Dishiishe

Ka Wikipedia
Dishiishe
دشيشي
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Cumaan
 Yemen,
Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Islam Sunni

Dadka ay dhalyo wadagaan

Gabtaanle, Meheri, Majeerteen, Osman Mohamoud, Warsangali, isse maxamud , Tiinle, Ogaadeen, ,Mareexaan, omar maxamud iyo beelo kale oo Daarood Iyo Soomaali

Dishiishe (Af Ingiriis : Dishiishe) Mohammud Ahmed Harti Amaleh Abdi Muhammad Abdirahman Jaberti; sidoo kale loo qoro Dashiishe, Dishishe, Dashishle Waa qabiil ka tirsan hello Daaroodka, ee Dadka Soomaalida. Dishiishuhu waxay deegaan ku yihiin wadanka Soomaaliya (gaar ahaan gobolada Puntland ee Baricumaan iyo deegaano kale oo ka tirsan Soomaaliya. Dishiishe waxay soohdin la leeyihiin Dhanka Bari Majeerteen, Galbeedk Warsangeli. Dishiishuhu wuxuu ka mid yahay beelaha Mooracase ee hoostaga Daaroodka. Waana Beel aad loogu qadariyo tit Boosaaso iyo Hareeraheeda oo ah Degaanka ay Taariikh ahaan Degaan. [1]

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shaxda Beelaha, Beesha Dishiishe

Dishiishe waa qabiil ka mid ah qabiilada Mooracase ee Daarood kana sii ah Harti. Qabiilkaan waxuu ku badanyahay woqooyiga gaar ahaan gobolada Bari & Sanaag, degaano ka mid ah dalalka Cumaan iyo Yemen. Beeshaani waxay leedahay Ugaastooyo soo jireen ah oo maamuli jirtay deegaanada beeshu degto, sidoo kale beeshaani waxay gundhig u tahay Horumarka dhaqaale, Ilbaxnimo iyo Amni ee ka hana qaaday gobolada Woqooyi Bari soomaaliya wixii ka dambeeyay Burburkii dowladii dhexe ee dalka, Waana beel bulshooyinka Soomaaliyeed ku soo dhoweysay deegaanadeeda oo ay ugu horayso Magaalada Boosaaso.

Map Muujinaya qayb ahaan sida ay u kala degaan qabaa'ilka Soomaalida.[2]

Daarood[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Daarood waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya (gobolada dhexe ), wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid yihiin: Mareexaan, Ogaadeen, Harti Maxamud Harti, Maxamed Harti iyo Ahmed Harti), reer Darawiish, Lailkase iyo beelo kale.

Lahjadaha ay ku hadlaan daaroodku waa ay kala duwan yihiin oo iskuma dhowa, tusaale ahaan meesha ay kuwa dega Itoobiya lahjad gooni ah uga hadlaan kuwa dhinaca bari degana lahjad gaara ayay ku hadlaan, kuwa sanaag segana lahjad gaara ayaabay ku hadlaan. Asal ahaan odaygii Daarood ahaa waxa uu ku yimid Yaman Jabarti Ismaaciil isaga oo sheekh ah oo faafinaya diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.

Sidoo kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Central Intelligence Agency. Perry–Castañeda Library http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_ethnic_grps_2002.jpg. Soo qaatay 18 May 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. www.lib.utexas.edu http://www.lib.utexas.edu/maps/somalia.html. Soo qaatay 6 April 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: