Omaha, Nebraska

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Omaha)
Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Omaha, Nebraska Maraykanka.
Boga "Omaha" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Omaha, Nebraska
Caasimada Omaha
Nickname(s): 
Albaabka Galbeedka[1]
Motto(s): 
Fortiter in Re (Latino)
"Courageously in every enterprise"
Omaha, Nebraska is located in USA
Omaha, Nebraska
Omaha, Nebraska
Meesha kaga taalo Maraykanka
WadankaMaraykanka
GobolNebraska
DegmoDouglas
La aasaasay1854
Dowlad Hoose1857
Dowlada
 • Duqa-magaaladaJean Stothert
 • Xoghayaha CaasimadaBuster Brown
 • Golaha Caasimada
Area
130.58 sq mi (338.20 km2)
 • Land127.09 sq mi (329.16 km2)
 • Water3.49 sq mi (9.04 km2)
Joogga
1,090 ft (332 m)
Tirada dadka
 • Caasimad408,958
 • Estimate 
(2014[3])
446,599
 • RankUS: 41aad
 • Cufnaanta dadka3,217.9/sq mi (1,242.4/km2)
 • Urban
725,008 (US: 58aad)
 • Metro
904,421 (US: 60aad)
Aag saacadeedUTC-6 (CST)
 • Xagaa (DST)UTC-5 (CDT)
ZIP kodes
68022, 68101–68164
FurahaArea code 402, 531
FIPS kode31-37000
Astaanta GNIS0835483[4]
Websitewww.cityofomaha.org


Omaha (/əhɑː/ OH-mə-hah) waa caasimada ugu weyn gobolka Nebraska, wadanka Maraykanka. Sidoo kale caasimadani waa fadhiga dowlada Degmada Douglas[5], waxayna dhacdaa Gobolada Badhtamaha Galbeedka Maraykanka ee dhinaca ku haya Webiga Missouri iyo waqooyiga Webiga Blatte. Caasimada Omaha waxay xuddun u tahay deegaanda balaadhan ee la isku yidhaahdo Omaha-Bluffs metropolitan, kaasi ooy soo hoosgalaan degmooyinka waqooyi ee gobolka Iowa.

Sida lagu sheegay tirokoob dowlada Maraykanku sameeysan sanadkii 2010ka waxaa lagu ogaaday in bulshada ku dhaqan magaalda Omaha tahay 408,958 qof taasi oo ka dhigeysa caasimadan mida 41aad ee ugu shacabka badan wadanka. Sidoo kale sanadkii 2014ka tirokoob kale oo la sameeyay waxaa soo baxdey in bulshada magaaladaasi aad u kacday ayadoo la sheegay in dad dhan 446,599 ku dhaqnaayeen wakhtigaasi. Marka lagu daro nawaaxigeeda Caasimada Omaha metropolitan waxay noqoneysaa mida 60aad ee ugu shacabka balaadhan wadanka Maraykanka, taasi oo sanadkii 2013ka ku noolaayeen dad dhan 895,151.[6] Laakiin marka lagu xisaabiyo qiyaasta 50-mayl isku wareeg ah shacabku weey ka badanayaan tirada kor lagu xusay, waxaana la sheegay ineey dadkaasi gaadhayaan ilaa 1.3 milyan.

Asal ahaan caasimada Omaha waxaa laga garab aasaasay agagaarka webiga Missouri taasi oo wakhtiyadii hore ahaa wado weyn oo safarka ganacsiga alaabta loo isticmaalo. Horaantii magaalada Omaha waxay ahayd deegaan ku fiican beerashada iyo dhaqashada xoolaha, laakin waxay awood iyo bulsho badan yeelatay badhtamihii qarnigii 19aad goortaasi oo magaaladu noqotey xuddun isku xidha ganacsiga u kala gooshaya bari iyo galbeedka wadanka Maraykanka.

Maanta caasimada Omaha waa hooyga iyo xarunta sare ee shirkado waaweyn sida "Fortune 500", wershado soo saara cuntada (sida ConAgra Foods), wado tareenka ugu weyn wadanka, Shirkada Weyn ee Baasifiga, shirkado Caymis iyo dhaqaale (sida Omaha Mutual), qaar ka mid ah shikadaha dhismaha ugu weyn caalamka sida "Kiewit Corporation" iyo kuwo kale oo badan.[7] [8]

Shikadaha kale ee caanka ah ee degan caasimada Omaha waxaa ka mid ah "Fortune 1000", Td Ameritrade, West Corporation, Wershadaha Valmont, Shirkada Awooda Green Plains, Warner Enterprise, First National Bank, Leo A Daly, HDR Inc, DLR Group iyo Ururka Gallup Poll.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Deegaanka maanta ah Caasimada Omaha waxaa kumanaan sano ku soo noolaan jirey dadka asal ahaan loogu tegay qaarada Ameerika ee loo yaqaano Hindida Cas, kuwaasi oo gumeystihii iyo degayaashii ree Yurub ku khasbeen ineey ka qaxaan badhtamihii qarnigii 17aad. Qabiilada Ponka, Dhegian, Siwoona, Pawnee, Otoee, Missouri iyo Iyoway ayaa ka mid ahaa qabiilada ku dhaqnaa deegaanada Omaha maanta tahay. Xata waxaa la sheegay in magaca Omaha ka yimid ereyga 'Umoⁿhoⁿ ama Umaⁿhaⁿ oo micnaheedu yahay "Degayaashi Cidhifka Webiga", taasi oo la odhan karo waxaa laga waday dadkii deganaa dhinaca webiga Missouri.

Si kastaba ha ahaatee, horaantii sanadkii 1804 ayaa dhidibada loo taagay magaalada Omaha wakhtigaasi oo la dhisay dhismayaashii ugu horeeyay. Sanadihii xigay waxa la sii kordhiyay dhismaha magaalada waxaana la abuuray meherado ganacsi iyo shaqooyin. Waxaa iyadna la aasaasay beero waawayn oo soo saara noocyo badan oo cuntada ah.

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaalooyinka Maraykanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Mullens, P.A. (1901) Biographical Sketches of Edward Creighton and John A. Creighton. Creighton University. p. 24.
  2. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named FactFinder
  3. "Nuqul Archive". United States Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original 2015-05-21. Soo qaatay 2015-05-21.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. . United States Geological Survey. 2007-10-25 http://geonames.usgs.gov. Soo qaatay 2008-01-31.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. . National Association of Counties http://www.naco.org/Counties/Pages/FindACounty.aspx. Soo qaatay 2011-06-07.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. List of Combined Statistical Areas
  7. Boettcher, Ross. "Mutual returns to Fortune 500" Archived Abriil 19, 2010 // Wayback Machine. Omaha World-Herald. April 16, 2010. Retrieved April 28, 2010.
  8. Kroll, L. "Special report: The World's Billionaires", Forbes magazine. March 5, 2008.