Jaamacadda Daaru Salaam
Jaamacadda Daaru Salaam Daaru Salaam University جــــــامــعــة دار ســــلام | |
---|---|
Halku dhegga | Isha Tacliinta Sare |
La aas aasay | 2013 |
Nuuca | Urur tabaruc ah |
Hormuudka jaamacadda | Dr. Cusmaan |
Ardayda | 2770 |
Ardayda dhigata | 2480 |
Daraasaadka sare | 290 |
Waxay ku taal | Muqdisho, Benaadir, Soomaaliya |
Dhismaha jaamacadda | Xarunta |
Loo yaqaan | DSU |
Website | www.dsu.edu.so |
Jaamacada Daaru Salaam (Af-Ingiriis: Daaru Salaam University; Af-Carabi: جــــــامــعــة دار ســــلام) waa jaamacad weyn oo ku taala magaalada Muqdishu ee gobolka Banaadir, Somalia.
Jaamacada Daaru Salaam waxaa la aas asay kadib dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya burburiyey ka dib, sanadkii 2010 ayaa aqoonyahano Soomaaliyeed garteen ineey aasaasaan Jaamacadda Daaru Salaam,Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2013dii ayaa jaamacada la furey ayadoo lagu bilaabay 200 ardey, labo waaxood (Kuliyada Waxbarashada iyo Waaxda Maamulka & Ganacsiga).
Guud ahaan, 8 sano ka dib wakhtigii la aasaasay, maanta Jaamacadda Daaru Salaam waxay leedahay 7 kuliyadood (faculty).
Kuliyadaha Jaamacada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Jaamacada Daaru Salaam waxa ay leedahay & Kuliyadood (faculty) oo dhamaantood ku baxa luuqada ingiriiska, marka laga reebo koorsooyinka qaar ooy qaataan ardeyda sanadka koowaad (freshman) iyo ardeyda loo tababaro 2da sano ee macalinimada kuwaas oo qaata koorsooyin ku baxa luuqada Af carabiga
Kuliyada Waxbarashada
Kuliyada Maamulka & Ganacsiga
Kuliyada Sharciga & Qaanuunka
Kuliyada Beeraha & Deegaanka
Kuliyada Caafimaadka
Kuliyada Kalkaalisada
Kuliyada ITga & Koombuyuterka
Kuliyada Injineerinka