Qaahiro

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Template:1000 fondamentals

القـــاهـــرةDalka Masar oo loo yaqaan dalka jamhuuriyaddaCarbeed ee Masar waa dal ka kala tirsan labada qaaradood ee Africa iyo Asia. Waxaa uu ka mid yahay wadamada ku yaala Waqooyi bari qaaradda Africa iyo koofur galbeed qaaradda kale ee Asia waxaana uu xaduud kala wadaagaa wadamo ay ka mid yihiin Sudan, Libya, Falastiin oo dhanka Gaza ay kala wadaagaan Israel. Dalkaan aanu ka sheekeynayno ee Masar oo loo aqoonsanyahay inuu ka mid yahay wadamada taariikhda fog ku leh nidaamka dawladnimo oo ay dawlado badan soo mareen sida Faraacinadii waxaa ku yaala dhismooyin khadiimi ah oo loo dalxiis tago. Tirada dadka Masaarida ah waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 90 million oo qof waana taas ka dhigtay dalka ugu dadka badan wadamada dunnida Carabta la yiraahdoo Africa oo dhanna waxaa uu ka yahay dalka Sadexaad oo waxaa ka dad badan dalalka Ethiopia iyo Nigeria. Dunnida oo dhanna waxaa uu ka yahay dalka 15,aad ee ugu dadka badan. Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Qaahira oo ay ku noolyihiin in ka badan 10 million oo qof. Magaalada Qaahira oo la aaminsanyahay in la aas aasay sanadku markuu ahaa 969 waxaa waxay dunnida ka tahay magaalada 15,aad ee ugu weyn. Calanka wadanku waxaa uu ka kooban yahay midabada gaduud ama casaan, cadaan iyo madaw kala sareeya waxaana meesha dhexe oo cadaan ah ku sawiran galeyr baalasha fidiyay oo dhanka midig eegaya. Luuqada wadanka looga hadlo waa Af-Carabi lacagta wadanka laga adeegsadana waxaa la yiraahdaa Masari Pound gaadiidkuna waxay isku dhaafaan dhanka midig marka wadankaasi la joogo. Inkastoo uu dalkaan nidaamyo kala duwan soo maray haddana waxaa Ingiriiska oo gumaysan jiray uu ka xaroobay bishii February sanadkii 1922 hase ahaatee June 1953 ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay dal jamhuuriyad ah oo aysan boqortooyo ka jirin. Sidoo kale dalkaan waxaa uu ka mid ahaa wadamadii ay ka talin jirtay boqortooyadii Cusmaaniyiinta inyii u dhaxaysay sanadihii 1515 illaa laga soo gaaray 1914 markaasoo Ingiriisku ka saaray. Dalka Masar waxaa soo maray M/weynayaal dunnida Carabta iyo xataa caalamka taariikh ka sameeyay aadna loogu xasuusto dhacdooyin ay sameeyeen sida Jamaal C/Naasir, Anwar Al- Saadaat iyo Max’ed Xusni Mubaarak oo talada wadankaasi ka degay sanadkii 2011 markii lagu kacay. Dalkaan waa xarunta ururka Jaamacadda Carabta oo ah urur ay ku midaysan yihiin wadamada Carbeed sidoo kalena hay’addo caalami ah ayaa degen. Dhanka ciidamadana waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu awooda badan dalalka Carabta iyo xataa kuwa Africa waxaana ciidamada Masar lagu xasuustaa jabkii ay u geysteen ciidamada Yahuuda waayihii dagaal ee Carabta iyo Israel. Masar waxay aheyd dawladii Carbeed ee ugu horeysay ee xiriir diblomaasiyadeed Israel la sameysta sanadkii 1973. Dhaqaala ahaan dalkaan waxaa uu ka mid yahay dalalka dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay waxaana dawladu daqliga ka heshaa beeraha, iyo gaaska dabiica ah ee la dhoofiyo. Xagga diimahana diinta rasmiga ah ee dalka waa Islam waxaa bulshada wadankaasi ay 90% yihiin Muslimiin. Taariikhyanada qaar ayaa ku doodaa in wixii ka horeeyay qarnigii 7,aad Masaarida badankeed ay ahaayeen Masiixiyiin Markii Islamku gaaray dalkaasna si xawli ah ayuu ugu fiday. Magaalada caasimada ah ee Qahira oo sidoo kale loo yaqaan magaalada minaaradaha Masaajida waxaa ku yaala in ka badan 1,000 minaaradood, waxaana la sheegaa inuu ka mid yahay wadamada ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka aaminsan fikirka Akhwaanul Mulimiinka. Waa dal sidoo kale taariikhda ku leh dhanka waxbarashada waxaana ku yaala jaamacado magac ku leh dunnida oo loo wax barasho doonto sida jaamacaddaAl- As-har Shariif oo ah jaamacadda ugu weyn ee culuumta islamka lagu barto. Dalkaan waxaa u dhashay qofkii ugu horeeyay ee Carbeed ee ku guulaysta abaal marinta Nopel Peace Prize kaasoo ahaa qoraagii la oran jiray Najiib Maxfuus. Hadda oo ay dalkaan ka jirto dawlad taageero buuxda ka heleysa militryga wadankaas kana dhalatay markii uu dhacay kacdoonkii xukunka looga riday Madaxweyne Mubaarak waxaa lagu eedeeyaa inay ku xad gudubto xaquuda aadanaha. M/weynihii ugu horeeyay ee ay dadku doortaan muddo 30 sanno ah markii ugu horeysay Max’ed Mursi ayaa u xiran waxaana ururkiisii Akhwaanul Muslimiin loo aqoonsaday urur aragagixiso oo aan siyaasadda dalkaas ka qayb gali Karin. Dhaqan ahaan dadka wadankaasi waxay la wadaagaan dadka dega wadamada Carbta raggu waxay xirtaan khamiisyo madaxana cimaamado cad cad ayay ku xirtaan waagii horse waxay madaxa saaran jireen koofi madaxa sare uuga dhegen yahay bir u eg maska nooca kobraha loo yaqaana ah. Cunooyinka ugu badan ee dalkaan laga cunno waa rootiga ama muufada, bariiska hilbaha kaluunka Magacyo ay ka mid yihiin Koshaari, Qubus, Falafel, iyo Mulukhhiya ayaa raashinka loogu jecelyahay looga yaqaan. Kubbadda cagta oo ka mid ah cayaaraha loogu jecelyahay dalkaas waxaa kooxaha ka jira ay ka mid yihiin kooxaha ugu adag horyaalada Africa iyo Carabta. Kooxaha Al-Ahli iyo Al-Zamalik ayaana ka mid ah. Xulka qaranka kubbadda cagta dalkaasi oo Faraaciinta loo yaqaan 7 jeer ayay kor u qaadeen koobka qaramada qaaradaan Africa waana dalka ugu badan ee koobkaan haysta. Cayaaryanada ugu caansan ee dalkaan u dhashay waxaa ka mid ah Max’ed Barakat, Max’ed Abu- Tarika, Axmed Mido Caamir Zaki Max’ed Zidan iyo cayaaryahano kale.
Al-Qāhirah
Prepared by Ahmed Mohamed farah Cargaale94@gmail.con 0615485990
300px
90px|border 90px
País Template:Egipte
Superfícia 214 km²
Populacion 7 500 000 (2006)
Latitud 30° 03' N
Longitud 31° 22' È
Localizacion de la vila en Egipte
290px


Isuduwe: 30°3′29″N 31°13′44″E / 30.05806°N 31.22889°E / 30.05806; 31.22889

Qaahiro ayada oo habeen ah

Qaahiro (Af-Ingiriis: Cairo; Af-Carabi: القاهرة) waa caasimada dalka Masar. Qaahira waa magaalada ugu wayn Afrika waxayna ku taalaa Masar Qaahira waxay leedahay taarikh wayn iyo guud ahaan dalka Masar. Qaahira diinta lagu dhaqmo waa diinta Islaamka gaar ahaan Sunni waxaana magaalada ku taalo jaamacadda wayn ee Al Azhar inkastoo diima kale lagu dhaqmo laakiin diinta aabaha wadanka Masar waa diinta Islaamka gaar ahaan mad habta Sunni

Vista del Caire.









Caasimadaha Afrika
Abuja · Akara · Addis Abeba · Algiers · Antananarifo · Asmara · Bamako · Bangui · Banjul · Bissau · Barasafille · Bujumbura · Dakar · Dodoma · Freetown · Gaborone · Harare · Bort Lois · Borto-Novo · Braia · Jamestown · Jabuuti · Juba · Kambaala · Kab town · Konakry · Khartuum · Kigali · Kinshasa‎ · Librefille · Lilongwe · Lobamba · Lome · Luanda · Lusaka · Malabo · Mamawdsaw · Mabuto · Maseru · Mabane · Muqdisho · Monrofia · Moroni · Nayroobi · Nijamiina · Niamey · Nawakshot · Ouagadougou · Qaahiro · Rabat · Saint-Denis · Sao Tome · Triboli · Tunis · Fiktoria · Windhoek · Yawunde · Yamoussoukro