Muxamed

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Nabi MuxamedMohamed peace be upon him.svg


Abtiriskiisa [Wax ka bedel]

Dad badan oo aan muslim aheyn oo taariikhaha dunida wax ka baadha waxey isku raaceen inuu Nabi Maxamed NNKH uu ahaa qofkii dunida uguu wanaagsanaa. Muxammed Bin Cabdullaahi Bin Cabdimudalib (Shaybah) Bin Haashim (Camar) Bin Cabdimanaaf (Muqiira) Bin Qusayi (sayd) Bin Kilaab Bin Murra Bin Kacab Bin Lu'ey Bin Ghaalib Bin Fihir Bin Maalik Bin Nadar (Qays) Bin Kinaana Bin Khuzeyma Bin Mudrika Bin Ilyaas Bin Mudar Bin Nizaar Bin Macad Bin Cadnaan. Intaas Ka Badan Wax Kuma Dari Karno Waayo Ma Hub

Dhalashadii & Barbaarintii rasuulka [Wax ka bedel]

Mohamed peace be upon him.svg


Waxa uu Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg dhashay s Sanadkii Maroodiga (Caamul-fiil), maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga Mohamed peace be upon him.svg , Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka Mohamed peace be upon him.svg nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah".