Jump to content

Madhibaan

Ka Wikipedia
Madhibaan
Thiinada guud ee dadka
20,000 (1960 qiyaas)
Meelaha ay ku badan yihiin
Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

 Kenya
Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Sunni Islam, Suufi

Dadka ay dhalyo wadagaan

Yibir, Muuse, Midgaan iyo beelo kale laga tiro badan yahay

Madhibaan (Af Ingiriis : Madhiban) ,[1] waa beel ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ee ka tirsan dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya iyo Itoobiya.[2] beeshu waxay u kala baxdaa 13 qaybood oo kala ah.

  • Reer horogle ( xildiid )
  • Reer kuulbeer
  • Omar maxamed
  • Aadan maxamed
  • Hufane maxamed
  • Qafal maxamed
  • Aarsade maxamed
  • Sa,ad maxamed
  • Said kuul maxamed
  • Reer geedi
  • Dhagcas maxamed
  • Dudubdheere maxamed

Hordhac

Beesha Madhibaan waxay ka tirsan tahay beelaha laga tirada badan yahay ee laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[3] Intaas waxaa dheer, beeshani waxay si rasmi ah u degaan dhamaan magaalooyinka Somaliland. Sidoo kale, magaalada Jigjiga iyo Diridhabe waxaa ku dhaqan tiro badan oo Madhibaan ah.

Magaca beeshu wuxuu ka yimid ereyga Madhibe (qof aan dhib lahayn[4]), markii dambe loo bedelay Madhibaan.

Taariikh

Tirokoob la sameeyay 1960kii waxaa lagu sheegay in beesha Madhibaan ahayd 20,000 qof, kuwaasi oo intooda ugu badan ku noolaayeen Waqooyiga Soomaaliya.[5]

Waxaa taariikhda lagu sheegay in beesha Madhibaan ay kasoo farcameen daarood ismaaciil . Waxay ahaayeen dad ugaadhsato ah, taasi oo keentay in laga sooco bulshada inteeda kale.[6] Dadka Soomaalida ah inteeda u badan waxay ahaan jireen xoolodhaqato iyo beeroley; taasi oo keentay in si khaldan loo arko dadka ugaadhsatada noqday.

Si kastaba ha ahaatee, beesha Madhibaan iyo dhowr qabiil oo kale waxaa loo yaqaanaa Tumaal; taasi oo asal ahaan ka timid xirfada biraha ay beelahasi ku shaqaystaan.

Dadka Caanka ah

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
  1. Ereyga "Midgaan" wuxu ka yimid "Midig"; maantase dad badan waxay u arkaan afxumo!
  2. . Adonis & Abbey. p. 10 https://books.google.co.uk/books?id=CXUwAQAAIAAJ.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Chapin Metz, ed., Helen. The Federal Research Division of the Library of Congress http://countrystudies.us/somalia/66.htm. Soo qaatay 18 June 2016.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. The Middle East, Issue 4, (Northumberland Press: 2007), p.196
  5. Lewis, I.M. (1999). LIT Verlag Münster. p. 14. ISBN 3825830845 http://www.google.com/books?id=yoMBQCr4LysC. Soo qaatay 23 September 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Jama, Hassan Ali (2005). Verlag Hans Schiler. pp. 97–98. ISBN 3899300750 http://www.google.com/books?id=lAyeNqKK7bQC. Soo qaatay 23 September 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)