Maxamed Tubeec
- Kani waa maqaal ku saabsan fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec. Haku khaldin magaca Maxamed.
- Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.
Tubeec Maxamed Saleebaan Tubeec محمد سلمان تبيع | |
---|---|
File:Tubeec.jpg | |
Ku dhashay | Maay, 21 1943 Hargeysa, Somaliland |
Dhimasho | Luuliyo 2013 ( 2003–2004 jir) |
Ku aasan | Berlin, Jarmalka |
Qoomiyada | Soomaali |
Shaqada | Heesaa, Fanaan, laxamiiste, jilaa |
Sanadaha Shaqada | 1963dii-2013 |
Ka tirsan | Kooxda Waaberi (1970-1998) |
Shaqooyinka ugu muhiimsan | Heeso wadani, qaraami, qaaci, heeso jacayl, qasaa'id |
Magaalada ka soo jeedo | Hargeysa, Somaliland |
Ciwaan | Boqorka Codka; Aabaha Fanka |
Diinta | Sunni Islaam |
Maxamed Saleebaan Tubeec (carabi: محمد سلمان تبيع) waa fanaan ka mid ahaa fanaaniinta ugu caansanaa suugaanta dadka Soomaalida ah. Fanaanku waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Hargeysa gobolka Waqooyi ee maanta ah magaalo madaxda wadanka Somaliland sanadkii 1943. Fanaanku wuxuu ahaa heesaa aad u cod macaan oo geyiga Soomaalieed aad looga jecel yahay. Codkiisa wanaagsan darteed waxaa lagu naaneysi jirey Boqorka Codka Fanka Soomaaliyeed.[1].
Tubeec wuxuu ahaa shaqsi caan ka ah caalamka gaar ahaan gayiga somaalida sidoo kalle maxamed saleebaan tubeec waxaa lagu naanaysi jirey (boqorka-codka).
Sidoo kale waxay taariikh lama ilaawaan ah ka dhigeen tartanki fanka ee qarada africa maxamed saleebaan (tubeec) iyo xaliima khaliif (magool) oo ay halkaa ku hanteen biladihii ugu sareey labka iyo dhadigaba.
Sidaana ku noqdeen libaaxyadii qaarada Africa taariikh lama ilaawaan ahna kula soo laabteen gayiga Somalida.
Maxamed saleebaan wuxuu ku barbaaray magaalada (ber-bera) dadka aqoonta durugsan u leh wexey tilmaamaan inuu ahaa shaqsi Afgaaban.
Sidoo kale fanaanku wuxuu yaraantiisi fanka ka bilaabay magalooyinka berbera hargasa jabuuti isagioo gacac qabad ka heleya fanaano iyo abwaano kalle oo uu ka mid yahay walaalki jaamac saleebaan.
Faanaanku wuxuu kamid ahaa dadki dalka ka baxay markii u qarxay dagaalki sukeeye wuxuuna waqti joogay wadanka suuriya intaa kadib na waxaa uu usoo gudbay wadanka switzerland gaar ahaan magaalada genefa oo waqti kunoolaa heesihiisi halaasiga ahaana kusoo cusboonaysiiyey sida nasteexo .gufaaco.deeqa iyo qaarkaloo aynaan halkaan kusoo koobi karayn.
Waqti dheer kadib fanaanku waxaa uu soo gaba gabeeyey noloshiisi wadanka switzerland wuxuuna u wareegay wadanka denmark si uu ula midoobo qayb ka mid qoyskiisa.
Taariikhda dheer ka dib fanaanku waxaa uu tagay 2waqti qaarada africa oo mar ka mid ah uu bandhig faneed ku qabtay wadan jabuuti marna uu booqday ismaamulka Somalida Ethiopia.
Wuxuuna ah shaqsi aad ugu wayna loogana qadariyo gayiga somalida
Mudo ka dib fanaanka waxaa soo wajahay xanuun uurku jirta ah gaar ahaan sonbobka wuxuuna xaalada cafimaad u maray wadamada denmark sweden norwey intaa ka dibna waxaa uu so gudba wadanka germeny oo 2 qaliin looga sameeye una u geeriyooday akhirki.
Waxa u ku geeriyooday faanaanku 12kii Bishii March 2014 wadanka germeny, alle ha u naxariistee waxaana lagu aasay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qubuuraha Dugsiga Sarre ee Booliska 16/03/2014.
Heesaha Fanaanka
Fanaanka maxamed saleebaan tubeec wuxuu leeyahay heeso fara badan, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[2]
Fanaanku waxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaant
Fanaankani wuxuu heeso badan la qaaday hobolo dumar oo badan, kuwaasi ooy ka mid yihiin fanaanada Xaliimo Khaliif Magool, Hibo Maxamed Hodoon[3] (Hibo Nuura), Maandeeq, Saynab Cige iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee, heesaha Maxamed Saleebaan Tubeec aad ayay u badan yihiin, kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah:
- Heesta Ha iga Goosan Caawa: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Aamina Feer
- Heesta Guryosamo: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Maandeeq
- Heesta Gobanimodoon: waxay si talantaali ah u wada qaadaan fanaanada Hibo Nuura
- Heesta Dagan
- Heesta Amaano
- Heesta Adaa I Dhaliiley
- Heesta Nasteexo
- Heesta Aniguna iyo kuwo kale oo badan.
- gurya samo
Heesaha fanaankan waxaad ka dhageesan kartaa websitekan Halkan Riix.
=Fanaaniinta Soomaaliyeed= Heesta Heyga goosan caawaad iga gacan sareysaa waxaa la qaadda Aamina Feer
Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.
Magaca | Kooxda | Wakhtiga Fanka | Sawirka | Faalo Kooban |
---|---|---|---|---|
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo) | ||||
Maxamed Saleebaan Tubeec | Hobolada Waaberi | 1967dii ilaa 2010kii | Boqorka Codka | |
Xaliima Khaliif Magool | Hobolada Waaberi | 1969kii ilaa 1993dii | Boqorada Codka | |
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) | Hobolada Waaberi | 1974tii ilaa maanta | Hooyada Fanka | |
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa maanta | Cod Wanaagsane | |
Maxamed Nuur Giriig | Hobolada Waaberi | 1970kii ilaa | ||
Qamar Maxamed Xuseen | Hobolada Waaberi | 1980kii ilaa 1994tii | Gabadha Fanka | |
Saalax Qaasim | Hobolada Waaberi | Aabaha Fanka | ||
Khadra Daahir Cige | Hobolada Waaberi | 1978kii ilaa hada | Boqorada Fanka | |
Saado Cali Warsame | Hobolada Waaberi | 1979kii ilaa hada | ||
Cabdi Nuur Alaale | hobolada Jabuuti |
| ||
Maxamed Mooge | Hobolada Waaberi | 1971dii ilaa 1988dii | Madaalaha Fanka | |
Xasan Aaden Samatar | Hobolada Waaberi |
| ||
Axmed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1973dii ilaa 1991dii | ||
Maxamed Mooge Liibaan | Hobolada Waaberi | 1962dii ilaa 1980dii | ||
C.Qadir Macalin Jubba | kooxda Waaberi | 1979kii ilaa maanta | Yarka Sanadka | |
Cumar Dhuule | kooxda Ileys | 1972kii ilaa 1998dii | ||
Sahra Axmed | kooxda Ileys/Hobolada Waaberi | 1978dii ilaa 2004tii | Quruxda Fanka | |
Faadumo Cabdilahi Maandeeq | ||||
Cabdule Yusuf Hanuuniye | Hobolada Waaberi | Ma daalaha Waaberi | ||
Cumar Shooli | ||||
Axmed Naaji Sacad | ||||
Axmed Nuur Jaangow | ||||
Siciid Harawo | ||||
Axmed Yaasiin Digfeer | ||||
Shimaali Axmed Shimaali | kooxda Dalmar/Kooxda Ileys | 1982dii ilaa maanta | Jeceeyloowga Fanka | |
Maxamed Xasan Lafoole | ||||
Cumar Dhuule Cali | ||||
Aamina Cabdilahi Xirsi | ||||
Kinsi Xaaji Aadan | ||||
Saalax Qaasim Naaji | ||||
Cawaale Aadan | 2005tii ilaa maanta | Xidigga Fanka |
Xigasho
- ↑ [https://web.archive.org/web/20160305052709/http://www.xeegonews.com/akhriso-taariikhdii-fanaanka-caanka-ah-ee-maxamed-saleebaan-tubeec/ "Taariikhda Fanaanka Caanka ah Maxamed Saleebaan Tubeec"]
- ↑ "Tubeec waxuu leeyahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
- ↑ "Heesaha Tubeec iyo Hibo Maxamed Hodoon"
- ↑ qoraal ahaan halkan ka arag