Jump to content

Orlando, Florida

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Orlando)
Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Orlando, Florida, Maraykanka.
Boga "Orlando" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Orlando, Florida
Caasimada Orlando
Flag of Orlando, Florida
Flag
Official seal of Orlando, Florida
Seal
Nickname(s): 
"Caasimadi Quruxda," "O-Magaalo,"[1] "Beerta Raaxada Caalamka"[2][3][4]
Meesha kaga taalo Degmada Orange iyo gobolka Florida
Meesha kaga taalo Degmada Orange iyo gobolka Florida
Wadanka United States
GobolFlorida
DegmoOrange
La degayLuuliyo 31, 1875
Dowlad Hoose1885
Dowlada
  NuucaGolaha Duqa Magaalada
  Duqa-magaaladaBuddy Dyer (D)
Bedka
  Dhamaan110.7 sq mi (287 km2)
  Land102.4 sq mi (265 km2)
  Water8.3 sq mi (21 km2)
  Urban
652.64 sq mi (1,690.3 km2)
Joogga82 ft (25 m)
Tirada dadka
(2010)[6][8][9]
  Dhamaan238,300
  Estimate 
(2013)
255,483
  Rank77aad, U.S.
  Cufnaanta dadka2,327.3/sq mi (898.6/km2)
  Urban
1,510,516 (32aad, U.S.)
  Metro
2,267,846 (26aad, U.S.)
  CSA
2,975,658 (17aad, U.S.)
Magac kaleOrlandoan
Aag saacadeedUTC-5 (Wakhtiga Bari (EST))
  Xagaa (DST)UTC-4 (EDT)
ZIP kode
32801–32899
FurahaArea kode 321, 407
FIPS Kode12-53000
Astaanta GNIS0288240
Websitewww.cityoforlando.net


Orlando (/ɔːrˈlænd/) waa caasimad ku taala gobolka Florida, ee wadanka Maraykanka; iyo fadhiga dowladad Degmada Orange. Caasimada Orlando waxay dhacdaa badhtamaha gobolka Florida taasi oo u suurtogelisay ineey noqoto meel aad u bulsho badan. Sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku sameeysay sanadkii 2010ka waxaa deegaanka Orlando Metropolitan ku dhaqnaa shacab tiradoodu dhan tahay 2,134,411 qof; taasi oo ka dhigeysa deegaanka 26aad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka, mida lixaad ee ugu weyn Koonfurta Maraykanka, iyo caasimada 77aad ee ugu balaadhan wadanka, iyo tan shanaad ee ugu weyn gobolka Florida iyo caasimada ugu weyn ee ka fog xeebaha gobolka Florida.

Caasimada Orlando waxaa lagu naaneysaa "Caasimada Quruxda" waxaana astaan u ah Harta Eola. Sidoo kale waxaa lagu magacaabaa "Caasimada Beeraha Damaashaadka Caalamka", waxaana sanadkii 2014ka oo kali ah soo siyaartey tiro dalxiisayaal ah oo gaadhaya 62 milyan.[10]

Gegada diyaaradaha Caalamiga Orlando (MCO) waa midka sadexiyotobanaad ee ugu mashquulka badan wadanka Maraykanka iyo midka sagaal-iyo-labaatanaad ee ugu shaqada badan caalamka.[11]

Sanadkii 2009 caasimada Orlando waxay noqotey magaalada ugu dalxiiska badan wadanka Maraykanka,[12] taasi oo u noqotey lafdhabar dhaqaalaha koraya ee deegaanka. Meelaha aadka u soo jiitay indhaha dalxiisayaasha waxaa ka mid ah shaneemooyinka Walt Disney World Resort taasi oo leh deegaan balaadhan oo ku dhexyaala farasmagaalka Orlando. Jaamacada Orlando Resort oo la furay sanadkii 1999kii ayaa iyadna ka mid ah soo jiidashada dalxiiska.

Guud ahaan, si la mid ah dhamaan caasimadaha wadanka Maraykanka caasimada Orlando waxay aad u kortay badhtamihii qarnigii labaatanaad (qiyaastii 1980kii), wakhtigaasi oo la horumariyey goobaha waxbarashada, ganacsiga, wadooyinka tareenka iyo adeega bulshada. Sanadkii 2010ka waxaa caasimada Orlando loo aqoonsaday ineey tahay "Caasimad Caalami" ah.[13] Orlando waxaa lagu daraa afarta caasimadood ee ugu caansan Caasimadaha Maraykanka, taasi oo lagu saleeynayo nolosha dadka, dhaqaalaha iyo adeega bulshada ee dowlada deegaanka. Sidaasi waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis ay sameeyeen urur madax banaan oo la yidhaahdo "Ururka Cilmibaadhista Bulshooyinka".[14]

Harta Lucerne c. 1905

Ka hor intaanay iman gumeystihii iyo degayaashii reer Yurub sanadkii 1536, waxaa deegaanka Orlaando ku dhaqnaa qabiilka Kiriik iyo reero kale oo ka mid ah dadka asal ahaan loogu tegay qaarada Ameerika ee lagu magacaabo Hindida Cas. Maadaama dadkaasi Hindida Cas wax qorkoodu yaraa, lama hayo akhbaar badan oo ku saabsan taariikhda deegaanada Orlando wixii ka horeeyay qarnigii 15aad.

Meelaha ugu cajabta badan ee degitaanka magaaladu ka bilaabmey waxaa ka mid ahayd agagaarka harta Lukerne ee maanta ku aadan farasmagaalka Orland. Ka hor intaan loo bixin magaca Orlando waxaa loo yaqaanay Jernigan, kaasi oo asal ahaan ka yimid degayaashii reer Yurub ee ugu hor yimid deegaanka. Waxaa la sheegay in magaalada loogu magac daray nin la odhan jirey Aaron Jernigan, kaasi oo la sheegay inuu lo' ku iibsaday deegaanda ku hareersan Harta Holden.[15] Sida lagu xusay warar aan la qorin magaca Orlando waxaa laga keenay askari la odhan jirey Orlando Reeves kaasi oo dhintey 1835 wakhtigaasi oo dagaal adag oo u dhexeeya Hindida Cas iyo cadaankii isku balaadhinayay dhulkaasi.

Magaalooyinka Maraykanka

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota
  1. Fitzpatrick, Kelly (April 13, 2011). "Pub crawl: Gator Get Down in O-Town this Saturday". Orlando Sentinel. Archived from the original on Bisha Tobnaad 27, 2011. Retrieved August 21, 2011. {{cite news}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  2. Clarke, Sara K. (May 27, 2012). "Will new Vegas Gay Days give Orlando event a run for its money?". Orlando Sentinel. Archived from the original on Bisha Shanaad 25, 2014. Retrieved May 24, 2014. {{cite news}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  3. Gotshall, Rich (January 4, 1998). "A Different Theme". Sun-Sentinel. Archived from the original on Bisha Shanaad 25, 2014. Retrieved May 24, 2014. {{cite news}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  4. Strong, Michael (May 23, 2014). "Orlando is America's Most Dangerous Place for Pedestrians: Study". NBC News. Retrieved May 24, 2014.
  5. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named GR1
  6. 1 2 2010 List of Populations of Urban Areas. U.S. Census Bureau. census.gov. Accessed 2015-02-22.
  7. "US Board on Geographic Names". United States Geological Survey. October 25, 2007. Retrieved January 31, 2008.
  8. "American FactFinder". United States Census Bureau. Retrieved January 31, 2008.
  9. "Population Estimates". United States Census Bureau. Retrieved 2014-10-24.
  10. Dineen, Caitlin (April 9, 2015). "Orlando breaks visitation record in 2014". Orlando Sentinel. Archived from the original on July 18, 2014. Retrieved April 27, 2015.
  11. Passenger Traffic for past 12 months ending May 2011 Archived Agoosto 12, 2011 // Wayback Machine. Airports.org. Retrieved August 21, 2011.
  12. Murray, Valaer. "List: America's Most-Visited Cities". Forbes.
  13. "GaWC – The World According to GaWC 2010". Lboro.ac.uk. September 14, 2011. Archived from the original on Bisha Shanaad 24, 2012. Retrieved December 10, 2011. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  14. "For Nearly Half of America, Grass Is Greener Somewhere Else; Denver Tops List of Favorite Cities | Pew Research Center's Social & Demographic Trends Project". Pewresearch.org. Archived from the original on Bisha Tobnaad 16, 2012. Retrieved August 2, 2014. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  15. Dickinson, Joy Wallace (2003). Orlando : city of dreams. Charleston, SC: Arcadia Pub. pp. 21–22. ISBN 0-7385-2442-5.