Cabdi Tahliil

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Tahliil)
Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Cabdi Tahliil Warsame

محمدعبذ تهليل
File:Cabdi-Tahliil.jpg
Cabdi Tahliil Warsame
Ku dhashay (1943-05-21) Maajo 21, 1943 ( 80jir)
Muqdisho, Banadir
DegenaanshoNayroobi, Kiinya
QoomiyadaSoomaali
ShaqadaHeesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa
Sanadaha Shaqada1973kii-2000
Ka tirsanHobolada Waaberi (1970-1998)
Shaqooyinka ugu muhiimsanHeeso wadani, heeso jacayl, qasaa'id
Magaalada ka soo jeedoXamar, Banadir
DiintaSunni Islaam

Maxamed Cabdi Warsame (Af Ingiriis : Mohamed Abdi Talil; Af Carabi : ar‎) ku magacdheeraa Tahliil, waa fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida, kuna caan baxay magaca Cod Wanaagsane sababtoo ah wuxuu ka mid yahay kuwa ugu sareeya fanaaniinta codka fiican dhammaan fanaaniinta ku heesa af-Soomaaliga.[1]

Tahliil heesihiisa aad ayaa loo jeceyahay waana mid ka mid ah fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh umadda Soomaaliyeed. Fanaanka Maxamed Cabdi Warsame wuxuu uu ku dhashay gobolada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1953dii taariikhda Miilaadiga.[2]

cabdi tahaliil warsamew waxa uu iminka ku xanuun sanayaa magaalada muqdisho.

Heesaha Fanaanka

File:Tahliil.jpg
Fanaanka Cabdi Tahliil.

Fanaanka Maxamed Cabdi Warsame wuxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[3]

Fanaanku waxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[4]

Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi ooy ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Hodoon[5] (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Tahliil aad ayay u badan yihiin, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:

  • Albumka Onkod
  • Heesta Onkod[6]
  • Heesta Hoowlahaadii
  • Heesta Waayaha
  • Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
  • Heesta Casar
  • Heesta Sida Faras Bulaalo
  • Heesta Jacayl Aayatiin Leh
  • Heesta Maxaan Xabadeed Ku Nacay (shirkii Djibouti)

Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix.

Fanaaniinta Soomaaliyeed

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii
File:Tubeec.jpg
Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii
File:Magool.jpg
Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta
File:Hibo Nuura.jpg
Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta
File:Cabdi-Tahliil.jpg
Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
File:Xasan adan.jpeg
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta
File:Jubba11.jpg
Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji
Cawaale Aadan 2005tii ilaa maanta Xidigga Fanka

fanaaniinta hobolada waaaberi dhaman intoda dhimatay allaha u raxmado iyo inta xanuunsan sida Cabdi tahliil warsame maxamed mooga ma'aha madaadalaha waaberi. khaqiiq ahaan muu ahayn xubin hobaladii waaberi. wuxuu kaqayb qaatay laba riwaayadood oo kaliya oo ay kooxuhu matalayeen. xogtan aad usoo xaqiiji kana saar magaca qaldan ee ah madaalaha funka waxaad kubadashaa aabihii ama adeerkii fanka.

.

Xigasho

  1. "fanaan Soomaaliyeed oo aad looga yaqaanno gayiga Soomaalida"
  2. "Tahliil wuxuu uu ku dhashay gobolada dhexe sanadkii 1953dii taariikhda Miilaadiga"
  3. "Tahliil waxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
  4. "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
  5. "Heesaha Tahliil iyo Hibo Maxamed Hodoon"
  6. qoraal ahaan halkan ka arag[dead link]