Nashfile, Tennessee

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Nashville, Tennessee, Maraykanka.
Nashfille, Tennessee
Deegaanka Dowlada
Nashfille iyo Degmada Davidson
Ka soo biloow kor ilaa bidix: Avenue Labaad, Kirkland Hall ee Jaamacada Vanderbilt, Xarunta Parthenon, dhismaha dhaadheer Nashville, Istaadiyaamka Nissan Stadium, Tiyaatarka Dolly Parton, iyo xarunta Ryman Auditorium
Nickname(s): 
Caasimada Suugaanta, Athenstii Koonfurta
Nashfille, Tennessee is located in USA
Nashfille, Tennessee
Nashfille, Tennessee
Meesha kaga taalo wadanka Maraykanka
WadankaMaraykanka
GobolTennessee
DegmoDegmada Davidson
La helay1779
Dowlad Hoose1806
Named forFrancis Nash
Dowlada
 • Duqa-magaaladaFreddie O'Connell (Xisbiga Dimuqraadiga)
Area525.94 sq mi (1,362.2 km2)
 • Land504.03 sq mi (1,305.4 km2)
 • Water21.91 sq mi (56.7 km2)
Joogga
597 ft (182 m)
Tirada dadka
 • Caasimad iyo Degmo isku xidhan659,042
 • Cufnaanta dadka1,300/sq mi (480/km2)
 • Metro
1,757,912
 • Isku dheelitirka
634,464
Magac kaleNashvillian
Aag saacadeedUTC-6 (CST)
 • Xagaa (DST)UTC-5 (CDT)
ZIP codes
37201-37250
FurahaArea kodes 615 iyo 629
Wadooyinka InterstatesI-40, I-24, I-65, I-440
BiyoleyWebiga Kumberland
Gaadiidka BulshadaNashville MTA
Tareenka DeegaankaXarunta Xidigaha Suugaanta
Websitewww.nashville.gov

Nashfille (ingiriis: Nashville; carabi: ناشفيل) waa magaalo-madaxda gobolka Tennessee iyo fadhiga dowlada Degmada Davidson ee wadanka Maraykanka.[5] Nashfille waa caasimada labaad ee ugu wayn gobolka Tennessee, waxaa ka weyn kaliya Caasimada Memfis, sidoo kale waa caasimada afaraad ee ugu weyn uguna bulshada badan deegaanada gobolka Koonfureed ee wadanka Maraykanka.

Caasimada Nashfile waxay dhacdaa dhinaca Webiga Kumberland ee badhtamaha waqooyiga gobolka Tennessee. Waxay magaaladani caan ku tahay heesaha, suugaanta, fanka, caafimaadka, bankiyada, daabacaada buugaagta, isgaadhsiinta gaadiidka, wax soo saarka wershadaha, waana hooyga dugsiyo aad u waaweyn iyo jaamacado aad looga qadariyo wadanka Maraykanka iyo caalamka. Marka la eego meesha ay kaga taalo dowlada wadanka, Nashfille waa hooyga Maxkamada ugu sareeysa ee Tennessee iyo Maxkamada Guud ee wadanka. waxayna magaaladu caan ku tahay suugaanta, taasi oo lagu magacaabo "Warshada Suugaanta iyo Heesaha".

Tan iyo 1963dii, Caasimada Nashfille waxay ahayd maamul dowlo caasimad iyo degmo isku xidhan, taasi ooy soo hoosgasho lix dowlad-hoose oo u kala baxa labo waaxood. Shan iyo sodon ka mid ah afartanka xubnood ee laga soo doorto degmooyinka waxay ka yimaadaan Nashville. Ayadoo la tixraacayo tirokoob ay sameeyeen Ururka Bulshada Maraykanka waxaa degan iskutega caasimada iyo degmada Nashfille bulsho tiradeed dhan tahay 659,042. Sidoo kale, tirokoob la sameeyay 2013kii dadka degan Caasimada Nashfille iyo nawaaxigeeda ama metropolitanka waxay noqdeen 1,757,912 taasi oo ka dhigeysa Nashville Metropolitan mida ugu weyn ee ugu dadka badan gobolka Tennessee.[6]

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhinaca webiga Nashville waxyar ka dib Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka
Sawir hawada sare ah ee Nashville

Magaalada Nashfille waxaa helay sahamiye James Robertson, John Donelson iyo koox la socotey markey taariikhdu ahayd 1779kii, meel u dhow deegaanda Kumberland ee hoostaga maanta Fort Nashborough. Waxaa loogu magac-daray geesigii dagaalkii "Kacaanka Maraykanka" ee la odhan jirey Faransis Nash. Magaalada Nashfille si tartiib ah ayay u kortay sanadihii xigey sababtoo ah waxay ku taaley meel istaraatiiji ah, waxay u dhowayd Webiga Kumberland oo biyo fiican leh, sidoo kale waxaan ka fogayn Wabiga Ohayo, markii dambena waxaabay noqotey meel uu soo maro tareenka isku-xidha wadanka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, horaantii 1800 magaalada Nashfille waxaa deganaa dad gaadhaya 345 qof, kuwaasi oo 136 ka mid ahi ahaayeen adoonta Afrikan Ameerikan iyo 14 qof oo dadka madoow ah laakiin xor ahaa.[7] Sanadkii 1806dii ayaa magaalada Nashfille yeelatay markii ugu horeeysay taariikhda dowlad hoose isla markaana ay noqotey caasimad iyo fadhiga dowlada Degmada Dafidhson, Tennessee. Sanadihii ku xigey ee 1843dii waxaa si joogto ah Nashfille loogu magacaabay ineey tahay magaalo-madaxda iyo saldhiga dowlada gobolka Tennessee.

Si kastaba ha ahaatee, Caasimada Nashville waxay si fiican u kortay oo aad u balaadhatay horaantii qarnigii 20aad goortaasi ooy la hano qaaday horumarka baaxada lahaa ee ka socday koonfurta Maraykanka. Caasimadu waxay aad u horumarisay ganacsiga, waxbarashada, dekadaha, beeraha, wax soo saarka wershadaha iyo meelo badan oo kale. Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayaa caasimada Nashville aad u sii xoogaysatay waxayna gaadhay deegaano aad uga fogaa magaalada. Koritaanka caasimadu wuxuu abuuray shaqooyin badan maadaama dowlada caasimada iyo degmadu ay bilaabeen mashruucyo ay ku dhisayaan wadooyin cusub, dugsiyo waaweyn, xarumo caafimaad, xarumo is-gaadhsiin gaadiidka ah iyo adeegyo kale oo bulshad ah.[8]

Maanta caasimada Nashville iyo deegaanada nawaaxigeeda ah oo ka mid tahay Webiga Kumberland hooy dhaqan Ameerikaan, waana mid ka mid ah deegaanda sida xoowliga ah u koraya ee Koonfurta Maraykanka.


Juquraafiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Caasimada Nashfille waxay dhacdaa dhinacyada Webi Kumberland ee waqooyigalbeed dooxada Nashfille. Jooga caasimada wuu kala duwan yahay wuxuuna ka soo bilaabmaa 385 cag (feet) jooga bada ilaa meesha ugu sareeysa oo ah agagaarka Webiga Kumberland oo dhan 1160 cag (feet) jooga biyaha bada ka sareeya.[9]

Ayadoo la tixraacayo Hay'ada Tirokoobta Maraykanka, caasimada Nashfille waxay ku fadhidaa baaxad dhan 527.9 mayl labo-laaban (1,367 km2), taasi oo ilaa 504.03 mayl labo-laaban (1,305 km2) tahay dhul halka 23.9 mayl labo-laaban (62 km2) ka yahay biyo una dhiganta 4.53%.

Cimilada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Caasimada Nashfille waxay leedahay cimilo huur ah (Köppen Cfa),[10] kulul, oo hawo xidhan leh wakhtiga xagaaga iyo gu'ga; iyo cimilo dabeyle dhexdhexaad ah iyo qaboow wakhtiga jiilaalka iyo dayrta ah. Heerkulka maalinle way kala duwan tahay xilliyada sanadka; taasi oo ka bilaabanta 37.7 °F (3.2 °C) bilaha Janaayo ilaa 79.4 °F (26.3 °C) bisha Luuliyo ee dhulku diirimaadka noqdo.

Wakhtiga bilaha jiilaalka, waxaa Caasimada Nashfille ka da'a baraf kaasi oon ahayn mid aad u badan isla markaana qaata wakhti kooban. Isku celceliska barafka sanadkii ka da'a Nashfille waa ilaa 6.3 inches (16 cm) kaasi oo sida caadiga ah da'a inta u dhaxaysa bisha Janaayo, Febraayo iyo mararka qaar Maarso iyo Diisember.[11] Barafkii ugu badnaa ee ka da'a Nashfille inta la ogyahay wuxuu ahaa midkii da'ay sanadkii 2003 bisha Janaayo, goortaas oo uu gaadhay barafku 7 inches (18 cm) isla markaana uu watay duufaan iyo dabeylo xoog badan.[12]

Sida caadiga ah roobabku waxay caasimada Nashfille ka da'aan inta ugu baan bisha Nofember iyo Diisember, xiliga dayrta, iyo Agoosto ilaa Oktoober oo roobab dhexdhexaad ah da'o. Waxaa intaas dheer oo caasimada Nashfille leedahay duufaan xoog badan oo loo yaqaano tornado taasi oo keenta khasaaro naf iyo maalba leh.[13][14]


Farasmagaalka Nashville

Bulshada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Akhbaarta ku xusan hoos waxay ka turjumaysaa dhamaan Nashville-Dafidson metropolitan, taasi oo soo hoos galayso caasimada iyo degmada isku xidhan ee Nashville iyo nawaaxigeeda.

Marka la tixraaco tirokoob 2009kii ay sameeyeen Ururka Bulshada Maraykanka waxay ku sheegeen in caasimada Nashfille ay ku nool yihiin bulsho gaadhaysa 628,434 qof, kuwaasi oo ku dhaqan deegaan dhan 1,204.2 qof halkii mayl labo-laaban (464.9/km2). Waxaa lagu sheegay in ay ku yaaleen deegaankas 282,452 aqal, kuwaasi oo u dhigma 560.4 halkii mayl labo laaban (216.4/km2).[15]

Sidoo kale, tirokoobtii la qabtey 2010ka waxaa lagu sharaxay in bulshda ku dhaqan Caasimada Neshfille ka koobnayd 60.5% Dadka Cadaanka ah kuwaasi oo 56.3% ahaayeen Cadaan saafi ah (ku jirin Hispanik), 28.4% Dadka Madoow (Afrikan Ameerikan), 0.3% Hindida Cas ama ka soo jeeda Hawaii ama Alaska. Waxaa intaas soo raacayay tiro ah 3.1% Aasiyaan, 0.1% reero Gasiiradaha Baasifik, iyo 2.5% noocyo kale isku dhaf ahaa, sida dadka iska dhaleen labo midab.[16] Dadka Cadaanka saafiga ah marka laga reebo Hispanika waxay ahaayeen 79.5% sanadkii 1970, taasi oo micnaheedu tahay in hoos u dhac weyn ku yimid.[17]

Maabka qaabka dadku u degan yahay deegaanadaas tirokoobtii 2000

Guud ahaan waxaa caasimada Nashfille ku yaala 254,651 aqal iyo 141,469 qoys.[18]


Noocyada Bulshada 2010[19] 1990[17] 1970[17]
Cadaan 60.5% 73.8% 80.1%
—Ahayn-Hispanic 56.3% 73.2% 79.5%[20]
Madoow ama Afrikan Amerikan 28.4% 24.3% 19.6%
Hispanik ama Latino (dhamaantood) 10.0% 0.9% 0.6%[20]
Aasiyan 3.1% 1.4% 0.1%

Magaalooyinka Maraykanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original February 28, 2015. Soo qaatay February 28, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. "Nuqul Archive". February 2015. Waxaa laga kaydiyay the original July 9, 2011. Soo qaatay February 28, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. "Nuqul Archive". 2013. Waxaa laga kaydiyay the original February 28, 2015. Soo qaatay February 28, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. "Nuqul Archive". February 2015. Waxaa laga kaydiyay the original March 13, 2015. Soo qaatay February 28, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. . National Association of Counties http://www.naco.org/Counties/Pages/FindACounty.aspx. Soo qaatay 2011-06-07.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. "Nuqul Archive". 2013. Waxaa laga kaydiyay the original February 28, 2015. Soo qaatay February 28, 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. Cumfer, Cynthia (2007). University of North Carolina Press. p. 132. ISBN 9780807831519.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. Dr. Carole Bucy, "A Short History of the Creation of Metropolitan Government for Nashville" Archived Jannaayo 25, 2015 // Wayback Machine, Nashville Metro Government, 2015
  9. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original October 15, 2011. Soo qaatay August 3, 2011.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  10. http://www.nashvilleflights.com/destinationguide/destinationguide.aspx?guide=Weather. Soo qaatay January 29, 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  11. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named NOAA
  12. . November 17, 2009 http://www.srh.noaa.gov/ohx/?n=snowstorms. Soo qaatay December 30, 2009.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  13. USDA Plant Hardiness Zone Map Archived Febraayo 27, 2014 // Wayback Machine. Planthardiness.ars.usda.gov. Retrieved on 2013-09-05.
  14. . August 3, 2009 http://www.srh.noaa.gov/ohx/?n=calendar. Soo qaatay September 22, 2009.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  15. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original February 11, 2020. Soo qaatay August 3, 2011.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  16. Nashville-Davidson (balance) QuickFacts from the US Census Bureau Archived Maaj 13, 2015 // Wayback Machine. Quickfacts.census.gov. Retrieved on 2013-09-05.
  17. 17.0 17.1 17.2 . U.S. Census Bureau http://www.census.gov/population/www/documentation/twps0076/twps0076.html. Soo qaatay April 16, 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  18. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original February 11, 2020. Soo qaatay August 3, 2011.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  19. "Nuqul Archive". U.S. Census Bureau. Waxaa laga kaydiyay the original 2015-03-13. Soo qaatay 2015-09-13.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  20. 20.0 20.1 From 15% sample


Cite error: <ref> tags exist for a group named "lower-alpha", but no corresponding <references group="lower-alpha"/> tag was found