Jump to content

Khadiijo

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Khadiija)
Kani waa maqaal ku saabsan xaaskii kowaad ee Nebi Muxamed. Haku khaldin Magaca Khadiija.
Hooyooyinka Mu'miniinta.
اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Khadiija binti khuweylid RC (ingiriis: Khadija; carabi: ﺧﺪﻳﺠﺔ ﺑﻨﺖ ﺧﻮﻳﻠﺪ, lagu naaneysi jirey: Khadīja al-Kubra "Khadija weynayd") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas[1][2] ee dhulka Carabiya markey taariikhdu ahayd sanadkii 555 C.D, kuna dhimatay magaalada Makka sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed (n.n.k.h) qoftaasi oo ahayd ganacsato[3] si fiican looga yaqaano magaalada Makka ee deegaanka Xijaas.[4]

Khaddiijo waxay ahayd qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa Nebiga markii uu waxyiga diinta Islaamku ku soo degay. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”.[5][6]

Xaasaska Nebi Muxamed
Khaddiija bint Khuwaylid

Sowda bint Zamca

Ca'isha bint Abi Bakr

Xafsa bint Cumar

Saynab bint Khuzayma

Hinda bint Abi Umayya

Saynab bint Jahsh

Juwayriyya bint al-Xarith

Safiyya bint Huyayy

Ramla bint Abi Sufyan

Maymuna bint al-Harith

Maryama al-Qibtiyya

Rayhana bint Zayd

Caruurta Khaddiija

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Caruurta Nebi Muxamed

Qaasim bin Muxamed

Cabdulaahi Muxamed

Ibraahim bin Muxamed

Saynab bint Muxamed

Ruqiya bint Muxamed

Umm Kaltuum bint Muxamed

Fatima bint Muxamed

Sida ku xusan diinta Islaamka Rasuul iyo Nebi Muxamed bin Cabdullaahi bin Cabdul Mudalib wuxuu Ilaahay (koreeye) u ogolaaday in uu guursado intuu doono oo dumar ah; sidaasi darteed wuxuu guursadey 13 xaas. Intooda u badani wax ilmo ah uma dhalin nabiga, marka laga reebo Khaddiijo oo ah ooridii ugu horeeysay oo u dhashay 6 ilmo iyo Maryama al-Qibtiyya oo dhashay hal wiil.

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Ilmaha Khaddiija

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Guud ahaan caruurta ay Khaddiija u dhashay Nabi muxamad waxey ahaayeen 6 canug

Qaasim

Cabdulaahi

Saynab

Ruqiya

Umm Kaltuum

Faatima

Wiilasha ay nabi Muxamed u dhashay waa sadex wiil oo kala ah: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim.

Qaasim bin Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qaasim bin Muxamed (ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[7]

Sanadkii 605 C.D ayaa Qaasim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoon gaadhin labo sano, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Cabdullahi bin Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdullahi bin Muxamed (ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad, "Daahir ibn Muxamed", "Daahir" macnaheedu waa "Nadiif"; sidoo kale: Dayib ibn Muhammad, "Dayib" macnaheedu waa "Fiicane") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[8]

Sanadkii 615 C.D ayaa Cabdullahi Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoo wali aad u yar, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Gabdhaha uu Nebigu Dhalay

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo .

Saynab bint Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Saynab bin Muxamed (ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 600 C.D waa gabadha ugu wayn ee curada Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[9]

Saynab waxay dhalatey sanadkii 5aad ee guurka nebiga iyo Khaddiija, wakhtigaasi oo Nebi Muxamed ahaa 30 jir. Sanadkii 629 C.D (oo ku beegan sanadkii 8aad ee Hijrada) ayaa Saynab Muxamed xanuusatay, waxayna dhimatey ayadoo 29 jir ah. Gabadhani waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ruqiya bint Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ruqiya bint Muxamed (ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ", oo macnaheedu tahay "qoftii labo jeer hijrootay") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha labaad ee ugu wayn caruurta Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[10]

Ruqiya Muxamed waxaa markii hore guursadey Cutayba bin Abu Lahab, kaasi ooy iska furtey markeey Islaamtey. Waxaa markii dambena guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan, oo markey dhimatey sanadkii 2aad ee hijrad (624 C.D taariikhda Miilaadiga) wuxuu Cusmaan dumaalay walaasheed Umm Kaltuum bint Muxamed.

Ruqiyah bintu Muxamed waxaa lagu aasay magaalada Madiina.

Umm Kaltuum bint Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Umm Kaltuum bint Muxamed (ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha sadexaad ee ugu wayn caruurta Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[11]

Umm Kaltuum Muxamed waxaa markii hore guursadey asxaabi Cutayba bin Abu Lahab, markii dambena waxaa dumaal ku guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan.

Faatima bint Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Fatima bint Muxamed (ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan" Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas deegaanada Carabiya, mar ahaantaana dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) laguna aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya waa gabadha ugu yar gabdhaha Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[12]

Faaduma Sahra Muxamed waa xaaskii asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cali binu Abi Daalib, hooyada mataanaha Xasan iyo Xuseen iyo qofta shanaad ee Ahlu-Beytka. Sababtoo ah waxay aad ugu dhowayd, daryeeli jirtey isla markaana taageeri jirtey aabaheed Nebi Muxamed, Faadumo Sahra waa mid ka mid ah dumarka loogu qadarinta badan yahay muslimiinta dhexdooda.

Faaduma rasuul waxay dhimatey 13kii Jumada-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya.

Qoyska Nebi Muxamed

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban (13) kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Rumeeyayaasha” "Umaatul al-Mu'miniin". Waxayna dadka aaminsan ee rumeeysan diinta Islaamka ka mudan yihiin sharaf, qadarin iyo heybad; sababtoo ah Ilaahay (koreeye) ayaa Quraanka ku xusan xaasaska nebiga. Markuu ka hadlayay ooriyada Nebi Muxamed Rabbi (casa wa jala) wuxuu yidhi:

Nebigu wuxuu dadka rumeeyay Alle uga dhow yahay naftooda, xaasaskiisuna waxay u yihiin (waa kuwa Alle rumeeyay ee) hooyooyin oo kale.[13]
Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine

Qoyska iyo reerka Nebi Muxamed waxaa la kala raaciyaa kala qeybinta taariikhda Islaamka oo ah:

  • Hijrada Ka Dib: oo ah wakhtigii nebiga iyo asxaabtu u soo kicitimeen isla markaana u soo guureen magaalada Medina, wakhtigaasi oo ka soo bilaabmaya sanadkii 622 C.D ilaa laga soo gaadho goortii nebigu geeriyooday ee sanadkii 632.

Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan, Nebi Muxamed wuxuu guurkani ka helay farxad iyo damaashaad iyo raynrayn ilaa laga soo gaadho geeridii Khaddiijo 25 sano ka dib markeey ahayd oorida nebiga. Si kastaba ha ahaatee, Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.[14]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah. Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii iyo la taliyiisa kowaad waa asxaabi Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee nebigu guursaday waa Ca'isha bint Abi Bakr. Caa'isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da'deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca'isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.

Maab muujinaya xabaalaha qaar ka mid ah Xaasaska iyo gabdhaha uu dhalay Rasuulka.


Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay). Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith.[15]

Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.

Goortii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey. Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.

Maariya al-Qibdiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna uu guursadey, waxayna u dhashay wiil Ibraahim[16]

Sidoo kale fiiri

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


  1. "ingiriis: Khadija; carabi: ﺧﺪﻳﺠﺔ ﺑﻨﺖ ﺧﻮﻳﻠﺪ, "Khaddiija bintu Khuwaylid"; lagu naaneysi jirey: Khadīja al-Kubra "Khadija weynayd""
  2. "Makka, Xijaas, dhulka Carabiya"
  3. "sanadkii 555 C.D, sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed"
  4. "magaalada Makka ee deegaanka Xijaas"
  5. "qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa Nebiga markii uu waxyiga diinta Islaam"
  6. "Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”"
  7. "ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed""
  8. "ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad"
  9. "ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed""
  10. "ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ""
  11. "ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed""
  12. "ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan"Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida""
  13. "Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine"
  14. "Qaasim iyo Cabdulaahi, Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima"
  15. "Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith"
  16. "Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar"