Hibo Nuura

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Hibo Maxamed Hudoon)
Kani waa maqaal ku saabsan fanaanada Hibo Nuura. Haku khaldin magaca Hibo.
Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Hibo Nuura

Hibo Maxamed Hudoon
هبه محد هدون
File:Hibo Nuura.jpg
Fanaanada Hibo sanadkii 1995
Ku dhashay (1958-05-21) Maajo 21, 1958 ( 65jir)
Dilla, Awdal
DegenaanshoMinneapolis, MN, Maraykanka
QoomiyadaSoomaali
ShaqadaHeesaa, Fanaanad, laxamiiste, jilaa
Sanadaha Shaqada1970kii-2014
Ka tirsanKooxda Waaberi (1974-1998)
Shaqooyinka ugu muhiimsanHeeso wadani, heeso jacayl, qasaa'id
Magaalada ka soo jeedoBorama, Awdal
CiwaanHibo Nuura; Hooyada Fanka, Qalbi Nuura
DiintaSunni Islaam

Hiba Maxamed Hodoon (Af Carabi : ar‎) ku caan ah magaca Hibo Nuura waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Hibo Maxamed Hodoon loo siiyay magaca weyn ee Hooyada Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Hibo waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Hibo Nuura.[3]

Badhtamihii sanadkii 2014ka, fanaanada Hibo Nuura waxay waxay ku dhawaaqdey ineey ka baxdey fanka iyo suugaanta, maadaama ay da' ahaan gaadhey heerkii lagu cibaadeysan lahaa.[4] Fanaanadu waxay hada ku nooshahay magaalada Minneapolis, Minnesota ee wadanka Maraykanka.[5]

Taariikhda Hibo

Hibo Maxamed Hodoon waxay ku dhalatey magaalada Dilla ee gobolka Awdal, Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland.[6] Ayada oo yar ayaa waalidkeed u soo wareejiyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal; halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe. Ka dib, waxay u soo wareegtay magaalada Hargeysa ooy ka biloowday fanka iyo suugaanta ilaa markii dambe ay u gudubtey xarunta wadanka Soomaaliya waa caasimada Muqdisho.[7][8][9][10]

Heesaha Fanaanada

Fanaanada Hibo Nuura waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[11]

Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[12]

Heesaha fanaanada Hibo Maxamed Hodoon waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:

  • Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah uwada qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
  • Heesta Hallow
  • Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah u qaadaya C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
  • Heesta Afrika Waa Dhulkeeyga
  • Heesta Safar: waxa si talantaali ah u wada qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
  • Heesta Kalgacaylku Waa Qani
  • Heesta Rooble
  • Heesta Kurbo
  • Heesta Armaad
  • Heesta Baaloley
  • Heesta Dayax
  • Heesta Dood iyo Xal
  • Heesta Gabo-gabo
  • Heesta Himilo
  • Heesta Maaweelo
  • Heesta Ma ii Baaqdey
  • Heesta Qunbacasho
  • Heesta Rafiiq
  • Heesta Ramaad
  • Heesta Rako
  • Heesta Waa Sheeko Hodana: waxa si talantaali ah u wad qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura
  • Heesta Daawo Dacalada: waxa si talantaali ah u wad qaadayaan C.Qaadir Juba iyo Hibo Nuura

Hiba Nuura waxeey ka baxday Fanka 6dii February, 2015 weeyna ka toowba Keentay waxeeyna codsatay inaan la dhageeysan dhammaan heesaheedi oo idil.

Fanaaniinta Soomaaliyeed

Fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii
File:Tubeec.jpg
Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii
File:Magool.jpg
Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta
File:Hibo Nuura.jpg
Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta
File:Cabdi-Tahliil.jpg
Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
File:Xasan adan.jpeg
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta
File:Jubba11.jpg
Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji
Cawaale Aadan 2005tii ilaa maanta Xidigga Fanka

Xigasho


  1. "fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso"
  2. "Hooyada Fanka Soomaaliyeed"
  3. "Hibo Nuura"
  4. "Fanaanada Hibo Nuura oo fanka ka baxdey Archived Sebteembar 16, 2015 // Wayback Machine"
  5. Taariikhda Fanaanada Hibo Maxamed Hudoon
  6. "Dilla ee gobolka Awdal, Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaano Somaliland"
  7. "Boorama ee xarunta gobolka Awdal; halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe"
  8. "magaalada Hargeysa"
  9. "Soomaaliya"
  10. "Muqdisho"
  11. "Hibo Nuura waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
  12. "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
  13. ""Qoraalka Heesta Ka Buldhe", qorida Suge"