Caasimada Kansas

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Kansas City)
Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Kansas, Missouri ee dalka Maraykanka. Haku khaldin magaalada Caasimada Kansas, Kansas.
Caasimada Kansas, Missouri
Caasimada Kansas
Nickname(s): 
"KC", "KCMO", "Caasimadii Horumarka", iyo "Wadnaha Ameerika"
Caasimada Kansas, Missouri is located in USA
Caasimada Kansas, Missouri
Caasimada Kansas, Missouri
Meesha kaga taalo wadanka Maraykanka
WadankaMaraykanka
GobolkaMissouri
DegmooyinkaDegmada Jakson, Degmada Kalay, Degmada Platte, Degmada kass
Dowlada hooseMaarj 28, 1853
Dowlada
 • Duqa-magaaldaSly James
Area
319.03 sq mi (826.28 km2)
 • Land314.95 sq mi (815.72 km2)
 • Water4.08 sq mi (10.57 km2)
 • Urban
584.4 sq mi (1,513.59 km2)
 • Metro
7,952 sq mi (20,596 km2)
Joogga
910 ft (277 m)
Tirada dadka
 • Caasimad459,787
 • Estimate 
(2014)[1]
470,800
 • RankUS: 37aad
MO: 1aad
 • Cufnaanta dadka1,474.2/sq mi (569.2/km2)
 • Urban
1,519,417 (US: 31aad)
 • Metro
2,071,133 (US: 29aad)
 • CSA
2,393,623 (US: 23aad)
Magac kaleKansas Citian
Aag saacadeedUTC−6 (CST)
 • Xagaa (DST)UTC−5 (CDT)
ZIP kodh
64101-64102, 64105-64106, 64108-64114, 64116-64121, 64123-64134, 64136-64139, 64141, 64144-64149, 64151-64158, 64161, 64163-64168, 64170-64172, 64179-64180, 64183-64184, 64187-64188, 64190-64193, 64195-64199, 64999[2]
FurahaArea kodh 816, iyo 975 (la qorsheeyay)
FIPS kodh29000-38000[3]
Astaanta GNIS0748198[4]
WebsiteKCMO.org

Caasimada Kansas (ingiriis: Kansas City; carabi: كانساس_سيتي, ميزوري) waa caasimada ugu weyn ee gobolka Missouri ee wadanka Maraykanka.

Magaaladani waa tan 37aad ee ugu bulshada badan wadanka Maraykanka, waana mida 23aad ee ugu dhulka weyn leh. Caasimada Kansas waxay xudun u tahay Caasimada Kansas Metropolitan Area, taasi oo fidsan ilaa xadka gobolka Kansas iyo Missouri. Caasimad Kansas waxaa la aasaasay sanadkii 1830kii meel u dhow webiga Missouri halka uu kaga darsamo webiga Kansas ee ka yimaada galbeedka deegaanadaasi.

Caasimadan magaceega hore wuxuu ahaa Kansas, laakiin waxaa loo bixiyey Caasimada Kansas (city of Kansas) si looga sooto Deegaanda Kansas ee la aasaasay 1854tii. Juquraafi ahaan Caasimada Kansas waxay dhacdaa xadka galbeed ee gobolka Missouri meel u dhow halka ay iskaga biiraan webiyada Kansas iyo Missouri, waxayna ka tirsan tahay Degmada Jakson, Degmada Kalay, Degmada Kass iyo Degmada Platte ee dhammaantood hoos yimaada gobolka Missouri. Waxyaabaha waaweyn ee taariikhiga ah ee lagu xasuusto deegaanka waxaa ka mid ah "Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka", "Dagaalkii Westport" iyo deegaanka loo yaqaano "Bleeding Kansas" (Kansas dhiigbaxaysa).

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanamyadii ugu horeeyay ee lo dhiso dagaalyahanadii u dagaalamay deegaanka

Caasimada Kansas, Missouri waxaa si sharci ah loo aasaasay Maarso 28, 1853. Marar badan waxaa lagu waday ineey ka mid noqoni gobolka Kansas ee la magaca tahay laakiin taasi ma dhicin, waxaanay hoostegtaa deegaanada Kansas City Metropolitan ee ku yaala agagaarka webiga Missouri iyo webiga Kansas.

Dadkii ugu horeeyay ee reer Yurub ah ee sahamiya deegaanka wuxuu ahaa ninka la odhan jirey Étienne de Veniard iyo saaxiibkii Sieur de Bourgmont, kuwaasi oo ahaa Yurubiyaankii ugu horeeyay ee tega deegaanada webiga Missouri. Sanadihii xigay waxaa si isdaba joog ah u soo gaadhayay deegaanka sahamiyayaal badan oo qorsheeynayay ineey degaan deegaankaasi. Taasi waxay kicisey cadhada dadka asal ahaan dhulka loogu tegay ee lo yaqaano Hindida Cas, kuwaasi oo dagaal xoogan ku soo qaaday qolooyinkii ugu horeeyay ee isku daya ineey soo dagaan badhtamaha iyo galbeedka Missouri.

Si kastaba ha ahaatee, iskacaabinta dadka Hindida Cas waxay niyad jebisay in kooxo hor leh yimaadaan meeshaasi. Sanadkii 1763dii ayaa waxaa deegaanka guud ahaan la wareegay Boqorooyadii Isbayn maamulka u joogay qaarada Ameerika ee la odhan jirey Meksiko. Laakiin marnaba uma suurtogelin ineey si buuxda u maamulaan deegaanadaasi marka laga reebo canshuurida maraakiibta dhex socotay webiga Missouri. Arintani waxay dhiiri gelisay dowlada Faransiiska oo meesha ka aragtey fursad ganacsi ee dhogorta xoolaha.

Guud ahaan, horaantii 1800 waxaa deegaanda badhtamaha iyo galbeedka Missouri aad u daneeynayay dowlad Maraykanka, taasi oo si joogta ah u soo direysay dad khubaro soo indho-indheysa. Sanadkii 1831kii, waxaa si toos ah u soo degay koox shacab ah oo ka timid magaalada New York kuwaasi oo aasaasay meesha maant ah Caasimada Kansas, halkaas oo horaantii ay ka dhiseen dugsi iyo goob caafimaad.[5][6]


Bulshada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa tirokoob dowlada Maraykanku samaysay lagu sheegay in magaalada Caasimada Kansas leedahay tiroda labaad ee ug badan dadka Soomaalida iyo Suudaaniiska ee wadnka Maraykanka. Sidoo kale waxaa magaaladan aad ugu dhaqan tiro badan oo Lation ah, kuwaasi oo inta ugu badan ka soo jeeda wadanka jaarka ah ee Meksiko iyo tiro kale oo ka soo jeeda wadanada Bartamaha Ameerika. Waxa iyaguna meesha ka maqneyn tiro kuusan oo Aasiyaan ah, kuwaasi oo ayagu inta badan ka soo jeeda wadanada Koonfurbari Aasiya.[7][8][9]

Noocyada Bulshada 2010[10] 1990[11] 1970[11] 1940[11]
Cadaan 59.2% 66.8% 77.2% 89.5%
—Ahayn-Hispanic 54.9% 65.0% 75.0%[12] N/A
Madow ama Afrikan Ameerikan 29.9% 29.6% 22.1% 10.4%
Hispanic ama Latino (dhammaantood) 10.0% 3.9% 2.7%[12] N/A


Muuqaalka Caasimada Kansas[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Muuqaalka waqooyiga farasmagaalka Caasimada Kansas.

Magaalooyinka Maraykanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. . United States Census Bureau http://www.census.gov/popest/data/cities/totals/2014/SUB-EST2014-3.html. Soo qaatay May 22, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . USPS http://zip4.usps.com/zip4/citytown.jsp. Soo qaatay November 27, 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. . United States Census Bureau http://factfinder2.census.gov. Soo qaatay January 31, 2008.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. . United States Geological Survey. October 25, 2007 http://geonames.usgs.gov. Soo qaatay January 31, 2008.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. Wilkinson, Ernest L. Vol. 1. BYU Press. p. 7.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original July 16, 2010. Soo qaatay January 2, 2010.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. "Nuqul Archive". Factfinder.census.gov. Waxaa laga kaydiyay the original February 11, 2020. Soo qaatay May 5, 2012.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  8. . The Washington Post http://www.washingtonpost.com/wp-srv/special/nation/census/2010/. Soo qaatay May 7, 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  9. . FOX4KC. February 20, 2012 http://fox4kc.com/2012/02/20/changing-faces-of-the-north-end/. Soo qaatay May 7, 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  10. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named census1
  11. 11.0 11.1 11.2 Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named U.S. Census Bureau
  12. 12.0 12.1 From 15% sample