Dawladii Mamaaliikta

Ka Wikipedia

Dawladii Mamaaliikta (afka carabiga: دَولَةُ المَمَالِيك ) waa dawlad ka jirtay masar, shaam iyo xijaaz, waxay bilaabatay kadib dhicitaankii dawlada ayuubiyiinta 648H ku beegan 1250 miilaadi, waxay dhacday dagaalkii riidaaniya kadib 923H ku beegan 1517 miilaadi

Saldanada mamaaliikta
سلطنة المماليك  (Af-Carabi)
Saldanada mamaaliikta
دولة الأتراك‎  (Af-Carabi)
Dawlada turkida
دولة الجراكسة  (Af-Carabi)
Dawlada sharkis
Astaanta ciidanka dawlada Mamaaliikta
Attributed arms of the Mamluk Sultan
(by Mecia de Viladestes map, 1413)
Location of Saldanada mamaaliikta
Magaalo madaxQaahiro

Asalkooda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

erayga maamaaliik luuqada carabiga waa jamac mufradkiisu waa mamluuk waana adoon la gado lana soo iibsado[1] adoomanku waxay laf dhabar u ahaayeen dawlado badan oo islaami ah, mustacsim bilaah oo kamid ahaa khulafada cabaasiyiinta ayaa aad u badasaday xiligiisa, ayuubiyiinta oo hoos tagi jireen cabaasiyiinta ayaguna wey ku tiursanaayeen adoomaha, saalax ayuub ayaa aad u soo iibsaday adoomo badan tarbiyo qaas ah ayuu siiyay waxa uuna dajiyay qalcada rowda oo bada agteed ah [2] badankood waxay ahaayeen turki, sidaas ayaana loogu aqoonsaday mamaaliikta bada, waxaa jiro qeyb kale oo mamaaliikta ah oo loo yaqaan mamaaliikta burjiyiinta ama sharkis, ayaga waxay ku jireen qalco laga soo bilaabo xiligii suldaan qalaawuun asalkooduna waa sharkis ama qowqaas

Taariikhda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bilawga xukunka mamaaliikta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadkii 1249 Markuu dhintay suldaankii ayuubiyiinta saalax ayuub xili adag uu socday dagaalkii todobaad ee saliibiyiinta naagtiisa shajaru duri iyo talyihii mamaaliikta faarisudiin aqdaay ayaa iska kaashaday maamulka dawlada waxayna u qoreen tooraan shaah oo ah wiilka saalax ayuub inuu dhaqso ku yimaado waxaa dhacday in la jabiyay gaalada oo xitaa luwiis sagaalaad boqorka faransiiska gacanta lagu dhigo [3]

Tooraan shaah markuu xilka qabtay wuxuu kula dhaqmay mamaaliikta adadeeg qaar badan ayuu xilka ka qaaday qaarna xabsi ayuu dhigay[4], ugu dambeyn mamaaliikta iyo shajaru duri oo ka gadoodsan xukunkiisa ayaa ku guuleesteen inay dilaan 1250 [5][ْ 1] kadib dilka tooraan shaah awoodi oo dhan waxay gacanta u gashay mamaaliikta waxay ka tashadeen cidii ay xilka u dhiibi lahaayeen ugu dambeen waxay xusheen oo doorteen shajaru duri oo ahayd xaaska saalax ayuub[6], waxay ku maamushay dawlada si adag, waxay madax furasho ku daasay luwiis sagaalaad iyo talyaashiis sare ee gacanta dawlada ku jireen balse waxay sababtay culumada islaamka oo ka horjeesteen inay naag madax noqoto [7] iyo khaliifka cabaasiyiinta mustacsim bilaah oo asna aqbali waayay [8] inay guursato cizudiin aybuk xilkana uga dagto[9].

La loolamida ayuubiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa jiray faracyo kale oo ayuubiyiinta ah kana talinaayay qaybo kamid ah shaam waxaana ugu magacdheeraa faraca xalab, oo hogaamiyo ka ahaa naasir yuusf wuxuu ka hor yimid xukunka mamaaliikta wuxuuna qabsaday dimishiq, dhulka shaam oo dhan ayaa ka baxay gacanta mamaaliikta [10] wuu isku dayay naasir yuusuf qabsashada masar waxa uuna la galay mamaaliikta dagaal culus oo looga adkaaday ayuubiyiinta [11] dhacdadaan ka dib colaadooda ayaa cirka gashay, khaliifka cabaasiyiinta ayaa soo kala dhex galay oo hishiis dhax dhigay [12].

Ka hortagida tataarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tataarka wuxuu ahaa inuu dawlado badan oo islaami ah iyo kuwo yurubiyaan ah inuu soo baaba'shay 656H oo ku beegan 1258 wuxuu qabsaday baqdaad waxa uuna ka geestay baabi'n aan horay loo arkin taariiqda[13], waxay dileen dad kor u dhaafaya 1milyan oo ku juro khaliifka cabaasiyiinta muctasim bilaah. waxaa saas ku soo idlaaday dawladii cabaasiyiinta ee jirtay mudo Shan qarni, waxaana cabsi xoogan soo food saartay mamaaliikta iyo ayuubiyiinta.

Wuxuu ahaa cizudiin aybuk in la dilay 1257 waxaana ka dambeeyay dilkiisa xaaskiisa shajaru duri oo uu ka dhexeeyay qilaaf [14], ayaduna waa la dilay [15] waxaana xilka loo doortay wiilkiis nuurudiin cali oo yaraa markaas [16] balse wax garadka ayaa soo jeediyay in marxladaan adag loo baahanyahay hogaamiye awood leh, waxaana la doortay seefudiin quduz [17].

Howlaakuu hogaamihii tataarka ciidankiis ayuu shaam la soo aaday, waxaa garab istaagay qaar ka mid ah dawladihii kirshtaanka, naasir yuusuf ayaa awoodi waayay inuu difaaco, waxay qabsadeen xalab, gumaad daran ayeena ka geesteen[18], magaalooyinka shaam ayaa mid mid gacantooda u soo galeen dimishiq, ximsa ilaa Gaza falastiin ay ka soo gaareen

Dagaalkii ceynu jaaluut[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Howlaakuu ayaa u soo qaray mamaaliikta inay is dhiibaan waxa ayna xambaarsaneed warqadiisa goodis iyo cabsi galin [19] laakin seefudiin quduz oo aan baqin ayaa markiiba dilay fariin sidayaashii tataarka, waxa uuna iclaamiyay dagaal, wuxuu sii dhiiraday markuu ogaaday Howlaakuu inuu laabtay arimo kusoo kordhay awgeed, oo taliye sare katabgaa la dhaho ciidanka ku dhaafay, dagaalkii ceynu jaaluut ayaa dhex maray labada ciidan 1260, waxaana jab culus la gaarsiiyay tataarka magaalooyinka shaam ayaana dib looga soo ceshaday, waxaana dib usoo laabtay midnimada shaam iyo masar oo waayihii ayuubiyiinta jirtay[20].

Seefudiin quduz waxa uu ku dhintay gacanta mamaaliikta bil kadib dagaalkii ceynu jaaluut waxaana suldaan loo doortay daahir beebaris[21]

Soo celinta khilaafda cabaasiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxaa soo gaaray masar axmad oo walaal la ahaa khaliifka cabaasiyiinta mustansir, suldaan daahir Beebaris ayaa soo dhaweeyay waxaa loo doortay khaliif 1261, mustansir ayaa asna loogu yeeray, suldaanka ayaa siiyay ciidamo badan soo u soo ceshado baqdaad, balse isla sanadkaas dagaal oo la galay tataarka ayaa lagu waayay [22][23]. Waxaa sidoo kale yimid axmad bin xasan oo ka mid ahaa qoyska cabaasiyiinta khaliif ayaa loo doortay mustansir kadib waxa loogu yeeray xaakim bi amri laah.

daahir Beebaris wuxuu sii waday la dagaalanka tataarka waxa uuna isbahaysi la sameeyay hogaamiyaha qabiilka dahabiga baraka khaan, wuxuu ku duulay salaajiqada ruum oo hoos tageesay tataarka1276 waxa uuna gaarsiiyay tataarka jab weyn dagaalkii albastaan wax badan ayuuna ka dilay [24]

La dagaalanka kirishimiska iyo Qasashada andaakiya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

la dagaalanka kirishtaanka saaciday tataarka ayagana ma hilmaamin, armiiniyada yar oo ka mid ahayd dawladaha taageeray ayuu ku duulay 1266 khasaaro ba'an ayuuna gaarsiiyay[25],

1263 Waxaa uu weeraro aa kala sooc laheen ku qaaday imaaradaha kirishtaanka ee shaam, waxa uu ku guuleestay xureen magaalooyin badan sida yaafaa, qeesaariya, ramala iyo safada [26]

imaarada andaakiya oo ka mid ahayd imaaradaha kirishtaanka afarta ahaa ee la dhisay ka dib weeraradii saliibiga ahaa ayuu furtay 1268 Waxeyna ka heleen mamaaliikta qaniimo aad u weyn .[27]

guulaha is daba xiga uu gaaray daahir beebaris waxey ku kaliftay kirishmiska inay hishiis ogaadaan ayagoo kala bar dheefta dheefta dhulka ee heestaan soo dhiibaya [28]

xukunka qoyska qalaawuun[wax ka badal | wax ka badal xogta]

daahir Beebaris wuxuu dhintay 678H ku beegan 1277[29] wuxuu xilka u dardaarmay wiilkiis saciid baraka, balse labo sano markuu xilka haayay Mamaaliikta ayaa ku boodeen [30] waxeyna doorteen suldaan qalaawuun kaas oo si kumeel gaar ah bilooyin xilka ku haayay wiil kale oo yar uu dhalay daahir beebaris kadibna wuu siibay[31].

wuxuu wajahay qalaawuun bilawgiisa laba kacdoon tan koowaad sunqur al ashqar amiir shaam wuxuu ka hor yimid xukunka qalaawuun waxa uuna isku doortay boqor [32] qalaawuun oo daawdo ka eheen dhaq dhqaaqan ayaa la dagaalamay oo ku qasbay sunqur al ashqar inuu is dhiibo [33]

Kacdoonka labaad wuxuu ka yimid mamaaliik daacad u ahaa qoyska daahir beebaris kuwaas oo gacan saar la yeeshay tataarka iyo kirishmiska waxayna dajiyeen qorshe lagu dilaayo qalaawuun balse suldaan qalaawuun ayaa ogaaday arintaas waxa uu ku dhigay gacanta talaabo adag ayuuna ka qaaday [34] qalaawuun waxa uu arkay inuu aasaaso adoomo asi daacad u ah oo ku tiirsanaado 1282 dii ayuu asaasay mamaaliikta sharkis ee ka soo jeedaan dhulka qawqaas.

La dagaalanka tataarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

wuxuu ahaa abaaqaa khaan inuu soo diray ciidan kuwaas oo qabsaday qalcadaha shaam qaarkood xalab ayeena galeen dad badana way kulaayeen, isla waqtigaas kirishmiska ayaa ka sameeyay dhaqdhaqaaq shaam, suldaan qalaawuun wuxuu la galay hishiis 10 sano ah kirishmiska si uu ugu firaaqo noqdo tataarka [35] abaaqaa khaan wuxuu ahaa inuu ciidan badan la soo aaday sanadkii 1281 shaam, qalaawuun ayaa ka hortagay waxa uuna ku dhigay jab aad u xun dagaalkii ximsa labaad [36].

Ka sifeenta kirishmiska shaam[wax ka badal | wax ka badal xogta]

qalaawuun wuxuu go'aansaday inuu dabargooyo kirishmiska, dagaalada ayuu ku soo rogaal celiyay, wuxuun ka qabsaday magaalada laadiqiya iyo dhufeeska marqab oo aad muhiim u ahaa, waxa uu fursad ku helay imaarada daraabulis oo is qabqabsi ka bilaawday ka dib dhimashada amiirkood [37] ciidan aad u badan oo boqol kun gaaraya ayuu ka xeestay soo u qabsado daraabulis ciidankii kirishmiska oo tabar iska waayay ayaa is dhiibay oo magaalada isaga baxay [38], waxaa gacanta muslimiinta kusii dhacay magaalooyin badan oo ka mid tahay beyruut, kaliya waxaa u haray kirishmiska magaalooyin yar oo ka mid tahay cakaa oo aad ugu xooganaayeen [ْ 2] waxaa soo gaaray kirishmiska gurmad xaga yurub kaga yimid waxayna bilaabeen dhaqdhqaaq qalaawuun ayaa go'aansaday inuu qabsado cakaa [39] markuu diyaar garoobay si kadis ah ayuu ku dhintay 1290 waxaana xilka qabtay wiilkiisa ashraf qalaawuun, waxa uu meesha ka sii waday qabyada aabihiis, kirishmiska cakaa ayaa isku dayeen inee wadahadal ugu leexiyaan damaciisa balse uma dheg raaricin [40] 1291 ciidan dhan 160kun ayuu ku hareereeyay cakaa iyo agabyo wax lagu hareereeyo sida warafyo waaween [41] ciidanka kirishmiska waxay muujiyeen difaac daran balse hala uma tarin oo ciidankii mamaaliikta ayaa galeen magaalada kirishmiskana waxaey ku carareen bada [42] furashada caka kadib waxey baneeyeen kirishmiska meelihii kale ee ka joogeen shaam [43], waxeyna u rarteen yurub.waxaa saas kusoo idlaaday dagaaladii kirishmiska ee soo bilaawday 1095.

ashraf qalaawuun 1293 ayaa waxaa dilay qaar mamaaliikta ka mid ah ooxukunkiisa ka soo horjeedeen [44], kadib xaalada dawlada waxey gashay qas iyo jahawareer ugu dambeyn waxaa lees la gartay naasir qalaawuun oo markaa yaraa in xilka loo doorto [45].

xiliga dahabiga ee mamaaliikta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Naasir qalaawuun maadaama uu yaraa waxaa maamulka dawlada gacanta ku dhigay talyaasha mamaaliikta kuwaas oo ka dhigeen sida qof qalcada ku xayiran [1] zeynudiin katabgaa oo kamid ahaa talyaasha sare ayaa canuga yar xilka ka siibay waxa uuna isku magacaabay suldaan 1294tii, xukunkiisa oo ku beegmay xili sicir barar ba'an oo jiray iyo talaabooyin uu qaaday oo dad badan qancin waxee keentay in dadku qumiyeestaan shacbiyad fiicanna uu yeelan[2], talye kale oo xusaamudiin laajiin la dhaho ayaa ka faaideestay oo afgambi ku sameeyay balse asna wadada kii hore ayuu maray mamaaliikta ayaana dileen 1298 [3], waxaa dhacday in dib loo soo celiyo naasir qalaawuun soo dhaween fiican ayuuna la kulmay [4].

Waxey dawladu weeraro kala kulantay hogaamiyaha tataarka maxamuud qaazaan kaas oo jabiyay mamaaliikta kuna falay dhulka shaam boob iyo fasaad, suldaanka oo wata ciidan badan ayaa gaaray shaam waxa uuna ka buriyay tataarka [5], qaazaan ayaa ciidankiis soo hogaamiyay mar labaad ayuu soo duulay suldaanka ayaa ka hortagay waxayna ku dagaalameen dagaalkii shaqxab 1302dii, jab culus ayaana ku dhacday tataarka shacbiyada suldaanka ayaa sii korortay [46], sidaas ee tahay hadana suldaanka 14 jir buu ahaa waxaana ku tasarufaayay dawlada labo talyo oo kala ah salaar iyo beeris jaashankiir, wuxuu isku dayay inuu ka taqaluso lbaduba laakin way ogaadeen, wuxuu dareemay inuu wax ka qaadi karin qof xaj aadaya buu iska dhigay qalcada karki ayuuna gabaad ka dhigtay xilkana wuu ka degay, beeris jaashankiir ayaana la doortay badalkiisa [6], qadar ilaahay wuxuu kusoo beegmay xili abaaro jiraan waxeyna dadku u arkeen qumay naasir qalaawuun ayeena ka dalbeen inuu imaado, naasir oo awoodeestay ayaa mar sedexaad xilka qabtay 1309, [47], si buuxda ayuuna gacanta ugu dhigay awooda, markaan dambe 31sano ayuu talada haayay.

Xilliga naasir qalaawuun waxa uu matalaa xiligee ugu fiicneed dawlada hormar ahaan deganaasho iyo awood intaba, xuduudka dawlada wuxuu ahaa galbeed barqa ilaa shaam, xijaas koonfurta ciraaq bari, koonfur laga bilaabo nuuba ilaa anaadool waqooyi, waxa uuna ixtiraam ka heestay dawladaha caalamka, labo weerar ayuu ku qaaday nuuba sanadihii 1315, 1316. Waxa uuna xilka saaray cabdulaahi bin barshanboo oo ahaa muslimkii ugu horeeyay ee ka taliya suudaan kadib si tartiib tartiib ayuu ugu fiday islaamka [48][49]

Hoos u dhaca mamaaliikta bada iyo dhicitaanka xukukooda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kadib dhimashada naasir qalaawuun dawlada waxay gashay deganaasho la'aan ah wax aad u batay suldaan la siibaayo iyo mid kale oo la suraayo, 20kii sano ee xigay dhimashada naasir 8 kamid ah ilmihiisa ayaa suldaan loo doortay, arintaan ayaa saameyn ku yeelatay dawlada dhaqaalaheeda ayaa hoos u dhacay waxaa usii dheeraa daacuunkii madoobaa oo dilaacay 1349 asigoo galafsaday nafaf badan Awooda xukunka waxay gacanta u gashay talyaasha sare ee mamaaliikta kuwaas oo ka dhigtay alaab alaabeey salaadiinta, talyaasha badankood waxey ahaayeen mamaaliikta sharkiska, waxaana ugu muuqday seefudiin barquuq kaa oo awooday inuu siibo xaaji bin ashraf kadibna qabto xilka 1382, waxaana sidaas ku bilaawday xukunka mamaaliikta sharkiska [50][51]

Xukunka mamaaliikta sharkiska[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bilawga xukunkiisa seefudiin barquuq wuxuu fashiliyay mu'aamaro lagu doonaayay in xilka looga qaadayo, hase ahaatee kacdoon ka yimid shaam ayaa awooday inuu xilka ka rido 1388 [52] waxeyna suldaan kusoo celiyeen xaaji bin ashraf, labo sano kadib barquuq ayaa awoodeestay oo xukunka soo ceshaday [53]wuxuuna dabar jaray mucaaradkiisa.

waxaa soo food saaray dawlada halista timuurlank oo awooday dawlado badan inuu soo baabi'iyay, hadalo kulul ayuu u soo qoray dawlada suldaanka ayaana si lamid ah ugu jawaabay [54], wuxuu u darbaday dagaal balse geerida ayaa u timid 801H/1399 waxaana xilka qabtay wiilkiis naasir faraj kaa oo awoodi waayay inuu joojiyo timuurlank oo weeraro ba'an ku gumaaday dadka degan shaam, 1405tii mamaaliikta ayaa xilka ka tuureen naasir faraj waxeyna ku badaleen walaalkiis almansuur balse bilooyin kadib wuu soo laabtay naasir faraj, mar kale maamaaliikta oo ka xun dulmiga iyo qalbi kaknaanta naasir faraj waxay sameeyeen afgambi 1411 ayagoo dileen naasir faraj khaliifka cabaasiga mustaciin bilaah ayaana xilka loo dhiibay si ku meel gaar ah [55][56][57].

5 bilood ka dib almu'ayid sheekh ayaa loo doortay suldaan [58], kadib salaadin aa magac lahayn baa ka dambeeyay ilaa uu xilka qabto ashraf barsibaay 1422 [59] kaas weeraro ku furtay jaziirada qubrus , waxa uuna xilka haayay ilaa 1438, wiilkiisa ayaana xilka kaga dambeeyay laakin wuu heesan waayay waxaana la wareegay daahir jaqmaq waxa uuna ahaa qof fiican oo munkarka suuliya[60] wuxuu isku dayay furashada jasiirada rodos oo heesteen fardooleyda qadiis yoxanaa sedex weerar buu ku qaaday markii dambe hishiis buu la galay, tiimuuriyiinta ayee xiriir fiican la yeelatay dawlada xiligiisa waxa uuna dhintay 1453, boqoradii ka dambeeyay waxaa laga xusi karaa ashraf qaaytibaay oo haayay xilka 1468 ilaa 1496 waxa uuna ahaa geesi la jecel yahay dhismooyin qurxoon ka tagay, xiligiisa wax u dhigma ma jiro marka laga yimaado xiligii naasir qalaawuun [61]

waayihii dambe ee dawlada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markuu dhintay ashraf qaaytibaay duruufo adag ayee wajahday dawlada sidii suldaan loo siibayay oo mid kale loo suraayay markii dambe qaansuu alguuri ayee ku xasilay 1501. Burtaqiiska ayaa heley jid oo marsiiyo ganacsiga aana masar ahayn, waxa taasi keentay ishii dhaqaale ee ku tiirsaneed dawlada inee go'do, burtaqiiska oo aad ugu awoodeestay dhanka bada ayaa sidoo kale wuxuu bilaabay inuu dhibo muslimiinta ku safraaya bada, mamaaliikta oo u aragtay in midaas xad gudub weyn ku tahay ayaa u dirtay usduulkeeda hindiya soo ula dagaalamo burtaqiiska [62] balse wax guul ah sooma hooyin oo dagaalkii diyuu ee la galeen burtaqiiska ayuu ku burburay usduulka [63]

Xiriirka mamaaliikta ee la lahaayeen cusmaaniyiinta wuu sii xumaanayay tan iyo furasha Qusdandiiniya ka dib wuxuuna ka sii daray markuu saliim xilka fuulay saliim ayaa aad uga xumaaday qaansuu alguuri inuu kula garab istaagi waayo la dagaalanka safawiyiinta waxa oona ku eedeeyay inuu dhabarka ka toogtay [64], hadana qaansuu alguuri oo ku sifeesnaa qof daalim ah xoolaha umada xaq dara ku cuna waxay keentay in dadka ay ka raadsadaan cadaalad cusmaaniyiinta, meelo badan oo dawlada raacsanaa ayaa kubiiray cusmaaniyiinta dad badan oo wax garad ahaana saliim ayee ka dalbadeen inuu soo gaaro oona mideeyo caalamka islaamiga, waxaa lama huraan noqotay dagaal in laga baaqsado, mamaaliikta iyo cusmaaniyiinta ayaa ku dagaalameen 1516 dii dagaalkii maraj daabiq kaas oo ku guuleesteen cusmaaniyiinta, waxaana lagu waayay nolol iyo geeri qaansuu alguuri, dagaalka kadib dhulka shaam ayaa u gacan gashay cusmaaniyiinta.

Mamaaliikta inta hartay waxay masar ku doorteen duumaan baay, saliim ayaa u soo bandhigay duumaan baay inuu hoos imaado asaga xilkiisna uu iska heesto [65], balse duumaan baay ma aqbalin, saliim ayaa u soo baxay la dagaalankiisa waxeyna ku dagaalameen 1517 dagaalkii riidaaniya kaa oo ku jabeen mamaaliikta duumaan baay ayaa cararay oo dhuuntay, mar dambe ayaa la soo qabtay albaabka zuweyla agtiis ayaana lagu dilay [66], dilka duumaan baay ayuu kusoo dhamaaday jiritaanka dawladii mamaaliikta

Khaliifka cabaasiyiinta mutawakil sedexaad ayaa khilaafda uga dagay suldaan saliim [67] waxaa saas ku dhamaaday khilaafda cabaasiyiinta ee muuqaal ahaan uga jirtay masar ka dib markee dhacday dawladood.

Maamulkooda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

suldaanimada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

xilka suldaanimada wuxuu ahaa xilka ugu sareeya ee dawlalada, badanaa ma ahayn dhaxaltooyo, ee wuxuu ku xirnaa awooda qofka iyo taageeradiisa xoogan, markuu dhinto suldaanka talyaha ugu awooda badan ayaa la wareegi jiray xilka, waxa uuna in badan xilka kusii hayn jiray canug yar oo suldaankii hore ka tagay hadii uu maslaxad u arko, markoo fursad helana meeshuu ka saari jiray.

khaliifka islaamka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

mansabka khilaafada waxaa haayay cabaasiyiinta oo markii dawladood burburtay u guuray masar, waxayna ahaayeen magac uyaal oo wax awood ku ma lahayn balse sharciyada suldaanka ayee xoojinaayeen, suldaanka wuxuu u baahnaa inuu ka helo aqoonsi xaga khaliifka

Naaibka suldaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Naaibka suldaanka waa jago ka jirtay daawlada, waana jagada ku xigta suldaanka, waxayna ka jirtay magaalooyin badan oo shaam dhaca qofka haayo sidii suldaanka oo kala ayuu ugu tasarufi jiray gobolkiis, markuu suldaanka joogana wuxuu u ahaa la taliye.

Garsoorka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa ka jiray dawlada afar garsoore oo kala matala afarta madhab shaaficiyo, xanafiyo, xanaabilo iyo maalikiyo, kuwaas oo iska kaashan jiray fulinta xukunka islaamka, waxaana loogu yeeri jiray mid kasta qaadi qudaat..

Nolol cilmiyeed iyo maskaxeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Boqorada mamaaliikta waxay aad u daneen jireen madaarista, badankood waxay dhiseen madarasooyin loogu magac daray , waxaa ka soo baxay aqoonyaano aad u badan, in badan oo ka mid ah culumada taariiqda islaamka aad saameyn ugu leh waxay noolaayeen xiligii mamaaliikta, waxaa ka xuseenaa:

shiiq nawaawi oo qoray kitaabka "riyaadusaalixiin", "arbaciinka" iyo kutubo kale oo faaido badan

ibnu manduur oo qoray qaamuuska "lisaanul carab"

ibnunafiis oo ka qaray cilmiga caafimaadka kitaabka "alshaamil fi dib"

Dameeri oo qoray kitaabka "xayaatul xawaanaat"

Ibnu hishaam oo kutubo badan ka qoray naxwada sida "qadriga" iyo "mugni labiib"

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa culumadii noolaa xiliga mamaaliikta alciz bin cabdisalaan oo loo yaqaan suldaanka culamada, ibnuteemiya, ibnuqayim aljoozi, imaam dahabi, ibnu kathir qoraaga "albidaaya Wa nihaaya" iyo tafsiirka caanka ah, ibnu khalduun aasaasaha cilmiga bulshada, ibnu qudaama almaqdasi qoraaga kitaabka "muqniga" ee madhabka xanbaliga, ibnu xajar casqalaani, ibnu daqiiq ciid, alqalqashandi qoraaga moosuucada "subxul acshi", jalaaludiin suyuudi qoraa iyo culumo kale oo saameyn xoogan ku yeeshay taariiqda islaamka

Boqorada mamaaliikta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magacyada boqorada Dawladda Mamaaliikta, Mudadii ay heysteen talada iyo khaliifka cabaasiga ee ku waqtiga ahaa.

Tirsiga magaca Mudada xilka KHaliifka cabaasiga xiligiisa
Mamaaliikta turkida ama bada
__ Cismatuddiin shajaru durri 1250-1250 mustacsim bilaah khaliifka cabaasiga ee baqdaad
1 Almuciz Cizudiin Aybuk 1250-1257 khaliifka cabaasiga ee baqdaad
2 Al-mansuur Nuuruddiin Cali bin Aybek 1257-1259 khaliifka cabaasiga ee baqdaad mustacsim bilaah ilaa 1258
3 al mudafir seyfuddiin Quduz 1259-1260 ...
4 Ruknu diin daahir Beebaris 1260-1277 mustansir bilaah oo ugu horeeyay khulafada masar 1261 xaakim bi amri laah laga bilaabo 1262
5 alsaciid naasirudiin baraka 1277-1279 xaakim bi amri laah
6 alcaadil badrudiin salaamash 1279-1279 xaakim bi amri laah
7 almansuur seefudiin qalaawuun 1279-1290 xaakim bi amri laah
8 ashraf qalaawuun 1290-1293 xaakim bi amri laah
9 alnaasir Maxamad qalaawuun 1293-1294 xaakim bi amri laah
10 Alcaadil zeynudiin katabgaa 1294-1296 xaakim bi amri laah
11 xusaamudiin laajiin 1296-1299 xaakim bi amri laah
Mar labaad alnaasir Maxamad qalaawuun 1298-1308 xaakim bi amri laah ilaa 1302 mustakfi bilaah laga bilaabo 1302
12 rukunudiib beebaris jaashankiir 1308-1309 mustakfi bilaah
Mar sedexaad alnaasir Maxamad qalaqwuun 1309-1340 mustakfi bilaah ilaa 1340 alwaasiq bilaah labaad 1340-
13 Almansuur seyfudiin abuubakar bin naasir 1340-1341 alwaasiq bilaah ilaa 1341 xaakim bi amri laah labaad 1341-
14 ashraf calaaudiin kajak bin naasir 1341-1342 xaakim bi amri laah labaad
15 Shihaabudiin axmad bin naasir 1342-1342 xaakim bi amri laah labaad
16 Alsaalix camaadudiin ismaaciil bin naasir 1342-1345 xaakim bi amri laah labaad
17 Seyfudiin shacbaan bin naasir 1345-1346 xaakim bi amri laah labaad
18 Almudafir zeenudiin xaaji bin naasir 1346-1347 xaakim bi amri laah labaad
19 Alnaasir badrudiin xasan bin naasir 1347-1351 xaakim bi amri laah labaad
20 salaaxudiin saalix bin naasir 1351-1354 xaakim bi amri laah labaad ilaa 1352 muctadad bilaah 1352-
mar labaad Alnaasir badrudiin xasan bin naasir 1354-1361 muctadad bilaah
21 Al-Mansuur Salaaxuddiin Muxammed bin Xaaji bin naasir 1361-1363 muctadad bilaah ilaa 1362 mutawakil cala laah 1362-
22 Ashraf Zeynuddiin Shacbaan bin Xuseen bin Muxammed bin Qalaawuun 1363-1376 mutawakil cala laah
23 Al-Mansuur Calaa'udiin Cali bin ashraf Shacbaan 1376-1381 mutawakil cala laah ilaa 1377 mustacsim bilaah labaad ilaa 1377 mutawakil cala laah markale 1377-
24 Saalax salaaxuuddiin Xaaji bin ahraf shacbaan 1381-1382 mutawakil cala laah
mamaaliikta sharkis ama burjiyiinta
25 seefudiin barquuq 1382-1388 mutawakil cala laah ilaa 1383 alwaasiq bilaah sedexaad 1383 ilaa 1386 mustacsim bilaah labaad 1386-
mar labaad Saalax salaaxuuddiin Xaaji bin ahraf shacbaan 1388-1390 mustacsim bilaah labaad ilaa 1389 mutawakil cala laah 1389-
mar labaad seyfudiin barquuq 1390-1399 mutawakil cala laah
26 alnaasir faraj 1399-1405 mutawakil cala laah
27 almansuur cizudiin cabdicaziiz bin barquuq 1405-1405 mutawakil cala laah
mar labaad alnaasir faraj 1405-1412 mutawakil cala laah ilaa 1406 mustaciin bilaah 1406-
_ almustaciin cabaas 1412-1412 mustaciin bilaah
28 almu'ayid sheekh 1412-1421 mustaciin bilaah ilaa 1414 muctadad bilaah sedexaad 1414-
29 almudafir shihaabudiin axmad bin almu'ayid sheekh 1421-1421 muctadad bilaah sedexaad
30 al daahir seyfudiin durdur 1421-1421 muctadad bilaah sedexaad
31 naasirudiin Maxamad bin seyfudiin durdur 1421-1422 muctadad bilaah sedexaad
32 ashraf seyfudiin barsibaay 1422-1438 muctadad bilaah sedexaad
33 almalik caziiz yuusuf bin ashraf barsibaay 1438-1438 muctadad bilaah sedexaad
34 aldaahir seyfudiin jaqmaq 1438-1453 muctadad bilaah sedexaad Ilaa 1441 mustakfi bilaah sedexaad 1441-1451 aqaaim bi amri laah 1451-
35 almansuur cusmaan bin aldaahir jaqmaq 1453-1453 aqaaim bi amri laah
36 ashraf iinaal 1453-1461 aqaaim bi amri laah ililaa 1455 almustanjid bilaah 1455-
37 almu'ayid shihaabudiin axmad bin ashraf iinaal 1461-1461 almustanjid bilaah
38 aldaahir seyfudiin khashuqdam 1461-1467 almustanjid bilaah
39 seyfudiin balbaay 1467-1468 almustanjid bilaah
40 aldaahir tamarbugaa 1468-1468 almustanjid bilaah
41 alashraf seyfudiin qaaytibaay 1468-1496 almustanjid bilaah ilaa 1479 mutawakil cala laah labaad 1479-
42 alnaasir Maxamad bin ashraf qaaytibaay 1496-1497 mutawakil cala laah labaad
43 aldaahir qaansuu 1497-1497 mutawakil cala laah labaad ilaa 1497 mustamsik bilaah 1497-
markii labaad alnaasir Maxamad bin ashraf qaaytibaay 1497-1498 mustamsik bilaah
44 aldaahir qaansuu 1498-1500 mustamsik bilaah
45 ashraf janbulaad 1500-1501 mustamsik bilaah
46 alcaadil seyfudiin duumaan baay 1501-1501 mustamsik bilaah
47 alashraf qaansuu alguuri 1501-1516 mustamsik bilaah ilaa 1508 mutawakil cala laah sedexaad ilaa 1516
48 ashraf duumaan baay 1516-1517 mustamsik bilaah ilaa 1517 mutawakil cala laah sedexaad 1517-1517

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. 1.0 1.1 {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=العبادي، أحمد مُختار|عنوان=قيام دولة المماليك الأولى في مصر والشَّام|صفحة=11|سنة=1969|ناشر=دار النهضة العربيَّة|
  2. 2.0 2.1 (Al-Maqrizi, p. 441/vol.1 ) - (Abu Al-Fida, pp.66-87/ Year 647H - Death of as-Sailih Ayyub) - (Ibn Taghri/vol.6 - Year 639H )
  3. 3.0 3.1 {{استشهاد بكتاب|مؤلف1= ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2= قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان= النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء السادس|إصدار= الأولى|صفحة= 362 - 364|سنة= 1413هـ - 1992م|ناشر= دار الكُتب العلميَّة|
  4. 4.0 4.1 {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=طقُّوش، مُحمَّد سُهيل|عنوان=تاريخ المماليك في مصر وبلاد الشَّام|طبعة=الرابعة|صفحة=32 - 33|سنة=1436هـ - 2015م|ناشر=دار النفائس|الرقم المعياري=9789953183206|
  5. 5.0 5.1 {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن عبد الظاهر، مُحيي الدين أبو الفضل عبد الله بن رشيد الدين السعدي المصري|مؤلف2=تحقيق ونشر: عبدُ العزيز الخويطر|عنوان=الروض الزاهر في سيرة الملك الظاهر|صفحة=48 - 50|
  6. 6.0 6.1 {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن إياس، أبو البركات زينُ العابدين مُحمَّد بن أحمد بن إياس الحنفي النَّاصري القاهري|مؤلف2=تحقيق: خليل إبراهيم|عنوان=بدائعُ الزُّهور في وقائعُ الدُّهور، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=268|سنة=1992|ناشر=دارُ الفكر اللُبناني|
  7. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=السُيُوطي، أبو الفضل جلالُ الدين عبدُ الرحمٰن بن أبي بكر|عنوان=حُسن المُحاضرة في تاريخ مصر والقاهرة|المجلد=الجُزء الثاني|طبعة=الأولى|صفحة=36|سنة=1387هـ - 1967م|ناشر=دار إحياء الكُتُب العربيَّة|الرقم المعياري=9781118014516|تاريخ الوصول=8 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|
  8. {{استشهاد ويب|مسار=https://archive.islamonline.net/?p=10158%7Cعنوان=السلطانة الحكيمة|موقع=إسلام أونلاين|تاريخ الوصول=9 حُزيران (يونيو) 2017م|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20200607191545/https://archive.islamonline.net/?p=10158/%7C
  9. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=النُويري، شهابُ الدين أحمد بن عبد الوهَّاب|عنوان=نهاية الإرب في فنون الأدب|طبعة=الأولى|صفحة=363 - 364|سنة=1424هـ - 2004م|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|المجلد=الجُزء التَّاسع والعُشرون|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=بيروت - لُبنان|مسار|
  10. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=العيني الحنفي، أبو مُحمَّد بدرُ الدين محمود بن أحمد بن موسى بن أحمد|عنوان=عقد الجُمان في تاريخ أهل الزمان|المجلد=عصر سلاطين المماليك، الجُزء الأوَّل|طبعة=الثانية|صفحة=32 - 33|سنة=1431هـ - 2010م|ناشر=دار الكُتُب والوثائق القوميَّة|الرقم المعياري=9771806785|تاريخ الوصول=7 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|
  11. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=العيني الحنفي، أبو مُحمَّد بدرُ الدين محمود بن أحمد بن موسى بن أحمد|عنوان=عقد الجُمان في تاريخ أهل الزمان|المجلد=عصر سلاطين المماليك، الجُزء الأوَّل|طبعة=الثانية|صفحة=40|سنة=1431هـ - 2010م|ناشر=دار الكُتُب والوثائق القوميَّة|الرقم المعياري=9771806785|تاريخ الوصول=7 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|
  12. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=طقُّوش، مُحمَّد سُهيل|عنوان=تاريخ المماليك في مصر وبلاد الشَّام|طبعة=الرابعة|صفحة=56 - 57|سنة=1436هـ - 2015م|ناشر=دار النفائس|الرقم المعياري=9789953183206|
  13. Kala xiriir halkaan
  14. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=النُويري، شهابُ الدين أحمد بن عبد الوهَّاب|عنوان=نهاية الإرب في فنون الأدب|طبعة=الأولى|صفحة=456|سنة=1424هـ - 2004م|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|المجلد=الجُزء التَّاسع والعُشرون|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=بيروت - لُبنان|
  15. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=493 - 494|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  16. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الدوادار، ركن الدين بيبرس المنصوري الناصري الخطائي|عنوان=التُحفة المملوكيَّة في الدولة التُركيَّة|طبعة=الأولى|صفحة=39|سنة=1407هـ - 1987م|ناشر=الدار المصريَّة اللُبنانيَّة|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|مسار=https://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:398085&q=%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190202113808/http://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:398085&q=%7C
  17. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1= النُويري، شهابُ الدين أحمد بن عبد الوهَّاب|عنوان= نهاية الإرب في فنون الأدب|طبعة= الأولى|صفحة= 468|سنة= 1424هـ - 2004م|ناشر= دار الكُتُب العلميَّة|المجلد= الجُزء التَّاسع والعُشرون|تاريخ الوصول= 6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان= بيروت - لُبنان|
  18. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2=قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان=النجوم الزاهرة في ملوك مصر والقاهرة|النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء السابع|إصدار=الأولى|صفحة=76|سنة=1413 هـ - 1992م|ناشر=دار الكُتب العلميَّة|
  19. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=القلقشندي، أبو العبَّاس أحمد|عنوان=صُبح الأعشى في صناعة الإنشا، الجُزء الثامن|إصدار=الثانية|صفحة=63|سنة=1340هـ - 1922م|ناشر=دار الكُتب المصريَّة|
  20. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الصيَّاد، فُؤاد عبدُ المُعطي|عنوان=الشرق الإسلامي في عهد الإيلخانيين: أُسرة هولاكو خان|طبعة=الأولى|صفحة=315 - 316|سنة=1987|ناشر=مركز الوثائق والدراسات الإنسانيَّة، جامعة الكُويت|
  21. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الدوادار، ركن الدين بيبرس المنصوري الناصري الخطائي|عنوان=التُحفة المملوكيَّة في الدولة التُركيَّة|طبعة=الأولى|صفحة=45|سنة=1407هـ - 1987م|ناشر=الدار المصريَّة اللُبنانيَّة|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|مسار=https://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:398085&q=%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190202113808/http://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:398085&q=%7C
  22. {{استشهاد بكتاب|مسار=https://archive.org/download/olomnasb_ymail_20160508/%D8%A7%D9%84%D9%85%D8%B4%D8%AC%D8%B1%20%D8%A7%D9%84%D9%83%D8%B4%D8%A7%D9%81.pdf%7Cعنوان=بحر الأنساب المسمى بالمشجر الكشاف|تاريخ=|موقع=المدينة المنورة|ناشر=مكتبة الملك عبدالعزيز بالمدينة المنورة (مخطوط) - إضافة النسابة اللغوي محمد بن مرتضى الزبيدي الحسيني|مكان=المنلكة العربية السعودية|تاريخ الوصول=|الأخير=الحسيني النجفي|الأول=إبن عميد|
  23. {{استشهاد ويب|مسار=http://alalbayt.com/?p=1110%7Cعنوان=موقع آل البيت يخاطب آل البيت حول العالم » جذوة الاقتباس في نسب بني العباس|موقع=alalbayt.com|تاريخ الوصول=2018-11-28|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190413084955/http://alalbayt.com/?p=1110%7C
  24. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الدوادار، ركن الدين بيبرس المنصوري الناصري الخطائي|عنوان=زُبدة الفكرة في تاريخ الهجرة|طبعة=الأولى|صفحة=118|سنة=1998|ناشر=منشورات المعهد الألماني للأبحاث|
  25. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2=قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان=النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء السابع|إصدار=الأولى|صفحة=140|سنة=1413هـ - 1992م|ناشر=دار الكُتب العلميَّة|
  26. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=550|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  27. المقريزي: السلوك لمعرفة دول الملوك. ج:1. ص:567
  28. صبح الأعشى في صناعة الإنشا. 34/14-50. القلقشندي
  29. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الدوادار، ركن الدين بيبرس المنصوري الناصري الخطائي|عنوان=التُحفة المملوكيَّة في الدولة التُركيَّة|طبعة=الأولى|صفحة=86|سنة=1407هـ - 1987م|ناشر=الدار المصريَّة اللُبنانيَّة|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|مسار=https://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:398085&q=%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190202113808/http://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:398085&q=%7C
  30. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن إياس، أبو البركات زينُ العابدين مُحمَّد بن أحمد بن إياس الحنفي النَّاصري القاهري|مؤلف2=تحقيق: خليل إبراهيم|عنوان=بدائعُ الزُّهور في وقائعُ الدُّهور، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=114|سنة=1992|ناشر=دارُ الفكر اللُبناني|
  31. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2=قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان=النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء السابع|إصدار=الأولى|صفحة=287 - 289|سنة=1413هـ - 1992م|ناشر=دار الكُتب العلميَّة|
  32. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2=قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان=النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء السابع|إصدار=الأولى|صفحة=294|سنة=1413هـ - 1992م|ناشر=دار الكُتب العلميَّة|
  33. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=النُويري، شهابُ الدين أحمد بن عبد الوهَّاب|عنوان=نهاية الإرب في فنون الأدب|طبعة=الأولى|صفحة=21 - 22|سنة=1424هـ - 2004م|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|المجلد=الجُزء الحادي والثلاثون|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=بيروت - لُبنان|
  34. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن العسَّال، الشيخ الصفيّ مُفضَّل بن أبي الفضائل القبطي المصري|عنوان=النهج السديد والدُّر الفريد فيما بعد تاريخ ابن العميد|طبعة=الأولى|صفحة=323 - 324|سنة=1930|ناشر=بلوشيه|
  35. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=عاشور، سعيد عبد الفتَّاح|عنوان=مصر والشَّام في عصر الأيوبيين والمماليك|إصدار=الأولى|صفحة=214|ناشر=دار النهضة العربيَّة|
  36. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الهمذاني، رشيدُ الدين فضل الله|عنوان=جامع التواريخ، تاريخ المغول في إيران|المجلد=المُجلَّد الثاني، الجُزء الثاني|إصدار=الأولى|صفحة=83|سنة=1960م|ناشر=دار إحياء الكُتب العربيَّة|
  37. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1= ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2= قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان= النجوم الزاهرة في ملوك مصر والقاهرة|النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء السابع|إصدار= الأولى|صفحة= 320 - 321|سنة= 1413 هـ - 1992م|ناشر= دار الكُتب العلميَّة|
  38. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=746 - 747|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  39. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=754|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  40. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=762|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  41. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=الأيُّوبي، أبو الفداء عمادُ الدين إسماعيل بن عليَّ بن محمود بن مُحمَّد|عنوان=المُختصر في أخبار البشر|المجلد=الجُزء السابع|طبعة=الأولى|صفحة=31|ناشر=المطبعة الحُسينيَّة المصريَّة|تاريخ الوصول=9 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=القاهرة - مصر|مسار=https://shamela.ws/browse.php/book-12715#page-101%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190504031612/http://shamela.ws:80/browse.php/book-12715%7C
  42. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2=قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان=النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء الثامن|إصدار=الأولى|صفحة=6 - 7|سنة=1413هـ - 1992م|ناشر=دار الكُتب العلميَّة|
  43. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=عاشور، سعيد عبد الفتَّاح|عنوان=الحركة الصليبيَّة: صفحة مُشرِّفة في تاريخ الجهاد الإسلامي في العُصُور الوُسطى|المجلد=الجُزء الثاني|إصدار=الأولى|صفحة=1183 - 1184|سنة=1991|ناشر=مكتبة الأنجلو المصرية|
  44. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=النُويري، شهابُ الدين أحمد بن عبد الوهَّاب|عنوان=نهاية الإرب في فنون الأدب|طبعة=الأولى|صفحة=259 - 262|سنة=1424هـ - 2004م|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|المجلد=الجُزء الحادي والثلاثون|تاريخ الوصول=6 حُزيران (يونيو) 2017م|مكان=بيروت - لُبنان|
  45. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن العسَّال، الشيخ الصفيّ مُفضَّل بن أبي الفضائل القبطي المصري|عنوان=النهج السديد والدُّر الفريد فيما بعد تاريخ ابن العميد|طبعة=الأولى|صفحة=575|سنة=1930|ناشر=بلوشيه|
  46. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الأوَّل|إصدار=الأولى|صفحة=938|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  47. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1= عاشور، سعيد عبد الفتَّاح|عنوان= مصر والشَّام في عصر الأيوبيين والمماليك|إصدار= الأولى|صفحة= 228 - 230|ناشر= دار النهضة العربيَّة|
  48. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقريزي، أبو العبَّاس تقيُّ الدين أحمد بن عليّ بن عبد القادر الحُسيني العُبيدي|عنوان=السُلوك لِمعرفة دُول المُلوك، الجُزء الثاني|إصدار=الأولى|صفحة=161 - 162|سنة=1997|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|
  49. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=مسعد، مُصطفى مُحمَّد|عنوان=الإسلام والنوبة في العُصُور الوُسطى: بحث في تاريخ السودان وحضارته حتى أوائل القرن السادس عشر الميلادي|إصدار=الأولى|صفحة=96 وما بعدها|سنة=1960|ناشر=مكتبة الأنجلو المصرية|
  50. Kala xiriir halkaan
  51. دولة المماليك البرجية - د. محمد الرفاعي - قصة دولة المماليك - قصة الإسلام | بوابة التاريخ الإسلامي .. إشراف الدكتور راغب السرجاني. Archived 2020-06-07 at the Wayback Machine
  52. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1= ابن تغري بردي، أبو المحاسن جمالُ الدين يُوسُف بن تغري بردي بن عبد الله الظاهري الحنفي|مؤلف2= قدَّم لهُ وعلَّق عليه: مُحمَّد حُسين شمسُ الدين|عنوان= النُجوم الزاهرة في مُلوك مصر والقاهرة، الجُزء الحادي عشر|إصدار= الأولى|صفحة= 275 - 289|سنة= 1413هـ - 1992م|ناشر= دار الكُتب العلميَّة|
  53. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن حجر العسقلاني، شهابُ الدين أبو الفضل أحمد بن عليّ بن مُحمَّد|عنوان=الدُرر الكامنة في أعيان المائة الثامنة|المجلد=الجُزء الرابع|إصدار=الأولى|صفحة=365|سنة=1349هـ|ناشر=دائرة المعارف العُثمانيَّة|مكان=حيدر آباد - الهند
  54. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن عربشاه، شهابُ الدين أبو مُحمَّد أحمد بن مُحمَّد بن عبدُ الله بن إبراهيم|عنوان=عجائب المقدور في أخبار تيمور|إصدار=الأولى|صفحة=70|سنة=1285هـ|ناشر=مطبعة وادي النيل|مكان=القاهرة - مصر|مسار=https://ar.wikisource.org/w/index.php?title=%D9%85%D9%84%D9%81%3A%D9%83%D8%AA%D8%A7%D8%A8_%D8%B9%D8%AC%D8%A7%D8%A6%D8%A8_%D8%A7%D9%84%D9%85%D9%82%D8%AF%D9%88%D8%B1_%D9%81%D9%8A_%D8%A3%D8%AE%D8%A8%D8%A7%D8%B1_%D8%AA%D9%8A%D9%85%D9%88%D8%B1.pdf&page=70%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190214215330/https://ar.wikisource.org/w/index.php?title=ملف:كتاب_عجائب_المقدور_في_أخبار_تيمور.pdf&page=70%7C
  55. {{Ouvrage|lire en ligne=https://books.google.fr/books?id=xlWsMcwZ9vEC&pg=PA157%7Ctitre=The Islamic world in ascendancy|nom1=Martin Sicker|éditeur=Greenwood Publishing Group|année=2000|passage=157|isbn=978-0-275-96892-2|عنوان=نسخة مؤرشفة|وصلة=https://books.google.fr/books?id=xlWsMcwZ9vEC&pg=PA157&hl=fr%7Cتاريخ الوصول=19 ديسمبر 2020|تاريخ الأرشيف=16 مارس 2016|مسار الأرشيف=https://web.archive.org/web/20160316095015/https://books.google.fr/books?id=xlWsMcwZ9vEC&pg=PA157&hl=fr%7C
  56. {{Ouvrage|auteur=René Grousset|titre=L’empire des steppes, Attila, Gengis-Khan, Tamerlan|éditeur=Payot|lieu=Paris|année=1938, quatrième édition, 1965|présentation en ligne=https://dx.doi.org/doi:10.1522/24883187%7Cpages=(.pdf) 669|lire en ligne=http://classiques.uqac.ca/classiques/grousset_rene/empire_des_steppes/grousset_steppes.pdf%7Cpassage=561%7C
  57. {{استشهاد بكتاب|عنوان=The Mameluke; or, Slave dynasty of Egypt, 1260-1517, A. D.|مؤلف=وليم موير|سنة=1896|ناشر=Smith, Elder|مكان=|isbn=|صفحات=245|
  58. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=العيني الحنفي، أبو مُحمَّد بدرُ الدين محمود بن أحمد بن موسى بن أحمد|عنوان=السيف المُهنَّد في سيرة الملك المُؤيَّد "شيخ المحمودي"|طبعة=الثانية|صفحة=259|سنة=1966|ناشر=دار الكتاب العربي|مكان=القاهرة - مصر|مسار=https://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:172726%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20190202115858/http://dar.bibalex.org/webpages/mainpage.jsf?PID=DAF-Job:172726%7C
  59. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=عاشور، سعيد عبد الفتَّاح|عنوان=العصر المماليكي في مصر والشَّام|إصدار=الثانية|صفحة=163|سنة=1976|ناشر=دار النهضة العربيَّة|
  60. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=المقدسي، أبو اليمن مُجيرُ الدين عبدُ الرحمٰن بن مُحمَّد بن عبدُ الرحمٰن العليمي الحنبلي|عنوان=الأُنس الجليل بتاريخ القُدس والخليل|صفحة=443|المجلد=الجُزء الثاني|تاريخ الوصول=2 تمُّوز (يوليو) 2017م|مسار=https://upload.wikimedia.org/wikisource/ar/9/9a/%D8%A7%D9%84%D8%A5%D9%86%D8%B3_%D8%A7%D9%84%D8%AC%D9%84%D9%8A%D9%84_%D8%A8%D8%AA%D8%A7%D8%B1%D9%8A%D8%AE_%D8%A7%D9%84%D9%82%D8%AF%D8%B3_%D9%88%D8%A7%D9%84%D8%AE%D9%84%D9%8A%D9%841.pdf%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20130319063732/http://upload.wikimedia.org:80/wikisource/ar/9/9a/الإنس_الجليل_بتاريخ_القدس_والخليل1.pdf%7C
  61. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=راغب السرجاني|عنوان=الموسوعة الميسرة في التاريخ الإسلامي، الجزء الأول|طبعة=السابعة والعشرون|صفحة=463-464|سنة=يناير 2014|ناشر=مؤسسة اقرأ|
  62. Firearms: a global history to 1700 by Kenneth Warren Chase p.103ff Archived 2017-03-23 at the Wayback Machine
  63. Islam at war: a history by George F. Nafziger, Mark W. Walton p.69 Archived 2014-06-27 at the Wayback Machine
  64. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=البكري المصري ،شمس الدين مُحمَّد بن أبي السُرُور|عنوان= الكواكب السائرة في أخبار مصر والقاهرة|صفحة= 18|سنة= 1055هـ|مسار= https://gallica.bnf.fr/ark:/12148/btv1b110010884/f25.item%7Cمسار أرشيف= https://web.archive.org/web/20210704223117/https://gallica.bnf.fr/ark:/12148/btv1b110010884/f25.item%7C
  65. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=ابن طولون، شمس الدين مُحمَّد بن علي بن أحمد|عنوان=مُفاكهة الخلَّان في حوادث الزمان|طبعة=الأولى|صفحة=341|سنة=1418هـ - 1998م|ناشر=دار الكُتُب العلميَّة|مكان=بيروت - لُبنان|isbn=2745100068|مسار=https://ia800705.us.archive.org/3/items/Mofakaht-Khelan/Mofakaht_Khelan.pdf%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20220411120242/https://ia800705.us.archive.org/3/items/Mofakaht-Khelan/Mofakaht_Khelan.pdf%7C
  66. Kala xiriir halkaan
  67. {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=عُمر، عُمر عبد العزيز|عنوان=تاريخ المشرق العربي (1516 - 1922)|صفحة=84 - 85|سنة=1408هـ - 1984م|ناشر=دار النهضة العربيَّة|مكان=بيروت - لُبنان|مسار=https://ia803100.us.archive.org/28/items/ktp2019-bskn11525/ktp2019-bskn11525.pdf%7Cمسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20220411120242/https://ia803100.us.archive.org/28/items/ktp2019-bskn11525/ktp2019-bskn11525.pdf%7C


Cite error: <ref> tags exist for a group named "ْ", but no corresponding <references group="ْ"/> tag was found