Jalalaqsi
Jalalaqsi | |
---|---|
Magaalo | |
Script error: The function "Somaliland" does not exist. | |
Wadanka | Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:
1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda. Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah. Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose. Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. |
Gobolka | Hiiraan |
Degmo | Jalalaqsi |
Tirada dadka | |
• Dhammaan | 11,800 |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Jalalaqsi (mararka qaar loogu yeedho Jalalassi)[1] waa magaalo ku taala koonfurta-badhtamaha Gobolka Hiiraan ee wadanka Soomaaliya. Magaalada Jalalaqsi waxay dhacdaa meel u dhaxaysa Wabiga Shabeelle, Buuloburde iyo Jowhar.
Bulshada
Magaalada Jalalaqsi waxaa ku nool dad gaadhaya ilaa 11,800 qof.[2] Marka lagu daro Degmada Jalalaqsi waxaa ku dhaqan dad ka badan 46,724.[3]
Taariikhda
Wakhtiyadii 1980kii waxaa magaalada Jalalaqsi ku yaalay afar xerro qoxooti ku waasi oo ay ku noolaayeen dad ka badan iaa 85,000 qof oo Soomaali ah. Wakhtigaasi waxay ahay magaalada Jalalaqsi mida sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Soomaaliya; waxaa ka dad badnaa keliya Muqdisho iyo Hargeysa.[4]
Sharaxaad
Jalalaqsi waa degmo ku taalla Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Waxaa mara Wabiga Shabeelle. Degmadaan waxay caan ku tahay beeraha galleyda,masagada,ama haruurka, Canbaha, Saytuun ama Zaytuun deegaan Shanfarood ama Maracood Bataatigaduud Loos Digir Sisinta iyo kuwo kale aan halkan lagusoo koobi karin. waxaa jalalaqsi hoos taga tuulooyinka Jaciir, Jamaaca Raaxaale, buulo jaro, buulo cariyaan,afgooye baadicadde,xamiir gaab,siibaay,afcad, ceelciid, qoryaale , ,fiidoow,tuulada iji,show, dheen, Baqdaad,Quracjafle, Maakko,Jinbileey,Dirgoys iyo kuwo kale.
Waxaa Jalalaqsi lagu tilmaamaa iney kamid tahay meelaha aysan si aad ah u saameyn dagaalada sokeeye inkastoo ay iska hor imaadyo badani kadheceen.
Dadka caanka ee ku noola
- Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha wadanka Soomaaliya
Cadaymo
- Jalalaqsi
- "Jalalaqsi Map — Satellite Images of Jalalaqsi" Maplandia World Gazetteer
Sidoo Kale Fiiri
Tixraac
- ↑ "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2013-02-09. Soo qaatay 2016-08-08. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) World Gazetteer - ↑ . Tageo http://www.tageo.com/index-e-so-cities-SO.htm. Soo qaatay 4 October 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ "Nuqul Archive" (PDF). UNDP. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 Bisha Todobaad 2017. Soo qaatay 21 September 2013. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda:|archive-date=
(caawin) - ↑ De Montclos & Kagwanja, Journal of Refugee Studies Vol. 13, No. 2 2000: Refugee Camps or Cities? The Socio-economic Dynamics of the Dadaab and Kakuma Camps in Northern Kenya