Beesha Habar Cafaan

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Habar Cafaan)
Habarcafaan
هبر عفان
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Itoobiya
 Jabuuti
Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Gadabuursi

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dir iyo qabiilo Soomaali kale

Beesha Habar Cafaan (Af Ingiriis : Ha'bar Afan; Af Carabi : ar‎ sidoo kale lagu naaneyso (HC) waa mid ka mid ah sadexda rukun ee beel-weynta Gadabuursi ee dega gobolka Awdal[1], Salal, Gabiley Jamhuuriyada Somaliland; deegaano ka mid ah kilinka 5aad ee dalka Itoobiya, iyo meelo badan oo ah wadanka Jabuuti.

Beesha Habar Cafaan waxay ka kooban tahay labo iyo toban qabiil[2] ama reerood. Kuwaasi oo u sii kala baxa beelo iyo jufooyin badan.

Shaxda

Beesha Habarcafaan waxay ka tirsan tahay Beelweynta Gadabuursi, Dir, Soomaal. Sidaasi ay tahay waxaa Habarcafaan ka kooban tahay labo-iyo-toban reerood kuwaasi oo kala ah:

  • Muse Aaden Xasan
  • Subeer:
  • Dhagaweyne
  • Makayl
  • Reer Xaamud[4]
  • Hansasacad (Xasan Sacad)
  • Faroole
  • Cali Ganuun
  • Reer Yuusuf
  • Reer Ciise
  • Gobe

Deegaanada Beesha

Beesha Habar Cafaan waxay dhul balaadhan ku leedahay sadex wadan oo kala ah Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti.[5]

Dalka Somaliland waxay ka degtaa beeshu meelo aad u badan, ugu yaraan magaalo kasta oo ku taala dalka, gaar ahaan: Magaalada Borama, Jirjir, Xaliimad, Baki, Xariirad, Cabdulqaadir, Goronyo Cowl, Xego, Weeraar, Abuqeys iyo agagaarkeeda.[6]

Dhinaca kale, dalka Itoobiya beeshu waxay ka degtaa deegaano badan oo miyi iyo magaaloba leh, kuwaasi waxaa ka mid ah: Magaalada Lafo-Ciise, Dhoodaan, magaalada Jigjiga, iyo deegaano badan oo baadiye ah.[7]

Ugu dambeyn beesha Habar Cafaan waxay degaano ku leedahay dalka Jabuuti, gaar ahaan magaalada caasimada u ah wadankaasi ee Magaalo-madax Jabuuti.

Guud ahaan, Beesha Habar Cafaan waa tiir ka mid ah sadexda tiir ee Beesha. Waa waaxda labaad ee ugu wayn Beesha. Sidoo kale waa mida kowaad ee ugu dhaqaalaha badan Beesha Samaroon.[8]

Gadabuursi

Gobolka Awdal waxaa dega beesha Gadabuursi.
Deegaanada ay ka talineeysay boqortooyadii Adal ee beesha Gadabuursi.

Gadabuursi, Samaroon (ingiriis: Gadaboursi, "Gadabuursi"; carabi: ﻏﺎﺩﺍﺑﻮﻭﺭﺳﻲ, "Gadabuursiy") waa beel ka mid ah beelaha daga ismaamul-goboleedka Somaliland.[9] Beesha Gadabuursi waxay si rasmi ah u dagaan ooy aad ugu badan yihiin isla markaana iska leeyihiin gobolka Awdal ee magaalo-madaxda u tahay caasimada Borama[10] ee dhacda waqooyiga dhulka Soomaalidu degto.[11] Intaasi waxaa dheer, beeshu waxay deegaan rasmi ah ku leedahay gobolo ka mid ah wadanka Itoobiya iyo Jabuuti.

Beesha Gadabuursi waxay ka mid tahay beelaha ka tirsan beel-weynta Dir ee shacan weynaha Soomaaliyeed. Dir ahaan, beesha Gadabuursi waxay tol yihiin beesha Ciise ee deegaanka ku ah wadanka Jabuuti,[12] beesha Biyomaal ee laga helo koonfuta Soomaaliya, beesha Surre (Cabdale iyo Qubays) ee ku dhaqan badhtamaha Soomaaliya, Gaadsan iyo Gurgure.[13]

Dhinaca kale, Samaroonku waxa ay ka tafiirmeen Sheekh Samaroon oo magaciisa saxda ahi uu ahaa Maxamuud.[14] Beesha Samaroon waxa ay ka soo jeedaan asal ahaan dadkii loogu yimiday Waqooyiga Soomaaliya.

Dhaqan ahaan, dadka Gadabuursiga ahi waxay tan iyo wakhti hore ahaayeen kuwo beeroleey ah, ayagoo beeran jiray midho iyo khudaar badan oo ilaa maanta laga helo deegaanadaasi.[15] Degaanka ku wareegsan magaalada Baki, deegaanada Camuud ee dhow magaalada Borama, magaalada Dilla iyo kuwo kale oo badan ayaa tusaale fiican u ah horumarka xaga wax-beerashada ee beesha Gadabuursi.[16]

Dhinaca kale, waxa iyadna jirta tiro badan oo ka mid ah shacabka Samaroon, kuwaasi oo ah reer guuraa dhaqda xoolaha ay ka midka yihiin geela, lo'da, adhiga, fardaha, dameeraha IWM. Dadka reer guuraaga ahi waxay si joogto ah u daba socdaan roobka ayagoo kolba u guura meesha roob fiican, biyo iyo daaqsiimo wanaagsan u leh xoolaha.[17] Dadkani reer guuraaga ahi ma lahan wax xad ah, waxaanay ayaga iyo xoolohoodu iskaga talaabaan xuduudaha wadanka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland.[18]

Reeraha Beesha Gadabuursi

Marka la qeybinayo ama la kala dhigaayo beesha, reeraha beesha Gadabuursi waxaaa loo kala saaraa, guud ahaan, sadex waaxood[19] kuwaasi oo kala ah:

1. Beesha Habar Cafaan: beesha Habar Cafaan sidoo kale lagu naaneyso (HC) waa mid ka mid ah sadexda rukun ee beel-weynta Gadabuursi, waxayna ka kooban tahay labo iyo toban qabiil ama reerood.
2. Beesha Makaahiil: beesha Makaahiil waa waax ka mid ah sadexda rukun ee Samaroonka, waxayna guud ahaan u kala baxaan Afar Qabiil oo mid bilaa tafiir yahay ama reerood.
3. Beesha Maxamed Case: beesha Maxamed Case waa rukun ka mid ah sadexda tiir ee beel-weynta Samaroon kuwaasi oo deegaan ku ah dhulka iyo deegaanada xeebta Bada Cas ee gobolka Awdal. Beesha Maxamed Case waxaa loo kala saaraa kow iyo toban qabiil ama reerood.
Reeraha iyo Qabiilada Beesha Gadabuursi
Magaca Tirada Qabiilada Magacyada Qabiilada Deegaanka Sharaxaad Kooban
Beesha Habar Cafaan toban iyo labo (12) reerood
  • Xeebjire (reer Sh. Ismaaciil)
  • Muusafiin (Muse Aaden Xasan)
  • Subeer:
    • Dhagaweyne
    • Makayl
    • Reer Xaamud
    • Hansasacad(xasan sacad)
    • Faroole
  • Jibraacin
  • Cali Ganuun
  • Reer Yuusuf
  • Reer Ciise
  • Gobe
Dalka Somaliland:

Dalka Itoobiya:

  • Magaalada Lafo-Ciise, Dhoodaan, Jigjiga.

Dalka Jabuuti:

  • Waa tiir ka mid ah sadexda tiir ee Beesha.
  • Waa waaxda labaad ee ugu wayn Beesha.
  • Waa mida kowaad ee ugu dhaqaalaha badan Beesha.
Beesha Makaahiil Afar Oday qabiil
  • Ciye Makaahiil (Ciye)
  • Xasan Makaahiil (Bahabar Xasan)
  • Celi Makaahiil (Celi)
  • Cabdale Makaahiil (Bahabr Cabdalle)
  • Jibril Muuse (Afguduud)
  • Bah-Sanayo
  • Makayl-Dheere
  • Cali Yoonis
  • Jibril Yoonis
  • Aadan Yoonis
  • Nuur Yoonis (Reer Nuur)
  • Gobe yoonis
Dalka Somaliland:

Dalka Itoobiya:

  • Magaalada Awbare, Dharwanaaje, Jigjiga.

Dalka Jabuuti:

  • Waa tiir ka mid ah sadexda tiir ee Beesha.
  • Waa waaxda kowaad ee ugu wayn Beesha.
  • Waa mida labaad ee ugu dhaqaalaha badan Beesha.
Beesha Maxamed Case lix qabiil (6) reerood
  • Reer Maxamed
  • Bahabar Celi
  • Bahabar Aadan
  • Bahabar Abokor
  • Bahabar Muuse
  • Abrayn
Dalka Somaliland:

Dalka Jabuuti:

  • Waa tiir ka mid ah sadexda tiir ee Beesha.
  • Waa waaxda kowaad ee ugu geesisan uguna dagaal yahansan Beesha.
  • Waa mida labaad ee ugu ganacsiga badan Beesha.

Xigasho

  1. "Gadabuursi ee dega gobolka Awdal"
  2. "Beesha Habar Cafaan waxay ka kooban tahay labo iyo toban qabiil"
  3. "Beesha Xeebjire waa tan hogaamisa isla markaana ugu badan 12ka dhadhaar ee Habar Cafaan"
  4. "Beelaha isku xidhan ee Subeer: Dhagaweyne, Makayl, Reer Xaamud"
  5. "Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti"
  6. "Borama, Jirjir, Xaliimad, Baki, Xariirad, Cabdulqaadir"
  7. "Magaalada Lafo-Ciise, Dhoodaan, magaalada Jigjiga"
  8. "waa mida kowaad ee ugu dhaqaalaha badan Beesha Samaroon"
  9. "ingiriis: Gadaboursi, "Gadabuursi"; carabi: ﻏﺎﺩﺍﺑﻮﻭﺭﺳﻲ, "Gadabuursiy""
  10. "Beesha Gadabuursi"
  11. "Awdal ee magaalo-madaxda u tahay caasimada Borama"
  12. "Dir ee shacan weynaha Soomaaliyeed"
  13. "Biyomaal ee laga helo koonfuta Soomaaliya, beesha Surre (Cabdale iyo Qubays) ee ku dhaqan badhtamaha Soomaaliya, Gaadsan iyo Gurgure"
  14. "Samaroonku waxa ay ka tafiirmeen Sheekh Samaroon oo magaciisa saxda ahi uu ahaa Maxamuud"
  15. "wakhti hore ahaayeen kuwo beeroleey ah, ayagoo beeran jiray midho iyo khudaar"
  16. "magaalada Baki, deegaanada Camuud ee dhow magaalada Borama, magaalada Dilla"
  17. "roobka ayagoo kolba u guura meesha roob fiican, biyo iyo daaqsiimo"
  18. "xoolohoodu iskaga talaabaan xuduudaha wadanka Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland"
  19. "beesha Gadabuursi waxaaa loo kala saaraa, guud ahaan, sadex waaxood"