Saldanada geledi

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Saldanadda Geledi
Geledi Sultanate
‎سلطنة غلدي

Qarnigii 17aad–Qarnigii 19aad
Xarunta Afgooye
Luqadaha Soomaali · Carabi
Diinta Allah-green.svg Islaam
Xukuumadda Boqortooyo
Suldaan
Boqor
Imaam
Shaykh
 - Qarnigii 17aad –bartamihii Qarnigii 18 Ibraahim Adeer
 - 1878 – Qarnigii 19aad Cusmaan Axmed
Taariikhda
 - Established Qarnigii 17aad
 - Disestablished Qarnigii 19aad

Saldanada Geledi (Af-Carabi: ‎سلطنة غلدي‎,Af-Ingiriis: Geledi Sultanate) waa boqotooyo soomaaliyaed oo maamuli jirtay geeska afrika Qarniyadii 18aad iyo 19aad. Waxaana xukunka heystay goobroon. Saldanada Geledi waxaa aasaasay Suldaan Ibraahim Adeer kadib markuu ka guuleystay dowladii ajuuraan, waxuuna dhisay qasrigii goobroon. Saldanadu waxey gaartay heerki ugu sareysay xilliyadii Suldaan Yuusuf Maxmuud markuu kaguuleystay jameecadii baardheere, iyo xiligii Suldaan Axmed Yuusuf, Bartamihii qarnigii 19aad Saldanadda Geledi waxey gaartay heerki ugu sareysay kadib markey hantiyeen ganacsigii iyo siyaasaddii dhulka Banaadir iyo inta u dhexeysay webiga jubbalabada Webi, waxaana u suura gashay in ay canshuur ka qaadaan Safarada, iyagoo ka faa’ideysanaya jidadka geediga safarrada ay maraan kuwaas oo xiriirinayey magaalooyinka xeebaha ku yaal iyo miyiga fog oo dhamaantood ku kulmi jiray magaalada Afgooye.