Isaaq

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Reer shiikh Isxaaq)', ama Isaaq ( إسحاق ) waa qabiil ka mid ah qabaailada somaliyeed. Qabiilkaan waxoo degaa Somaliland oo ah meesha oo taariikh ahaan dego, iyo meelo ka mid ah Awdal iyo Togdheer.Sidoo kale qabiilkaan waxoo degaa woqooyiga Kililka shanaad ee somalida Itoobiya iyo meelo ka mid ah Jabuuti.Magaalooyinka ay ku badanyihiin waxaa kamid ah sida Ceerigaabo, Burco, Hargaysa Berbera, baligubadle iyo Gabiley.waa qabiilka amaba reerka kaliya ee qabaailka somaliyeed lagu yaqaano geesinimda nabada iyo horumarka iyo waliba dhawrista dadka kale taasi waa waxyaabaha suurto galiyaay in wadanka Somaliland uu maanta noqdo wax lagu daydo dhinacyada nabada horumarka iyo wada noolaanshaha. Dawladii kaligii taliyihii Diktaatorka ahaa ee Maxamed siyaad Barre waxa ay isku daday in dhibaatooyin iyo xasuuqyo u gaysatao Reer Shiikh isixaaq Ayada oo ogayd in aanay Dadkani Ogalaanayn diktaatoornimo iyo kaligi talis taasna way kufashilanatay.

Qoraalka gudaha oo kooban

[Wax ka bedel] SNM iyo Faqash

SNM waxa ay ahayd Jabhadii Xoraynta Somaliland. ee keentay Xornimada iyo raynraynta ay Somaliland maanta haysato.dhaan xubnihii SNM oo ah Dad mudan in lagu faano waxa ay ahaayeen Isaaq Marka laga hadlayo bilowgii halganka lama odhan karo waa wax sida makhaayad ama dukaan la furayo waqti go’an oo gaar ah bilaabmay. Ha jirto in rasmi ahaan ururkii SNM bishii April 1981 kii ‘London’ lagaga dhawaaqay. Laakiin colkayagii ilaa bilowgii la socday wuxu u ahaa maraaxil dheer oo isdaba j ooga oo marxalad waliba wejigeeda, waajibaadkeeda iyo duruufaheeda gaarka ah leedahay. Ku dhawaaqidda rasmiga ah waxa ka horreeyey maraaxil dheer oo isugu jiray baraarug, dareen, garasho nooca nidaamkii jiray iyo wixii laga qaban lahaa. Intii dareenku galay si ay u doodaan, wax isu tusaan, isu aaminaan waxay qaadatay waqti dheer oo dhib badan. Waxa lama huraan ahaa in waxaas oo dhanoo socda, haddana sirta laga qarsado nidaamkii jiray. Taasaa keentay habka xidhiidhka reernimada. Xidhiidhkaasi gudaha iyo dibeddaba wuu ka socday. Dibedda ayaa, sida la garan karo, u gacan bannaanayd. Waxaa dadkii qurba-joogga ahaa bilaabeen lajnado, gaar ahaan dalalka carabta iyo Ingriiska. Kuwii gudaha joogayna xidhiidho hoose oo qarsoodiya ayey lahaayeen: heer saraakiil, heer dhallinyaro aqoonyahan ah iyo heer siyaasiyiinta maamulka ku jirtay qaarkood. Intuba dadweynaha magaalooyinkii degaanka joogay (odayaal iyo wax garadba) xidhiidh bay la lahaayeen. Intaasoo hawl ahna waa in la asturaa. Markii ay arrintu heer gaadhay waa lala oggolaa inay dadkii dibeddu ku dhawaaqaan dhaqdhaqaaqa.


[Wax ka bedel] Meelaha ay kubadnyihiin

somaliland

[Wax ka bedel] Sida ee u kala baxdo beesha Isaaq

  • Isaaq
   waa reerka lagu xanto inuu halka xadaarada ugu horeeryo isaaq  waxana ayleeyihiin maalqabeenada isaqa ugu badan reerkani waxa ka dhshay ragbadan oo somalida magaca kulah

.....................................................................

    • Arap
      • abdalla abokor(guulane iyo samane)
      • Haashin Abokor
      • Muse Abokor
      • abdalla arap
      • subeer cale(oo cali arap ah)
      • barsuug arap(oo ethiopia daga)

[Wax ka bedel] Dadyaw caana oo kasoo jeeda Isaaq

) [[maxamed ibrahim sh cali (sacabo-yare)-ex-airport manager of somalia mogadishu and

   the general director of ministery of justice in somaliland)

Muuse Galaal Mechael Matyama Salaan Carabay Faarax Laanjeer Ina Saweyne Gu' Dhidin Goosarad Kitti Fiqi Maxamed Nuur Fadal Ina Saleebaan Weled[[ muuse biixi abdilaahi


BEEL KAMIDA BEELAHA SOMALIDA UGU WAA WAYN AYAA WEEYAAAN OO AYKA DHASHEEN DAD BADAN OO MAGACLIHI DADKAASI TIRO MALAHA RUNTII TIRO MALAHA LAAKIIN WAA HINTUU GARAADKAYGA GAABANI UU XUSAY HAATAN AAN KU KALIGA AHAY IGA RAALI AHAADA BEESHA ISAAQ DHAMAANTIIN

[Wax ka bedel] Eeg

http://isaaq.webs.com/sheikhisahaq.htm Sheekh Isaxaaq Bin Axmed Bin Muxammed Bin Xuseyn Bin Cali Bin Mudahir Bin Cabdalla Bin Ayuub Bin Muxammed Bin Qaasim Bin Axmed Bin Cali Bin Ciisa Bin Yaxya Bin Muxammed Bin Cali Haadi Bin Muxammed Jewwad Bin Cali-Ridda Bin Muusa Al-Kadiim Bin Jacfar-Assadiq Bin Muxammed Al-Baaqir Bin Cali-Zaynu Al-Caabidiin Bin Xuseen Bin Cali Bin Abi-Daalib {Radiyallahu Canhu} Muxammed Bin Xuseen oo ah Awoowga Sheekh Isaxaaq, waxaa uu ka soo kicitimay dhanka Ciraaq 498 Hijrada xiligaas oo ay ku adkaatay in uu ku noolaado (Siru-Man-Ra'a) wuxuu yimi Madiina Munawara Halkaasi oo uu ku dhintay 505 Hijrada, ka dib waxay ubadkiisii u kala huleeleen daafaha dunida: Laba waxay qabteen (Cali iyo Xuseen) Masar. Yusuf, Cabdalla, Xaydar iyo Cabdul-Qaadir waxay qabteen Xijaaz. Muxammed, Ahmed iyo Xamse waxay qabteen Yemen. Axmed oo ah Aabbaha Sheekh Isaxaaq oo ubadkiisii wata Cabdul-Naasir, Daahir, Sufyaan, Muxammed iyo Isaxaaq waxay u kala kaceen sidan: 1: Cabdul-Naasir wuxuu dagay (Dibya) Meesha la idhaahdo: Waxaa ku abtirsada qabiilo la idhaahdo {Mansuuriyiin}. 2: Daahir isna wuxuu dagay (Makhwaan): Waxaa ku abtirsado qabiilo la idhaahdo {Aallu-Madahar}. 3: Sufyaan goblan ayuu ku hoyday. 4: Muxammed wuxuu dagay Yemen faracna wuu kaga tagay. 5: Isaxaaq wuxuu u kicitimay (Sabba Yemen) wuxuu noqday Daaci: Halkaas oo uu sumcad ku dhex yeeshay dadkii reer Sabba, ka dib Boqorkii Sabba ayaa u guuriyey walaashii laba wiil ayey u dhashay, Darcaan iyo Shariif. waana qabiilooyin waawayn oo dhulka daga. Al-Jawf oo waqooyiga sacuudiga ah kuna taala xadka ay la leeyihiin Ciraaq ayuu Sheekhu u guuray kana guursaday. Waxaana halka ugu dhashay Mansuur oo ah qabiilo halka daga. Ka dib sheekhu wuxuu u soo kacay dhanka iyo Ardul Xabash dhulkii la odhan jiray Herer waxna kumuu dhalin. Sheekh Isaxaaq hadana wuxuu u soo kacay dhulka hada la idhaahdo Somaliland halkaas oo uu dadkii dagana la dagay kana guursaday waxaana halka ugu dhashay 8 Wiil iyo Gabdho badan oo aan tiradooda la hayn hada, waxaanay kala yihiin wiilashu iyo dumarkii kala dhalay siday kala ahaayeen ee ay u kala wayn yihiin. 1: Ayuub Sheekh Isaxaaq. 2: Cali Sheekh Isaxaaq. {Arab} 3: Ismaaciil Sheekh Isaxaaq. {Garxajis} Sadexda waxaa la isku idhaahda Habar Magaado waxaana dhashay Islaan Magaado la odhan jiray. 4: Cabdul-Raxmaan Sheekh Isaxaaq. {Awal Ayaanle} Awal Islaan Shariifo la odhan jiray ayaa Kalidii dhashay. 5: Axmed Sheekh Isaxaaq. {Tol-Jecle} 6: Ibraahim Sheekh Isaxaa. {Sanbuur} 7: Muxammed Sheekh Isaxaa. {Cimraan} 8: Muuse Sheekh Isaxaaq. Afartana waxaa la isku idhaahda Habar Xabusho. Sheekhu wuxuu ku dhintay Maydh Alla Ha U Naxariiste Sanadkii 727 Hijrada. TAARIIKH YAR OO KOOBAN OO KU SAABSAN REER SHEEKH ISAXAAQ. Isaaqu wuxuu ka mid yahay qabiilada ugu Tayada iyo Tirada badan Soomaalida, Waxaa uu daga dhul aad u balaadhan waxaana ugu weyn ee ay dagaan badiba dhulka Somaliland waxaana kalo dagaan dalalka Djibouti iyo Itoobiya Meelo ka mida, Waana qabiil aad iyo aad u muwaadiniin ah Somalinimaduna aad ugu dheer tahay waana beel xaga Tacliinta iyo Taajirnimada Somalidana meel Fiican kaga jira, Siyaasada Somalidana waxay ku leeyihiin Miisaan aad u culus, Qabiilka Isaaqu waa qabiilkii dhulka u dago ka xoreeyey Gumaystihii Ingriska 1960/Jun/26 waana qabiilkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee Heeryo gumaysi iska qaada, Qabiilada daga Somaliland Isaaqu waxay ka yihiin qabiilka ugu badan.

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale