanyo. (juun 2013) kalfadhigii 30-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa gobolka Gardafuu si rasmiya loogu ansixiyay.

Gobolka Bari (Somalia) waxa uu ka kooban yahay lix degmo[1].

Dowladda Puntland waxa ay maamul ahaan u sii kala qaybisay gobolka Bari saddex qaybood oo kala ah Karkaar oo ka kooban degmooyinka , Waaciye, Bayla, Rako iyo Xaafuun; Bari oo ka kooban degmooyinka Boosaaso, Iskushuban, Qandala, Carmo iyo Ufayn, balidhidin iyo Gardafuul oo ka kooban Caluula, Baargaal, Bareeda, Murcanyo iyo Gumbax.

  1. (PDF) http://reliefweb.int/sites/reliefweb.int/files/resources/121024_Administrative_Map_Bari_A4.pdf. Soo qaatay 30 Diseembar 2013.  Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)