Jump to content

User:Ismail4all/Bacaadka1

Ka Wikipedia
Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  


Ismaaciil Suge

Hordhac

Maanta waa 14 Luuliyo ama Luulyo 2025.
Hada wakhtigu waa 20:45.
Isticmaalahan waa Soomaali
Isticmaalahan wuxuu jecelyahay nabada Soomaaliya


Ismaaciil

اسماعيل حريد
Ku dhashay (1985-05-18) Maajo 18, 1985 ( 40jir)
Borama, Awdal
DegenaanshoLos Angeles, Kalifornia, Maraykanka
QoomiyadaSoomaali
Dhalasho Soomaaliya, Somaliland
ShaqadaArday, Qoraa, shaqaale warshad
Loo yaqaanoWax ku qora Somali Wikipedia
DiintaSuufi Islaam
Website
ismail4ever.net


Ismaaciil (carabi: اسماعيل) (dhashay Maayo 18, 1985) waa nin dhalinyaro ka mid ah Soomaalida ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan wadanka Maraykanka. Waxaan ku dhashay magaalada Borama, Awdal, waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland. Waxaan ahay mid ka mid ah dhalinta ku barbaartey wadankan ee wax ku baratey isla markaana ku nool maanta. Waxaan aad u jecelahay "Horumarka iyo Nabada Wadanka Soomaaliya", sidoo kale taageeraa Midowga Shanta Soomaaliyeed.

Guud ahaan, waxaan xiiseeyaa akhriska iyo qoritaanka, taasi oo ii suurtogelisay inaan maqaalo badan ku qoro halka tan Soomaali Wikipedia. Sidoo kale, waxaan xiiseeyaa isticmaalka aalada internetka.

Marka aad fiiriso horumarka maanta caalamku gaadhay, waxaa aad loo horumariyey luuqadaha bulshooyinka aduunka, marka laga reebo Luuqada Soomaaliga oo aan haad heysan. Inkastoo aan kali ahay, hadana mar walba waxaan jecelahay oon niyada ku hayaa inaan ka qeybqaato sidii loo kobcin lahaa luuqadeena hooyo oo looga dhigi lahaa mid horumarsan oo la jaanqaadi karta luuqadaha caalamka. Taasi darteed, waxaan go'aansadey inaan wakhti siiyo horumarinta luuqada hooyo. Mashruucii ugu horeeyay een ka qeyb qaato wuxuu ahaa Google community Somali translation (mashruuc lacag la'aan ku turjumo luuqada Soomaaliga).

Dabcan Somali Wikipedia waa meel maanta liidata marka la barbar dhigo kuwa kale, laakiin waxaan aaminsanahay in "Guurguurasho lagu guryo gaadho".

Waxqorkeyga

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  


Anigu shakhsi ahaanteey ayaan xiiseeyaa wax qoritaanka iyo akhriska. Waxaan wax qoraayay ilaa 16 sano, kaba badan kala badh nolosheyda. Sidaas ay tahay wali khabiir ma ahi, mana isku heeysto inaan dadka ka xariifsanahay. Marka aan anigu wax qorayo waxaan jecelahay inaan xaqiiqada ku saleeyo. Sidaasi darteed inta ugu badan waxaan si macquul ah u soo turjumaa bog horay u diyaariyeen dad aqoon u leh.

Wax qorkeygu mararka qaar wuxuu noqon karaa mid aad fahmi weydo, sababta waxaa laga yaaba ineey lahjada tahay, inaan il-duufo amaba aan wax si khaldan u fahmo ama u qoro. Waan soo dhawaynayaa hadii aad i sixi karto ama fikrad iyo talo iga siin karto wax qorkeyga. Si kastaha ha ahaatee, ciwaanada iyo qoraalada aan ugu xiisaha badanahay waxaa ka mid ah taariikhda, juquraafiga, sayniska, teknoolojiyada, gaadiidka iyo noolaha. Bogaga aan qoray 90% waa taariikh, juquraafi iyo saynis; waxaanan aaminsahay ineey yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ka biloowno qoritaanka wikipediahan.

Guud ahaan ujeedadu waa in la horumariyo Somali Wikipedia, marka aynu ka wada qeeyb-qaadano isla markaana isa saxno.

Bogaga aan anigu bilaabo inta ugu badan waxaan gaadhsiiyaa heer-sare, dhexdhexaad, cadaymo, sawiraan iyo maab leh. Sidaas ay tahay waxuun baa ka dhiman, hadii aad buuxin karto waa mid fiican.

Howlaha iyo Shaqada halkan

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  

Sida aad ka dheregsan tahay, Soomaali Wikipedia waxaa ka socdo howlo badan oo iskugu jira wax qoris, qoraal habayn iyo hagaajin, ilaalada bogaga muhiimka ah, hagaajinta khaladka iyo kobcinta bulshada Soomaali Wikipedia. Sanadihii ugu horeeysay waxaan ku qaatey samaynta bogag cusub, balaadhinta bogaga gumudka ah iyo hagaajinta maqaalada. Si kastaba ha ahaatee, horaantii 2015 ayaan codsadey maamulenimo ku meel gaadh ah si aan u difaaco bogag badan oon qoray iyo kuwo kale oo dayacnaa. Badhtamihii 2016ka waxaan noqdey maamuleha kaliya ee Soomaali ah ee ka howlgala Wikipedia Soomaaliga.

Guud ahaan bogaga iyo maqaalada aan ka qeyb qaatey (kuwo aan sameeyay, wax-ku-daray, balaadhiyay iyo qurxiyay) aad ayay u badan yihiin oo tiradooda aniga lafteydu ma hayo, laakiin waxaan ogahay:

Tallo, Tusaale & Su'aal

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  

Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.

Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor boga wadahadalkeyga.

Xasuusin

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  
  Ku soo dhawoow Boggayga! Waxaan fariintaada kuugu soo jawaabi Boggaada, hadii aad tahay qof aan ciwaan ku lahayn wikipedia, halkan ayaan kuugu soo jawaabi.
  Marka aad fariin ii reebeysid fadlan talaabooyinkan raac:
  • Waa in qoraalkaagu yeeshaa ciwaan sare adigo ku qoraya khaanada eey ku qoran tahay (subject/headline).
  • Hadii ay fariintaadu ka hadleeso Bog, fadlan ku qor magaca bogga.
  • Fadlan fariintaada haku darin fariimaha kale, qeyb yar oo cusub bilaaw...
  • Ha ilaawin inaad saxeexdo.
  • Fadlan wax cay ah ama aflagaado ah haku qorin meeshaan.

Fariintaada meeshaan ku qor (Riix)

  Xasuusnoow Qodobadan
  • Dadka dhamaantiis qof kasta wuxuu u qalmaa sharaf iyo xurmo. Dadka qadari si adiga laguu qadariyo.
  • Wikipedia Soomaaliga qof ama koox si gaar ah u leh ma jirto; waa bar internet ka dhexeeysa dadka oo dhan isla markaana loogu talogalay ineey ka faa'iideeystaan inta fahmeysa luuqadani.
  • Waajib ayaa kaa saaran horumarinta luuqadeena hooyo, sidaas darteed ka qeyb qaado horumarka bulshadaada.
  • Qof waxkasta aqoon u leh ma jiro. Hadii aad wax fahmi weydo ama kugu adkaato, fadlan codso caawin.
  • Isticmaale kasta wuxuu leeyahay bog la dhaho "Bacaadka" kaasi oo loogu tallogalay in qofku ku soo tabobarto isla markaana ku qoro dhamaan qoraalka aan micno iyo faa'iido midna u lahayn bulshada. Fadlan isticmaal boga bacaadkaaga si aad u tijaabiso dhamaan qoraalada aad sameeyneso.
  • Luuqadeena Af-Soomaaligu weli ma qaangaadhin, sidaasi darteed waxay leedahay gef iyo khaladaad badan oo ku saabsan isticmaalka naxwaha luuqada, marka isku day inaad qorto wax dadka kale fahmi karaan si looga faa'iideeysto.
  • Markasta xasuusnoow ujeedada Soomaali Wikipedia u furan yahay waa in bulshadu ku kala faa'iideeysato marka adigu ha noqon mid lagu khasaaro!

Bilad Sharaf

  Bilad Sharaf Soomaali

Mashruucyo kale

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  
Wikipedia:Babel
so Isticmaalahan Soomaaliga waa afkiisa hooyo.
en-2 This user is able to contribute with an intermediate level of English.


ar-3 يمكن هؤلاء المستخدمين يتكلموا اللغة العربية مدى متوسط مستوى العربية.
da-3 Denne bruger er i stand til at bidrage med en avanceret niveau på dansk.
fi-3 Tämä käyttäjä pystyy kirjoittamaan edistyneesti suomen kieltä.


Raadi luqad isticmaalayaasha

Maqaaladii ugu dambeeyay

Bacaadka1 Shaqada halkan Xasuusin/1 Waxqorkeyga/1 Maqaaladii ugu
dambeeyay
 Macluumaad
Kale
 Tallo & Tusaale box-footer box-header Kuwo
kale
  

14 Luuliyo ama Luulyo 2025

13 Luuliyo ama Luulyo 2025

12 Luuliyo ama Luulyo 2025

11 Luuliyo ama Luulyo 2025

10 Luuliyo ama Luulyo 2025

  • 21:2521:25, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Cryptocurrency (taariikh | wax ka badal) [2,531 bayt] CigaalCabdi (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: Cryptocurrency waa lacago dadan (Crypto) kuwaasoo ku shaqeeya tignoolajiyad la yidhaahdo "Blockchain". Waa lacago aan lahayn maamul dhexe, oo laga maamulo, haday noqon lahayd bangi. hay'ad, urur dhaqaale iwm. Sidoo kale waa lacago aan dhexdhexaadiye lahayn, kaliya diraha iyo loo-diraha.<ref>https://ereyo.cryptoyahan.com/blockchain/</ref> Blockchain waa salka ay ku fadhiyaan lacagaha dadan, waana hanaan cusub oo lagu diiwaan galiyo xogta, oo daah-furan, oo daafaha dunida ku baahs...) Tags: Recreated wax ka badalka muuqaalka ah Edit Check (references) shown
  • 18:4018:40, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Ballanbaal (taariikh | wax ka badal) [126 bayt] Dabayl (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: wa deganka balanbal) Tags: wax ka badalka muuqaalka ah wax badalka mobilada Wax badalka webka ee moobiilada Advanced mobile edit
  • 11:4211:42, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Duuliyanimo (taariikh | wax ka badal) [2,849 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''Duuliyanimo''' ({{lang-en|aviation}}) waa falalka bini’aadamka, geedisocodka iyo farsamada ku saabsan naqshadeynta, horumarinta, hawlgalka, iyo isticmaalka diyaaradaha. Tani waxay ka koobnaanaysaa noocyo badan oo gaadiid ah, laga bilaabo diyaaradaha qaboow (fixed-wing planes) iyo diyaaradaha wareega (rotary-wing helicopters) ilaa diyaaradaha tijaabada ah sida garbaha beddelaan (morphable wings) iyo noocyada cusub ee aan garbaha lahayn (wingless lifting bodies). Duuliyanimo...)
  • 09:0409:04, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Ebereeyadii (qarniga 21aad) (taariikh | wax ka badal) [5,587 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: Tobankan sanadood waxay aragtay koritaanka Internetka, oo laga keenay 6.7% ilaa 25.7% ee dadka adduunka. Tani waxay ka qaybqaadatay caalamiyeynta xilligaan, taasoo fududeysay isgaadhsiinta degdega ah ee dadka adduunka oo dhan;[5][6][7][8][9] bogagga shabakadaha bulshada ayaa soo baxay sidii hab cusub oo loogu sii xiriiro dadka meel fog ku sugan, sida haddii ay heleen xiriir internet. Myspace wuxuu ahaa shabakada bulshada ugu caansan ilaa Juun 2009, markaasoo Facebook ay kaga g...)
  • 08:4708:47, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Labaataneeyadii (qarniga 21aad) (taariikh | wax ka badal) [7,022 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: tobaneeyadii qarniga 21aad ama 2010s (ingiriis: twenties, 2020s) waxay ahayd tobaneeyad bilaabmay maalinta 1 / 1/ 2010 ilaa maalinta 31 / 12 / 2019. Tobaneeyaddan ee labaataneeyadii waay ku bilaabeen faafitaanka cudurka COVID-19. Warbixinada ugu horreeyay ee ku saabsan fayraska ayaa la daabacay 31-ka Diseembar 2019, inkasta oo la sheegay in kiisaskii ugu horreeyay ay soo baxeen qiyaastii bishi hore. [3] Faafitaanka cudurka ayaa sababay hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah, ko...)
  • 08:3808:38, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Tobaneeyadii (qarniga 21aad) (taariikh | wax ka badal) [8,066 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''tobaneeyadii qaniga 21aad''' ama '''2010s''' waxay ahayd tobaneeyad bilaabmay maalinta 1 / 1/ 2010 ilaa maalinta 31 / 12 / 2019. Toban-sanooyinkii 2010-kii waxay ku bilaabeen soo kabashada dhaqaale kadib Burburkii Dhaqaale ee Weyn. Sicir-bararka iyo heerarka dulsaarka ayaa ahaaday kuwo hooseeya oo deggan inta lagu guda jiro tobankan sano, waxaana soo kordhay wax soo saarka adduunka ee guud laga bilaabo 2010 ilaa 2019. Soo kabashada dhaqaale ee caalamiga ah ayaa sare u kac...) originally created as "Tobaneeyadii"
  • 02:3302:33, 10 Luuliyo ama Luulyo 2025 Daljir (taariikh | wax ka badal) [1,522 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''Daljir''' ({{lang-en|soldier}}; ) waa qof tababaran oo u shaqeeyo urur ciidan si uu u difaaco oo u ilaaliyo danaha, dhulka, iyo madaxbannaanida waddan ama koox. Waxay maraan tababar jismiga iyo maskaxda ah, kaas oo u diyaarinaya doodo kala duwan oo ay ka mid yihiin dagaal, dabagal, ilaalinta nabadda, iyo hawlaha taageerada. Daljirka waxaa looga baahan yahay inay isticmaalaan hubka, raacaan xeeladaha ciidanka, isla markaana si wax ku ool ah uga shaqeeyaan kooxda ama cutubka. Do...) Tag: Recreated

9 Luuliyo ama Luulyo 2025

8 Luuliyo ama Luulyo 2025

  • 13:1813:18, 8 Luuliyo ama Luulyo 2025 Reer geel-doon (taariikh | wax ka badal) [632 bayt] Guurre (wadahadal | ku darsasho) (Reer geel-doon) Tags: wax ka badalka muuqaalka ah wax badalka mobilada Wax badalka webka ee moobiilada Advanced mobile edit
  • 11:1811:18, 8 Luuliyo ama Luulyo 2025 Dabaqad mujtamac (taariikh | wax ka badal) [1,281 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''Dabaqad mujtamac''' (ingiriis: social class) waa jaad bulsheed iyo nidaam kala sooc ah oo bulshada ku qeexaya kooxo dadka ah iyadoo lagu saleyn lahaa dhanka arrimo sida heerka dhaqaale, dakhliga, hantida, waxbarashada, xirfadda, iyo maqaam bulsheed. Waxa uu saameeyaa sida qofka uu u heli karo kheyraad, fursado, iyo awood, wuxuuna qaabeeyaa nolol-qaadkiisa, qiimihiisa, iyo xiriiradiisa bulshada. Dadka ka tirsan dabaqad mujtamac sare ee bulshada waxay inta badan helaan fursado w...)
  • 09:4109:41, 8 Luuliyo ama Luulyo 2025 Magac gaar (taariikh | wax ka badal) [1,014 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''Magac gaar''' (ingiriis: proper noun) ah waa magac loo isticmaalo in lagu tilmaamo qof, meel, shay, ama hay’ad gaar ah. Waxaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo shay ama wax gaar ah, waxaana mar walba lagu qoraa xaraf weyn. Magacyada gaarka ah waxay kala soocaan shayga ama hay’adda gaarka ah marka loo eego magacyada guud ee tilmaamaya waxyaabo guud. Tusaale ahaan, "Cumar" waa magac gaar ah waayo wuxuu tilmaamayaa qof gaar ah, halka "magaalo" uu yahay magac guud maadaama uu ti...) originally created as "Magaca gaar"
  • 09:3509:35, 8 Luuliyo ama Luulyo 2025 Magac guud (taariikh | wax ka badal) [908 bayt] Girligaanshub (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: '''Magac guud''' (ingiriis: common noun) waa erey guud oo loo isticmaalo in lagu tilmaamo wax, meel, shay, ama fikrad, iyada oo aan loo mucayin mid gaar ah. Waxay ka duwan tahay o ld u tahay magaca gaarka ah, kaas oo tilmaamaya wax ama shay gaar ah. Tusaale ahaan, ereyga "ey" waa magac guud, maadaama uu tilmaamayo ey kasta, ee aan loo cayimin mid gaar ah. Sidoo kale, "magaalo" waa magac guud, waayo waxay tilmaamaysaa magaalo kasta, ee aan loo mucayin mid gaar ah sida "Bosaso...)

7 Luuliyo ama Luulyo 2025

  • 15:2615:26, 7 Luuliyo ama Luulyo 2025 Liiska madaxda gobolada Hindiya (taariikh | wax ka badal) [54,187 bayt] Indians566 (wadahadal | ku darsasho) (Bog cusub: == Daftar Sultan Delhi == === Dinasti Mamluk Delhi (1206–1290) === * Qutb-ud-din Aibak (1206-1210) * Aram Shah (1210-1211) * Syams-ud-din Iltutmish (1211–1236) * Rukn-ud-din Firuz (1236) * Raziyyat ud din Sultana (1236–1240) * Muiz-ud-din Bahram (1240–1242) * Ala-ud-din Masud (1242–1246) * Nasir-ud-din Mahmud (1246–1266) * Ghiyas-ud-din Balban (1266–1286) * Muiz-ud-din Qaiqabad (1286–1290) * Shamsuddin Kayumars (1290) === Dinasti Khalji (1290–1320) === *...) Tags: wax ka badalka muuqaalka ah wax badalka mobilada Wax badalka webka ee moobiilada
List of abbreviations:
D
Wikidata wax ka badal
C
Wax badalkaan wuxuu abuuray bog cusub (sidoo kale eeg liiska bogagga cusub)
y
Kan waa wax badal yar
b
Wax badalkaan waxaa fuliyay bot
(±123)
Qaadka bogga wuxuu ku bedelmay tirada halbeega baytka

14 Luuliyo ama Luulyo 2025

13 Luuliyo ama Luulyo 2025