Daarood
Meelaha ay ku badan yihiin | |||
---|---|---|---|
| |||
Luqada | |||
Diinta | |||
Dadka ay dhalyo wadagaan | |||
Daarood (Af Ingiriis : Darod; Af Carabi : ar) waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya , Jubaland Galmudug iyo Puntland wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid ah Mareexaan: Absame, Harti (Warsangeli, Dhulbahante, Dishiishe iyo Majeerteen) Abdi Koombe(Jambeel,Waleenbo Cabdi, Garwayne) Lailkase iyo beelo kale.
Daaroodku Wuxuu ku hadlaa lahjad isku mid ah waase jiri karaan waxyaabo yar yar oo lagu kala gedisnaan karo taas oo intii hadba isku deegaanii ay ereyada qaybtood isku si u adeegsadaan'ama ugu dhawaaqaan.
Hordhac
Asal ahaan shacabka Daarood waxay ka yimaadeen Dawlada Jabarta. Ismaaciil Jabarti wuxuu ahaa amir horseed iyo hogaamiye oo faafiyey diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.
Muuqaalo
Odaygii ay ka soo tafiirmeen beesha Daarood wuxuu ku aasan yahay magaalo la yidhaahdo Haylaan, taasi oo 35 km u jirta magaalada Badhan ee waqooyi-bari gobolka Sanaag, Soomaaliya.
-
Qabriga oday Daarood
-
Qabriga oday Daarood
-
Qabriga oday Daarood
-
Qabriga oday Daarood
-
Haylaan
-
Haylaan
-
Haylaan
-
Haylaan
Sidoo kale fiiri
Tixraac
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |