Kudhaa

Ka Wikipedia

Kudhaa

Waa magaalo xeebeed ku taala koonfurta gobolka jubada hoose. Magaalada Kudhaa waxeey magaalada Kismaayo kaga beegan tahay koonfur waxeeyna qiyaasti u jirtaa 100 Km ama 62 Mile. Magaalada waxaa la aasaasay horaantii 1900-1920 sida eey taariikhda ku hayaan jiilkii deganaa ama xiligan degan. Inta aanan lagu magaacaabin magaca hada ee Kudhaa waxaa la oran jiray laanta Gobta iyo Kulmis .Dadka degan Kudhaa waa dad nabada jecel, is ixtiraamo, iscaawiyo markeey dhibaato timaado. Dadka degaanka degan waa dad isku duuban ma jeclo in loo kala saaro qabiil.

Burburkii Soomaaliya ka hor, magaaladu waxaa ahayd meel loo dalxiis tago sida eey sheegeen dadka degaanka oo amaan ah. Waxaana xiligaa imaan jiray dadka ajanabiga ah iyo maamulka gobolka. Magaalada Kudhaa waxaa lagu amaanaa in uusan ka dhicin dagaal qabaa'il ah gudaha iyo nawaaxigeedaba. Waxeey magaaladu lahayd biyo maceyn iyo meel cusbada lagu beero.

Dadka degaanka waxaa soo wajahay dhibaato badan oo ka soo gaaray burburkii dwolada dhexe ee Soomaaliya. Dagaalkii sokeeye waxaa lagu dilay dad degaanka u dhashay laguna barakiciyey. Dadka degaanka waxeey dhibaato weyn ka sheegteen maamuulkii Dooxada Jubba. Dhibaatooyinka eey kala kulmeen waxaa ka mid ahaa in magaaladu eysan lahayn baraha caafimaadka, waxbarashada iyo maamul fiican. Maamulkii Dooxada Juba wuxuu degaanka ka bilaabay dhoofinta dhuxusha, kaluumeysiga halkaasoo dhaqaale fara badan ka soo gali jiray balse dadka degaanka waxba kama soo gaari jirin dhaqaalahaas.

Dadka degaanka waa dad u badan Kaluumeeysato, xoolaleey iyo dhanka beeraha oo aan sidaas usii weyneyn.




Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]