Jump to content

Bortland, Oregon

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Portland)
Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Portland, Oregon, Maraykanka. Haku khaldin caasimada Portland, Maine.
Boga "Portland" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Bortland, Oregon
Caasimada Bortland
Kor ilaa hoos, midig ilaa bidix: Muuqaalka hawada sare ee koonfurgalbeed Bortland; Buundada St. Johns; Beerta Caalamita Rose Test; Reed College; boosteejo Tareenka fudud MAX Rail; Haalka xafladaha Arlene Schnitzer; iyo Huteelka Benson Hotel
Kor ilaa hoos, midig ilaa bidix: Muuqaalka hawada sare ee koonfurgalbeed Bortland; Buundada St. Johns; Beerta Caalamita Rose Test; Reed College; boosteejo Tareenka fudud MAX Rail; Haalka xafladaha Arlene Schnitzer; iyo Huteelka Benson Hotel
Flag of Bortland, Oregon
Flag
Official seal of Bortland, Oregon
Seal
Nickname(s): 
"Caasimada Ubaxa"; "Stumptown"; "PDX"; fiiri naaneysaha Bortland ayagoo dhamaystiran.
Bortland, Oregon is located in USA
Bortland, Oregon
Bortland, Oregon
Meesha kaga taalo wadanka Maraykanka
WadanMaraykanka
GobolOregon
DegmooyinMultnomah, Washington, Clackamas
La aasaasay1845
Dowlad hooseFebraayo 8, 1851
Named forPortland, Maine
Dowlada
 • NuucaMaamulka Caasimada
 • Duqa-magaaladaJarlie Hales[1] (D)
 • GolahaSteve Novick
Dan Saltzman
Nick Fish
Amanda Fritz
 • AuditorLaVonne Griffin-Valade
Area
145 sq mi (376 km2)
 • Land133 sq mi (346 km2)
 • Water12 sq mi (30 km2)
Joogga
50 ft
Ugu sareeysa: 1,188 ft
9,936 NW Wind Ridge Dr.
45°33′31″N 122°46′43″W / 45.55873°N 122.77854°W / 45.55873; −122.77854 (Portland highest elevation)[2]
Ugu hooseysa: 0.62 ft
Webiga Kolumbiya & Webiga Willamette
Low water 1/7/ 1,937[3]
45°39′03″N 122°45′46″W / 45.65096°N 122.76289°W / 45.65096; −122.76289 (Portland lowest elevation) ft (15.2 m)
Tirada dadka
 • Caasimad583,776
 • Estimate 
(2014)[5]
619,360
 • RankUS: 28aad
 • Cufnaanta dadka4,375.1/sq mi (1,689.2/km2)
 • Urban
1,849,898 (US: 24aad)
 • Metro
2,348,247 (US: 24aad)
 • CSA
3,022,178 (US: 17aad)
Magac kalePortlander
Aag saacadeedUTC-8 (PST)
 • Xagaa (DST)UTC-7 (PDT)
ZIP kode
97086-97299
FurahaArea kodes 503 iyo 971
FIPS kode41-59000
Muuqaalka GNIS1136645[6]
Websitewww.portlandoregon.gov

Bortland (ingiriis: Portland; carabi: بورتلاند) waa caasimad ku taala gobolka Oregon ee wadanka Maraykanka, iyo fadhiga dowlada Degmada Multnomah, taasi oo dhacda meel u dhow dooxada Webiga Willamette iyo Webiga Kolumbiyaa. Sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku samaysay horaantii sanadka 2010ka caasimada Bortland waxaa ku noolaa bulsho dhan 583,776,[7] taasi oo tirokoob labaad lagu sheegay ineey noqdeen 619,360 sanadkii 2014. Bortland waa caasimada 28aad ee ugu shacabka badan magaalooyinka wadanka Maraykanka. Qiyaas ahaan ilaa 2,348,247 oo dad ah ayaa ku dhaqan Bortland metropolitan waa sida lagu xusay tirokoob ay sameeysay dowlada deegaanku sanadkii 2014ka. Sidoo kale waxaa tirokoobta lagu ogaaday in Bortland iyo nawaaxigeedu noqonayaan deegaanka 24aad ee ugu shacabka badan wadanka, taasi oo gabi ahaan leh dad gaadhaya ilaa 3,022,178.

Caasimada Bortland waxaa la aasaasay sanadkii 1851kii meel u dhow dooxada Oregon Trail ee iskuxidha galbeedka iyo badhtamaha Maraykanka.[8] Nidaamka maamulka dowlada caasimadu waa mid ah Gole Caasimad ka kooban shan qof kuwaasi oo hoostaga duqa-magaalada. Waxaa iyaguna jira golo dhexe oo la soo doorto afartii sano mar kuwaasi oo ka masuul ah deegaanka Bortland metropolitan.[9] Guud ahaan maamulka caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa lagu amaanaa horumarka iyo qorshe wanaaga ay u dhiseen deegaanada Bortland iyo nawaaxigeeda.[10] Caasimadani waxay ka mid tahay meelaha ugu cagaarsan wadanka Maraykanka, taasi oo in badan amaan loogu soo jeediyo.[11]

Juquraafi ahaan, caasimada Bortland waxay dhacdaa deegaanada dooxada Willamette ee gobolka Waqooyigalbeed Baasifig; meel u dhaxaysa Badweynta Baasifik iyo Buuraha Kaskade. Caasimadu waxay leedahay cimilo degan, diirimaad ah, qalalan wakhtiga gu'ga, qaboow dhexdhexaad ah wakhtiyada jiilaalka ah. Jawiga noocaas ah wuxuu u suurtogeliyay beerida Ubaxa ay caasimadu caanka ku tahay. Naaneysaha Bortland waxaa ka mid ah "Caasimada Ubaxa" taasi oo laga soo xigtay beeraha badan ee ubaxa ka baxa Bortland iyo agagaarkeeda.[12][13] Sidoo kale Caasimada Bortland waxay caan ku tahay xarakaadka dibada (outdoor activities) sida cabitaanka bunka, koofiga, sharaabka fudud, khamriga iyo noocyada kale ee la cabo.[14][15][16][17][18]


Sawir hore magaalada Bortland 1898

Ka hor intaanay iman muhaajiriintii reer Yurub ee deegaanka qabsaday, waxaa mudo labo qarni ah ku noolaa deegaanka Bortland iyo agagaarkeeda Degmada Multnomah dadka asal ahaan loogu tagay qaarada Ameerika ee loo yaqaano Hindida Cas. Labad Qabiil ee ugu badnaa waa Beesha Jinook (Upper Chinook Indians) iyo Beesha Multnomah, kuwaasi oo soo raacaan Qabiilka Kaskade (Cascades Indians) waloow aanay ku badneyn deegaanka.[19]

Si kastaba ha ahaatee, goortii ay bilaabantey bililiqadii dahabka galbeedka ayaa waxaa deegaanada galbeedka Oregon yimiday dad badan oo guuraya kuwaasi oo qaar ka mid ahni sanadkii 1830kii aasaaseen tuulo yar oo markii dambe la baxdey magaca Bortland.[20] Taageero xoogan ooy ka heleen dowlada Maraykanka iyo ciidamada qalabka siday ee ku sugnaa deegaanadaasi ayaa waxay suurtogelisay in degayaashii ugu horeeyay ka aasaasan Bortland iyo agagaarkeeda beero iyo dhaqashada xoolaha.

Markay taariikhdu ahayd Febraayo 8, 1851dii waxaa lagu dhawaaqay dowlada-hoose ee magaalada Bortland taasi oo wakhtigaagi lahady shacab dhan 800 qof.[21] Waxaana wakhtigaasi la dhisay huteelo, jaraa'id, makiinado wax ridqa iyo adeeg fudud oo caasimadu leedahay.[22]

Graf muujinaya koritaanka bulshada Bortland tan iyo biloowgii caasimada

Tirokoob dowlada dhexe samaysay sanadkii 2010ka waxaa lagu ogaaday in caasimada Bortland ku dhaqan tahay bulsho gaadhaysa 583,776 kuwaasi oo u habaysan 235,508 qoys. Cufka bulashada Bortland waxaa lagu sheegay 4,375.2 qof halkii mayl labo laaban (per one square mile). Sidoo kale waxaa jiray 265,439 oo aqal taasi oo keenaysa iskucelcelis ah 1989.4 qof halkii mayl labo laaban (1,236.3/km²). Dhinaca kale, koritaanka bulshada caasimada Bortland wuxuu kordhay ilaa 10.3% sanadihii u dhexeeyay 2000 iyo 2010.[23] Sida la saadaalinayo waxaa la filayaa in bulshada caasimada Bortland sii badan doonto ama labolaabmi doonto 50ka sano ee soo socda.[24]

Guud ahaan, tirokoobtu waxay bulshada Bortland u kala saartay in 76.1% yihiin Cadaan (taasi oo u dhiganta 444,254 qof), 7.1% Aasiyaan (ilaa 41,448 qof), 6.3% Dadka Madoow ama Afrikan Ameerikan (una dhiganta tiro dhan 36,778 qof), 1.0% Dadka Asal ahaan loogu yimid Ameerika (5,838), 0.5% Gasiiradaha Baasifiga (2,919), 4.7% dad ka dhashay labo ama ka badan jinsiyadood (24,437) iyo 5.0% bulshooyinka kale ah (28,987).[25] Waxaa intaas dheer ilaa 9.4% ah Hispanik ama Latino iyo guud ahaan dadka Latino, nooc kasta ooy yihiin (54,840). Cadaanka aan Hispanik ahayn waa ilaa 72.2% bulshada magaalada, taasi oo ka dhigeysa qoomiyada ugu badan deegaankaasi.[25]

Farasmagaalka Bortland
Caasimada Bortland
Bilicda Caasimada Bortland ee habeenkii
Muuqal Bortland

Magaalooyinka Maraykanka

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota
  1. "Elected Officials". City of Portland, Oregon. 2014. Retrieved September 18, 2014.
  2. http://www.portlandoregon.gov/bps/article/51672
  3. Advanced Hydrologic Prediction Service: Portland: Columbia River at Vancouver Archived May 11, 2013 // Wayback Machine. Water.weather.gov. Retrieved on September 6, 2013.
  4. "American FactFinder". United States Census Bureau. Retrieved January 4, 2013.
  5. "Population Estimates". United States Census Bureau. Retrieved May 21, 2015.
  6. "US Board on Geographic Names". United States Geological Survey. October 25, 2007. Retrieved January 31, 2008.
  7. "2010 Census profiles: Oregon cities alphabetically M-P" (PDF). Portland State University Population Research Center. Archived from the original (PDF) on October 22, 2012. Retrieved March 7, 2013. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  8. "Find a County". National Association of Counties. Retrieved June 7, 2011.
  9. Nate Berg (March 1, 2012). "The Only Elected Regional Government in the US". City Lab. Archived from the original on Bisha Labaad 26, 2015. Retrieved February 25, 2015. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  10. "The "Smart Growth" Debate Continues". Urban Mobility Corporation. May–June 2003. Archived from the original on August 6, 2012. Retrieved November 7, 2006. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  11. Kate Sheppard (July 19, 2007). "15 Green Cities". Environmental News and Commentary. Retrieved June 23, 2010.
  12. "Portland, Oregon: Green City of Roses | Frommers.com". Frommers.com. Archived from the original on Bisha Koobaad 7, 2009. Retrieved October 20, 2008. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  13. "Portland – MSN Encarta".. Encarta.msn.com.  Archived Oktoobar 29, 2009 // Wayback Machine https://web.archive.org/web/20091029125320/http://encarta.msn.com/encyclopedia_761561539/portland.html. Archived from the original on 2009-10-29. Retrieved 2015-09-16. {{cite web}}: Missing or empty |title= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  14. "Best Local Brewpubs in Beertown (AKA Portland)". 10Best.com. Retrieved February 25, 2015.
  15. "8 Best Beertowns in the USA". CNN.com. Retrieved February 25, 2015.
  16. "The Best Cities in the World for Drinking Beer". Gadling.com. Retrieved February 25, 2015.
  17. "The 10 Best Cities for Beer Lovers". Bustle.com. Retrieved February 25, 2015.
  18. "Beer Drinking in Portland, Oregon". BeerTutor.com. Archived from the original on Bisha Labaad 24, 2015. Retrieved February 25, 2015. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  19. Marschner, Janice (2008). of portland before europeans indians&f=false Oregon 1859: a snapshot in time. Timber Press. p. 187. ISBN 978-0-88192-873-0. {{cite book}}: Check |url= value (help)
  20. Orloff, Chet (2004). "Maintaining Eden: John Charles Olmsted and the Portland Park System". Yearbook of the Association of Pacific Coast Geographers. 66: 114–119. doi:10.1353/pcg.2004.0006.
  21. Population of the 100 Largest Cities and Other Urban Places in the United States: 1790 to 1990. U.S. Bureau of the Census – Population Division.
  22. Kennedy, Sarah. "The Shanghai Tunnels". The New York Times. Retrieved 2014-09-26.
  23. "US Census Bureau State & County". Quickfacts.census.gov. Archived from the original on August 6, 2012. Retrieved September 15, 2013. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  24. Law, Steve (May 29, 2008). "Metro takes long view of growth". Portland Tribune. Archived from the original on Bisha Koobaad 15, 2013. Retrieved December 5, 2012. {{cite news}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  25. 25.0 25.1 "Portland (city) QuickFacts from the US Census Bureau". Quickfacts.census.gov. Archived from the original on August 6, 2012. Retrieved October 17, 2012. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)