Jump to content

Maxamed

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Muxumed)
Maxamed
Dhawaaqid/xɑːməd/, /hæməd/, /hɑːməd/, /hæməd/, Af-Carabi: [mʊˈħæmmæd] ( dhageeyso), [moˈħæmmæd].
NoocNinn
Asalka
Weedh/MagacAf-Carabi ﻣﺤﻤﺪ
MacnahaMahadsan
Meesha asalkaIslaamka oo dhan
Magacyo kale
HiggaadMaxamed max'ed Mohamad, Mohamed, Mohammad, Mohammed, Muhamad, Muhamed, Muhamet, Muhammed, Muhammet, Mahammud


Maxamed, Muxamed, Maxamad, Muxumed, Maxamuud (ingiriis: Muhammad, Muhammed; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, Muxamed, "Maxamed"; Faransiis: Mahmed, "Maxamed") waa magac af-Carabi ah oo macnihiisu yahay amaanan, la amaanay[1] kaasi oo af-Ingiriis lagu dhaho Muhammad.[2] Magacan waxaa iska leh nebiga iyo rasuulka diinta Islaamka ee Nebi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato. Magaca Maxamed waxaa loo bixiyaa labka dadka.[3] Sanadkii 2000 cilmibaadhis la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Magaca Maxamed yahay magaca ugu badan ee dadka ku nool dunidu isticmaalaan taasi oo la sheegay in tiro dad oo ka badan 150 milyan lagu magacaabo Maxamed.[4]

Magaca Maxamed waxaa lagu isticmaalaa dunida oo dhan waloow qoraalka iyo ku dhawaaqistu kala duwan tahay. Dadka Talyaaniga waxaa magacan loo qoraa Mahometus taasi oo ka timid ereyga Maometto oo la mid ah Muxamed; halka wadanka Giriiga looga yaqaano Μωάμεθ taasi oo loogu dhawaaqo "Moameth". Dhinaca kale, dadka Kaatalaanka iyo wadanka Isbayn waxaa la dhahaa Mahoma, laakiin dadka Burtuqiiska ahi waxay magaca u qoraan Maomé. Sidoo kale, dadka Gaalishiyaanku waxay yidhaahdaan Mamede oo la mid ah Muxumed. Intaasi waxaa dheer dalka Boland magaca Maxamed waa Mahomet; halka wadanka Ruushka uu ka yahay Мухаммад taasi oo loogu dhawaaqo Mukhammad. Sidoo kale qeybo ka mid ah Ruushka bari waxay u qoraan magacani Магомед oo dhawaaqeedu noqonayo "Magomed". Isku soo wada duuboo dadka Soomaalida ahi waxay u yaqaanaan Maxamed. Wadanka Sinigaal iyo dalal kale oo galbeedka Afrika ahi waxay ugu yeedhaan siyaabo kala duwan ooy ugu badan tahay Mamadou. Dadka reer Kazakh, magaca Muxamed waxay dhahaan Мұхаммед oo loogu dhawaaqo "Mukhammed".

Ugu dambeyn dhulka Shiinaha waxaa magaca Muxamed loo qoraa sidani 穆罕默德 (Mùhǎnmòdé). [5]

Dadka Caanka ah ee Magacan

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jadwalka Magacyada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Sharaxaad badan iyo faahfaahin magacyada, fadlan fiiri Jadwalka Magacyada.

Magacyada dadka Soomaalida ah iyo kuwa dadka Islaamka ahi aad ayay u badan yihiin, boqolka magac ee ugu muhiimsan isla markaana loogu isticmaalka badan yahay waxaa ka mid ah:

Magacyada Soomaalida iyo Islaamka
Tiro Magac Soomaali ama Carabi Lab ama Dhedig Macnaha Isticmaalka Dadka Caanka ah
1 Aadam Carabi Lab - dhexdhexaad
2 Aamina Carabi dhedig la aaminay
lagu kalsoon yahay
dhexdhexaad
3 Abu Baker Carabi Lab - laguma badna
4 Aasiya carabi dhedig - laguma badna
5 Aadan fiiri Aadam
6 Abiib Carabi Lab - looma badna -
7 Axmed Carabi Lab - loo badan yahay
8 Abshir Carabi Soomaali lab bishaaraysi dhexdhexaad
9 Ayaan Soomaali dhedig nasiibley dhexdhexaad -
10 Ayaanle Soomaali Lab nasiib badane dhexdhexaad -
11 Asma Carabi dhedig - dhexdhexaad -
12 Ayuub Carabi Lab - looma badna
13 Aways Carabi Lab - dhexdhexaad -
14 Cali Carabi Lab - dhexdhexaad Cali bin Abi Daalib
15 Canab Carabi dhedig - looma badna
16 Ciise Carabi Lab - looma badna
17 Cumar Carabi Lab - dhexdhexaad
18 Cabdi Carabi Lab adoon dhexdhexaad -
19 Cabdi Raxmaan Carabi Lab adoonkii Naxariistaha dhexdhexaad -
20 Cabdi Raxiim Carabi Lab adoonkii Naxariistaha gaar dhexdhexaad -
21 Cabdi Laahi carabi lab - dhexdhexaad -
22 Cabdi Salaam carabi lab - dhexdhexaad -
23 Cabdi Casiis carabi lab - dhexdhexaad -
24 Cabdi Jabaar carabi lab - dhexdhexaad
25 Cabdi Fataax carabi lab - dhexdhexaad -
26 Cabdi Qani Carabi Lab adoonkii Taanjirka dhexdhexaad -
27 Cabdi Rasaaq Carabi Lab adoonkii Quudiyaha dhexdhexaad -
28 Cabdi Maalik Carabi Lab adoonkii boqorka dhexdhexaad -
29 Caynaan Soomaali Lab midkii lagu diirsaday dhexdhexaad -
30 Daa'uud Carabi Lab - dhexdhexaad
31 Deeqa Soomaali dhedig loogu Deeqay dhexdhexaad
32 Deeq Soomaali Lab loogu Deeqay dhexdhexaad -
33 Dalmar Soomaali Lab socdaa; qof dalka soo arkey dhexdhexaad -
34 Daahir Carabi Lab nadiif dhexdhexaad
35 Faadumo carabi dhedig - dhexdhexaad *Faaduma Nebi gabadh Nebi Muxamed dhalay
36 Foosiya Carabi dhedig guulaysato dhexdhexaad
37 Faarax Carabi Lab - dhexdhexaad -
38 Geedi Soomaali Lab qof safar ah looma badna -
39 Haaruun Soomaali Lab kii sharafta laha lagu yar yahay
40 Haybe Soomaali Lab kii sharafta laha lagu yar yahay -
41 Hinda Hindi dhedig - ma badna *qof loogu magac daray wadanka Hindiya
42 Hibo Soomaali dhedig loo quudhay dhexdhexaad
43 Hodan Soomaali dhedig barwaaqo dhexdhexaad
44 Huud Carabi Lab - dhexdhexaad
45 Iidle Soomaali Lab qof nasiib leh dhexdhexaad -
46 Ibraahim Carabi Lab - dhexdhexaad
47 Ismaaciil Carabi Lab Alle waa maqley dhexdhexaad
48 Ilyaas Carabi Lab - dhexdhexaad
49 Iqbaal Carabi dhedig la ogolaaday dhexdhexaad -
50 Idil Soomaali dhedig dhamaystiran dhexdhexaad -
51 Idiris Carabi Lab - dhexdhexaad
52 Jaamac Carabi lab kulmiye looma badna -
53 Jamiila Carabi dhedig qurux badan dhexdhexaad -
54 Khadiija Carabi dhedig - dhexdhexaad
55 Khaalid Carabi Lab - dhexdhexaad -
56 Khadar Carabi Lab nasiible dhexdhexaad -
57 Khadra Carabi dhedig guuleysato dhexdhexaad
58 Ladan Soomaali dhedig qof wax heysta looma badna -
59 Ladane Soomaali lab nin wax heysta dhexdhexaad -
60 Leyla Carabi dhedig ayaanley dhexdhexaad -
61 Liibaan carabi lab guul dhexdhexaad -
62 Luul Carabi/Soomaali dhedig dheeman/Lu'lu dhexdhexaad
63 Maxamed Carabi Lab amaanan, la amaaney lagu badan yahay
64 Muxumed Carabi Lab - dhexdhexaad -
65 Maxamuud Carabi Lab - dhexdhexaad -
66 Maryam Carabi dhedig - dhexdhexaad
67 Maslax Carabi Lab wax hagaajiye dhexdhexaad *Maslax Xuseen
68 Mowliid Carabi Lab dhalasho dhexdhexaad -
69 Muuse Carabi Lab - dhexdhexaad
70 Najma Soomaali dhedig - dhexdhexaad -
71 Nuur carabi lab ileys ama iftiin dhexdhexaad -
72 Nuux Carabi Lab - dhexdhexaad -
73 Qaasim Carabi Lab - dhexdhexaad
74 Raxmo Carabi dhedig naxariis lagu yar yahay -
75 Raaxo Soomaali dhedig raaxaysi lagu yar yahay -
76 Raage Soomaali Lab midkii habsaamay dhexdhexaad -
77 Ruqiya Carabi dhedig - lagu yar yahay *Ruqiya Nebi gabadh Nebi Muxamed dhalay
78 Samatar Soomaali Lab - dhexdhexaad -
79 Safiya Soomaali dhedig - dhexdhexaad -
80 Saynab carabi dhedig - dhexdhexaad -
81 Sahra carabi dhedig wado/jid dhexdhexaad -
82 Sacaada carabi dhedig guul dhexdhexaad -
83 Suleekha carabi dhedig - dhexdhexaad -
84 Saalax Carabi Lab - dhexdhexaad *Nebi Saalax
85 Shuceyb Carabi Lab - dhexdhexaad -
86 Suleymaan Carabi Lab - dhexdhexaad
87 Shacbaan carabi lab dheregsane dhexdhexaad -
88 Saadaam carabi lab - dhexdhexaad
89 Siyaad Carabi Lab - laguma badna
90 Suge Soomaali Lab kii la sugayay dhexdhexaad
91 Warfaa Soomaali Lab - dhexdhexaad -
92 Waaberi Soomaali Lab marka qoraxdu soo baxayso dhexdhexaad
93 Warda Soomaali dhedig tasbiix dhexdhexaad -
94 Xaawo Carabi dhedig - dhexdhexaad
95 Xareed Soomaali Lab biyaha roobka dhexdhexaad -
96 Xuseen Carabi Lab - dhexdhexaad
97 Xasan Carabi Lab - dhexdhexaad
98 Xasna Soomaali dhedig - dhexdhexaad -
99 Xaliimo Soomaali dhedig - dhexdhexaad
100 Yaasiin Carabi Lab - dhexdhexaad -
101 Yaasmiin Soomaali dhedig - dhexdhexaad -
102 Yusra Soomaali dhedig fudayd dhexdhexaad -
103 Yuusuf Carabi Lab - dhexdhexaad *Nebi Yuusuf
105 Yaxye Carabi Lab - dhexdhexaad -
106 Yacquub Carabi Lab - dhexdhexaad *Nebi Yacquub
107 Yoonis Carabi Lab - dhexdhexaad


Qoraalo La Mid Ah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
3
  1. "ingiriis: Muhammad, Muhammed; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, Muxamed, "Maxamed"; Faransiis: Mahmed, "Maxamed""
  2. "waa magac af-Carabi ah oo macnihiisu yahay amaanan"
  3. "Maxamed waxaa loo bixiyaa labka dadka"
  4. "Sanadkii 2000 cilmibaadhis Magaca Muxamed waa kan ugu badan ee dadku isticmaalaan.. tiro dad 150 milyan lagu magacaabo Maxamed.
  5. "Mahometus, Maometto, Μωάμεθ, Maomé, Мухаммад, Магомед, Мұхаммед, Mùhǎnmòdé"