Cumar Dhuule

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Kani waa maqaal ku saabsan fanaanka cumar dhuule cali. Haku khaldin magaca Cumar.
Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Cumar Dhuule

Cumar Dhuule
عمر ظوله
Dhalasho Janaayo, 01 1941
Burco, Waqooyiga Soomaaliya
Dhimasho Maajo 19, 2005(2005-05-19) (64 Jir)
Ku aasan Caasimada Jabuuti
Dhalashada Soomaali
Shaqada Heesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa
Sanadaha Shaqada 1958dii-2005
Ka tirsan Kooxda Waaberi (1970-1998)
Shaqooyinka ugu muhiimsan Kaban, Heeso wadani, qaraami, qaaci, heeso jacayl, qasaa'id
Magaalada ka soo jeedo Burco, Somaliland
Ciwaan Boqorka Qaaciga, Aabaha hogta
Diinta Sunni Islaam

Cumar Dhuule (Af-Carabi: عمر ظوله; Af-Ingiriis: Omar Dhule) wuxuu ahaa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxuu horaantii 1941dii ku dhashay duleedka magaalada Burco gobolka Togdheer ee maanta ka tirsan dowlad-goboleedka Somaliland. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaaliyeed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Qaaciga Fanka Soomaaliyeed.[1]

Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga ah, garaacida kabanka (gaar ahaan nooca loo yaqaano "cuudka"), saaridda laxanka, abuurista halabuur, samaynta sheekooyinka iyo majaajilada, habaynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb-qaashada Fanka Soomaalida.[2] Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalkii sokeeye. Waxa uu na waqti joogay waddanka Suuriya kadibna waxaa uu usoo gudbay waddanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa oo uu waqti ku noolaa.

Heesaha Fanaanka

Fanka Soomaalida

kabanku waa u muhiim heesaha qaaciga

Fanka Soomaalida waa nidaamka, abuurida, qurxinta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.

Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix.

Fanaaniinta Soomaaliyeed

Heesta Heyga goosan caawaad iga gacan sareysaa waxaa la qaadda Aamina Feer

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Khadra.jpg
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii
Sahra.jpg
Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji
Cawaale Aadan 2005tii ilaa maanta Xidigga Fanka

Xigasho