Cananis

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan cananiska. Ha ku khaldin canab
Boga "cananaas" halkan ayaa laga soo toosiyay
Cananis
Cananiska iyo geedka uu ka baxo
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperms
(darajo la'aan): Monocots
(darajo la'aan): Commelinids
Dirka: Boales
Bahka: Bromeliaceae
Bahka hoose: Bromelioideae
Duulka: Ananas
Noocyada: A. comosus
Magaca laba-geesoodka ah
Ananas comosus
(Carolus Linnaeus) Merr.
Eray la mid ah[1]
Cananis (jarjaran)

Cananis, Cananaas (Af Ingiriis : pineapple; Af Carabi : ar‎) magaca Saynis "Ananas comosus" waa dhir leh midho waaweyn oo qolof adag leg taasi oo ka baxda deegaanada cimilada diiran leh.[2][3] a Cananaasku wuxu ka mid yahay geedaha ugu dhaqashada badan caalamka ee loo beerto hab ganacsi, kaasi oo ka baxa meelo badan oo caalamka ah.[4]

Marka la beerayo geedka cananiska waxaa la qalajiyaa jeex ka mid ah midhaha kaasi oo qaangaadh noqda wakhti ku dhow 20 ilaa 24 bilood, ka dib dhala midhaha cananiska.[5][6] Midhaha cananisku kuma bislaado geedka dushiisa, asagoo cayriin ah ayaa la soo gooyaa isla markaana la huuriyaa si uu bislaado.[7]

Guud ahaan, midhaha cananiska waxaa lagu cuni karaa isagoo qayriin, la shiiday ama la ridqey, meelaha qaar waxyar la kariyey. Midhahani waxay ka mid yihiin kuwo aad looga isticmaalo caalamka oo dhan. Waxaa intaas dheer, caleenta geedka cananiska waa mid la cuni karo. Wadano ay ka mid tahay Filibiin waxaa la karsadaa caleenta cananiska midaasi oo la cabo maraqeeda iyo caleentaba. Meelo kale waxaa midhaha cananiska laga sameeyaa daawooyin jidhka la marsado ama la isku qurxiyo.

Isku soo wada duub midhaha cananisku waa mid leh fiitamiino badan, nafaqo, borotiin iyo waliba amiino-asiidh badan. Cananisku wuxuu leehayay fiitamiin sii iyo asiidh badan.[8]

Magaca[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Midhaha cananiska iyo kala badh
Geedka cananiska oo ubax bixiyey

Si la mid ah ereyo badan oo kale, ereyga cananis wuxuu Af Soomaaliga ka soo galay luuqada Af-Carabiga. Magaca cananaas waxaan ka soo amaahanay ereyga "An'nas" (أناناس),[9][10] taasi oo marka la tixraaco asalka kelmada ka timidey kalmaka nanas oo micnaheeda Af-Carabigu yahay midho dhadhan fiican ama midho macaan.[11]

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2021-07-23. Soo qaatay 2014-07-25.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Morton, Julia F. http://www.hort.purdue.edu/newcrop/morton/pineapple.html. Soo qaatay 2011-04-22.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. . Dictionary.reference.com http://dictionary.reference.com/browse/pineapple. Soo qaatay 6 December 2009.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Coppens d'Eeckenbrugge, Geo; Freddy Leal. "Chapter 2: Morphology, Anatomy, and Taxonomy". In D.P Bartholomew, R.E. Paull, and K.G. Rohrbach. CABI Publishing. p. 21. ISBN 0-85199-503-9.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. . Pineapple Working Group-International Horticultural Society http://tpss.hawaii.edu/pineapple/pinegrow.htm. Soo qaatay 15 August 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)[dead link]
  6. "Nuqul Archive". Tropical Permaculture.com (Birgit Bradtke). Waxaa laga kaydiyay the original 17 June 2010. Soo qaatay 15 August 2010.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. https://web.archive.org/web/20120718062347/http://www.dole.com/EatRightLanding/EatRtProductIndex/Fruits/Fresh/FreshFruitsdetails/tabid/529/Default.aspx?contentid=1354. Waxaa laga kaydiyay the original 2012-07-18.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. "piña cloth". Free Online Dictionary, Thesaurus and Encyclopedia. The Free Dictionary. Retrieved on 2014-11-06 from http://www.thefreedictionary.com/pi%C3%B1a+cloth.
  9. "Nuqul Archive". Oxford Dictionaries, Oxford University Press. 2015. Waxaa laga kaydiyay the original 2015-09-21. Soo qaatay 2015-08-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  10. "Nuqul Archive". Dole Food Co., Dole Plantation. 2015. Waxaa laga kaydiyay the original 2015-08-29. Soo qaatay 2015-08-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  11. Davidson A. (2008) The Penguin Companion to Food. Penguin Books.
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: