Dadka Baajuuni

Ka Wikipedia
Baajuuni
Meelaha ay ku badan yihiin
 Kenya 69,110[1] [2]
 Soomaaliya 10,000 (qiyaas 1970)
Luqada

Kibajuni  • Soomaali

Dadka ay dhalyo wadagaan

Kiswaahili

Dadka Baajuuniga (Af Ingiriis : Bajuni people) waa dad laga tiro badan yahay oo ku dhaqan Gasiirada Baajuuniga, xeebaha ku hareersan wadanka Kiinya, iyo meelo ka mid ah Koonfurta wadanka Soomaaliya. Tirokoob laga soo xigtay Ururka Qaramada Midoobay, dadka Baajuuniga ah waxaa lagu qiyaasay wax ku dhow 100,000[3] qof kuwaasi oo intooda ugu badan ku nool yihiin wadanka Kiinya. Dhinaca kale, wadanka Soomaaliya waxaa ku nool tiro lagu qiyaasay ilaa 20,000 qof kuwaasi oo intooda ugu badan ku dhaqan koonfurta dalka.

Hordhac

Gabdho dhalinyaro ah oo jooga magaalada Hargeysa.

Dadka Soomaalidu waa kuwa ugu badan ee ku dhaqan wadanka Soomaaliya; ayadoo lagu qiyaasay ilaa 85% oo bulshada ahi ineey tahay Soomaali sax ah, halka inta kale ka soo jeedaan meelo kale oo caalamka ah.[4]

Intaasi marka laga yimaado Soomaalidu waxay isku qeybisaa reero iyo qabiilo kuwaasi oo guud ahaan ah 4 beelood.[5]

Bulshada Soomaaliga

Bulshada Soomaaliya waa mashruuc xambaarsan macluumaad badan oo ku saabsan beelaha, reeraha, luuqadaha, tirada bulshada, heerka waxbarasho, caafimaadka, dhaqaalaha, diimaha iyo qodobo kale oo saamayn ku leh bulshada.

Dadka Soomaalida

Dadka Soomaalid waa bulsho ku dhaqan Geeska Afrika; gaar ahaan wadanka Soomaaliya, Jabuuti, deegaano ka tirsan wadanka Itoobiya, deegaano ka mid ah wadanka Kenya iyo meelo badan oo caalamka ah. Dadka Soomaalida ah waxay ka mid yihiin kooxaha Bulshada Soomaaliya; waana dadka ugu badan bulshada ku nool wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, dadka Soomaalidu waxay ku hadlaan Af-Soomaali oo kamid ah luqadaha Kushitiga Faraceeda Afro Aasiya.

Soomaalida waxaa kala qaybiyey gumeysigii qarnigii 19aad, kaas oo ukala qaybsaday 5 qaybood oo kala ah: Talyaani Oo haystay Koofurta Soomaaliya; Ingriiska oo haystay Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland); Faransiiska oo haystay Xeebta Soomaaliya (Jabuuti); Itoobiya iyo Ingiriiska oo haystay Soomaali Galbeed (Soomaali galbeed); iyo Kenyaoo haystay deegaanka NFD.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. [1] Archived Nofeembar 21, 2013 // Wayback Machine
  2. Nurse, p.6.
  3. [2] Archived Nofeembar 21, 2013 // Wayback Machine
  4. 2009factbook>"Nuqul Archive". Central Intelligence Agency. 2009-05-14. Waxaa laga kaydiyay the original 2016-07-01. Soo qaatay 2009-05-31.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. name="Abdullahi142">Abdullahi, Mohamed Diriye. Greenwood Publishing Group. p. 142. ISBN 0313313334 http://books.google.com/books?id=2Nu918tYMB8C.  Maqan ama ebar |title= (caawin)