Liin Beydarin

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Kani waa maqaal ku saabsan Liin beydariinta. Bogag kale fiiri Liin Macaan, Liin Dhanaan, Liin Qarboosh iyo Liin Bambeelmo
Boga "Beydariin" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Liin Beydariin
Midhaha liin beydariintu waa mid aad ugu eg Liin Macaanta
Abla-ablayn cilmi ah
Boqortooyo: Plantae
Faylamyar: Eudicots
Gacal: Rosids
Suborder: Khudaar
Dir: Midho
Sinji: Liin
Jinsi: Liino
Tibix laba magac
Liin Beydariin
(Walter Tennyson Swingle) Vasil Vasilevicz Marcowicz


Liin Beydariin (Af-Ingiriis: Citrus unshiu, sidoo kale: Naartjie) waa nooc ka mid ah liinta taasi oon lahayn wax siidh ah ama lafo ah. Liin beydariintu waxay kaga duwan tahay liin macaanta way ka yar tahay mar ahaan, sidoo kale qolofta ama dahaarka sare ee liin beydariintu waa mid si fudud looga qaadi karo marka la rabo in la cuno, sidoo kale waxay leedahay dhanaan ka badan liin macaanta, taasi ka yar liin dhanaanta.[1][2]

Si la mid ah liin macaanta ayaa liin beydariintu waxay leedahay midab oranji mararka qaar casaan xiga mararka qaarna aad huruud u ah. Sidoo kale liin beydariintu waxay leedahay hilib aad u dhadhan macaan oo jilicsan. Marka bahda liinta laga hadlayo waxaa aad iskugu dhow liin macaanta iyo liin beydariinta sababtoo ah waxay leeyihiin midab aad iskugu eg, dhadhan aan kala fogayn iyo bixitaanka geedaha oo aad iskugu qaab dhow.[3]

Si kastaba ha ahaatee, geedka liin beydariintu wuxuu ka soo jeedaa wadanka Shiinaha asal ahaan, halkaasi oo lagu beeran jiray mudo dhowr kun oo sano ah.[4][5] Liin beydariintu waxay dunida inteeda kale soo gaadhay qarnigii 18aad wixii ka dambeeyay, goortaasi oo gumeystihii reer Yurub ee qabsaday wadanada koonfurbari Aasiya soo gaadhsiiyay Afrika, Yurub iyo labada Ameeriko.[6]

In kastoo maanta laga beero wadamo badan oo caalamka ah, wadanka Shiinaha ayaa lambar kow ah soo saarida iyo dhoofinta liin beydariinta caalamka.[7]


Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dhamaan noocyada liintu waxay ka soo tafiirmeen geedka "genus" ee Saynis ahaan loo yaqaano Sitrus. Taasi micnaheedu waa in dhamaan noocyada kale (sida Liin Dhanaanta, Liin Qarbooshta iyo Liin Bambeelmada) ka soo tafiirmeen geedka Jenus ee liin macaanka.[8]

Sida ka muuqata sawir wakhti hore ah geedka iyo midhaha liinta

Sida lagu xusay taariikhda geedka liinta waxaa markii ugu horeeysay lagu isticmali jirey koonfurta wadanka Shiinaha oo la aaminsan yahay ineey tahay meesha ay asal ahaan ka timidey, iyo deegaano ka mid ah wadanada Koonfurbari Aasiya. Waxaa beerashada geedka la dadku bilaabeen ilaa 2500 sano C.H (Ciise Hortii).[9]

Dhinaca qaarada Yurub waxaa la sheegay in nooc liin dhanaanta ah lagu isticmaali jirey wadanka Talyaaniga taasi ooy ka sameeyn jireen daawooyinka iyo walaxaha la isku dhayo. Waxay liintu aad ugu fiday qeybaha kale ee qaarada Yurub qiyaastii qarnigii 16aad, wakhtigaasi oo beerashada liintu aad u koobnayd.

Sawir geedka liinta sanadkii 1740

Waxaa qaaradaha Ameerika soo gaadhsiiyay liinta sahamiyayaashii boqortooyada Isbayn. Kiristofer Kolumbus ayaa la aaminsan yahay inuu geedka liinta ka beeray agagaarka deegaanka loo yaqaano Hispaniola.[10]

Muuqaalka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Qolofta sare ee liin beydariinta waa la qalajiyaa isla markaana lagu isticmaala cuntada wadanka Shiinaha
MIKAN field.jpg
Isbarbardhiga muuqaalka marka la miiro liin beydariinta (bidix) iyo liin macaanta (midig)

Qoraalo La Xidhiidha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Japanese Mikan and Satsuma Oranges". hawaii.edu. 
  2. Michel H. Porcher. "Sorting Citrus names". The University of Melbourne. 
  3. Hanelt, Peter (2001). Mansfeld's encyclopedia of agricultural and horticultural crops (except ornamentals). Springer. p. 1033. ISBN 3-540-41017-1. http://books.google.com/books?id=10IMFSavIMsC&pg=PA1033&dq=%22Citrus+unshiu%22#v=onepage&q=%22Citrus%20unshiu%22&f=false. "(natural distribution) Japan" 
  4. Wiersema, John Harry; León, Blanca (1999). World Economic Plants: A Standard Reference. CRC Press. p. 136. ISBN 0-8493-2119-0. http://books.google.com/books?id=hQL-2sdxgDAC&pg=PA136&dq=%22Citrus+unshiu%22#v=onepage&q=%22Citrus%20unshiu%22&f=false. 
  5. "Plant Name Details: Rutaceae Citrus unshiu Marcow.". International Plant Names Index. Original Data: Notes: Japon 
  6. "Taxon: Citrus unshiu Marcow.". Germplasm Resources Information Network(GRIN), United States Department of Agriculture. probable origin Japan 
  7. Misaki, Akira (November 1999). "紀州有田みかんの起源と発達史(The Origin and the Development-Process of "Kisyu Arida Mikan(Arida Mandarin)")". 経済理論(The Wakayama Economic Review) (in Japanese). University of Wakayama. 292: 97–118. (After the many years of research, Dr. Tanaka has concluded the place of origin of Satsuma is Nagashima, Kagoshima. Satsuma is a chance seedling of Sōkitsu, Mankitsu, or Tendaisankitsu introduced from Huangyan Zhejiang, China. It appeared in the early Edo period.)  Archived by Arita Mikan Database at http://www.mikan.gr.jp/report/kigen/index.html
  8. Superspecies
  9. Webber, Herbert John (1967–1989). Chapter I. History and Development of the Citrus Industry in ORIGIN OF CITRUS, Vol. 1. University of California
  10. Sauls, Julian W. (December 1998). "HOME FRUIT PRODUCTION-ORANGES". The Texas A&M University System. Retrieved 30 November 2012.