Jump to content

Sulaalada Walashma

Ka Wikipedia

Sulaalada Walashma (Af Ingiriis : Walashma dynasty) waxay ahayd Sulaalad Somaliyeed oo Muslim ahaa taasi oo ka talin jirtey Geeska Afrika 1197-1577. Sida lagu sheegay buugaag wakhti hore la qoray, waxay maamuli jireen Saldanadii Awfat iyo Barr Sa'ad al Din kuwaasi oo uga talin jirey dhulka maanta loo yaqaano Soomaalya, Jabuuti, Itoobiya, Eretareya iyo Suudaan.[1]

Asalka

Boqorkii ugu horeeyey ee boqortooyadu waxu ahaa Cumar Walasma. Sheekh Yusuf al Kawneyn oo loo yaqaano Aw Barkhadle ayaa ka mid ah awoowayaashisii.[2] Abtirsiintiisa waxaa lagu qoray kutub badan oo mid ka mid ah la odhan jiray "Tarik al Muluk" :

"Cumar ibn Dunya'xuur ibn Axmed ibn Maxamed ibn Xameed ibn Maxamuud ibn Yusuf Barkhadle.."[3]

Sida qabiilada somaliyeed intooda badan, reer Walashma waxay ku abtirsiin jireen Akil ibn Abi Dhaalib waxayna ahaayeen Banuu Xaashem.[4][5] Qowmiyadda Argobbada iyo Hararida ee Itoobiya ku nool oo Xabeshida kamid ah ayaa sheegata boqortooyada Walashma balse taariikhyahannadu waxay dhawaan ogaadeen in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya dadka reer Awfat berigi dhexe iyo dadka Xabeshida.[6]

Luuqada

Boqorradii Walashma waxay ku hadli jireen Af Carabiga[7] iyo Af Soomaaliga.

Eray Abtir

Magaca Walashma wuxuu ka yimid Carabiga "Wali' Asma"; Wali macnahiisu waa taliye amba maamulka,[8][9] 'asma'na waxay la macno tahay sare.[10] Markaa macnaha Wali' Asma waa taliyaha ugu sarreeya. Taariikhyahan Carbeed ee al Qalqashandi ayaa sheegay in hogaamiye kasta oo Muslim ah oo ka taliya Geeska Afrika (marka laga reebo Banaadiriga) uu garwaaqsan yahay sarraynta Awfat, boqorrada Walashma ayaa awood ku lahaa dhammaan boqorradaas muslimiinta ah :

".. Arrimahoodana isagay u taallo. Dhammaantood waxay ku heshiiyeen in la weyneeyo Suldaanka Awfaat oo ay u hoggaansameen.."[11]

Saldanadii Awfaat

Qarnigii 13-aad Cumar Walashma iyo reerkiisii waxay ka soo hayaameen dhulka Soomaali-bariga ah oo ay u guureen gobollada Galbeedka halkaas oo ay degeen gobol la odhan jiray Awfaat oo u dhexeeya Shewa iyo Awdal.[12] Suldhaan Cumar wuxuu bilaabay qabsashadii Boqortooyadii ugu xooga badnayd muslimiinta Geeska Afrika oo ahayd Saldanada Shewa dhamaadkii sanadkii 1276 balse wuxuu dhintay waxyar kadib, wiilkiisa Cali aya markaas noqday boqorkii Awfaat oo dhameeyay dagaalkaas. Suldaan Cali waxa kale oo uu qabsaday gobollo badan oo muslimiin ah sida Hubat, Mura iyo Awdal, ganacsiga dekedda Saylac ee Awdal ayaa boqortooyada ka dhigay mid qani ah.[13]

Suldhaanadii Awfaat

Ruler Name Reign[14] Note
1 Suldhaan ʿUmar ibn Dunya-Xuur 1197–1276 Aasaasihii sulaalada, magaciisa kale wuxuu ahaa "Adūnyo" amba "Wilinwīl". Wuxuu bilaabay Qabsashadii Saldanadii Shewa ee uu wiilkiisu dhameeyay. Sheekha Yuusuf al-Kowneyn waa awoowihiisa 5aad.
2 Suldhaan ʿAli "Basiye" Naḥwi bin Cumar 1276–1299 InaankaʿCumar bin Dunya-Xuur, wuxuu dhameeyay Qabashadii Shewa oo uu gubay caasimadoodii taas oo soo afjartay Saldanadii Shewa. Wuxuu kaloo qabsaday gobolka Awdal.
3 Suldhaan ḤaqqudDīn ʿUmar 12??–12?? Son of ʿUmar Dunya-Hawaz
4 Suldhaan Ḥusein ʿUmar 12??–12?? Son of ʿUmar Dunya-Hawaz
5 Suldhaan NasradDīn ʿUmar 12??–12?? Son of ʿUmar Dunya-Hawaz
6 Sulṭān Mansur ʿAli 12??–12?? Son of ʿAli "Baziyu" ʿUmar
7 Sulṭān JamaladDīn ʿAli 12??–12?? Son of ʿAli "Baziyu" ʿUmar
8 Sulṭān Abūd JamaladDīn 12??–12?? Son of JamaladDīn ʿAli
9 Sulṭān Zubēr Abūd 12??–13?? Son of Abūd JamaladDīn
10 Māti Layla Abūd 13??–13?? Daughter of Abūd JamaladDīn
11 Sulṭān ḤaqqudDīn Naḥwi 13??–1328 Son of Naḥwi Mansur, grandson of Mansur ʿUmar
12 Sulṭān SabiradDīn Maḥamed "Waqōyi" Naḥwi 1328–1332 Son of Naḥwi Mansur, defeated by Emperor Amde Seyon of Abyssinia, who replaced him with his brother JamaladDīn as a vassal.
13 Sulṭān JamaladDīn Naḥwi 1332–13?? Son of Naḥwi Mansur, vassal king under Amde Seyon
14 Sulṭān NasradDīn Naḥwi 13??–13?? Son of Naḥwi Mansur, vassal king under Amde Seyon
15 Sulṭān "Qāt" ʿAli SabiradDīn Maḥamed 13??–13?? Son of SabiradDīn Maḥamed Naḥwi, rebelled against Emperor Newaya Krestos after the death of Amde Seyon, but the rebellion failed and he was replaced with his brother Aḥmed
16 Sulṭān Aḥmed "Harbi Arʿēd" ʿAli 13??–13?? Son of ʿAli SabiradDīn Maḥamed, accepted the role of vassal and did not continue to rebel against Newaya Krestos, and is subsequently regarded very poorly by Muslim historians
17 Sulṭān Ḥaqquddīn Aḥmed 13??–1374 Son of Aḥmed ʿAli
18 Sulṭān SaʿadadDīn Aḥmed 1374–1403 Son of Aḥmed ʿAli, killed in the Abyssinian invasion of Ifat under Dawit I or Yeshaq I[lower-alpha 1]

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Jyee, Dr. Ravi (2016). WORLD ENCYCLOPAEDIA OF AFRICAN COUNTRIES. New Delhi, India: AFRO-ASIAN-AMERICAN CHAMBER OF COMMERCE, OCCUPATIONAL RESEARCH AND DEVELOPMENT (ACCORD). p. 360.
  2. Lewis, Ioan M. (1998). Saints and Somalis: popular Islam in a clan-based society (1. Red Sea Press ed.). Lawrenceville, NJ: The Red Sea Press [u.a.] p. 92
  3. Cerulli, Enrico. Islam: Yesterday and Today translated by Emran Waber. Istituto Per L'Oriente. p. 160
  4. M. Elfasi, Ivan Hrbek (1988). Africa from the Seventh to the Eleventh Century, General History of Africa, Volume 3. UNESCO. pp. 580–582
  5. Mekonnen, Yohannes (29 January 2013). Ethiopia: the Land, Its People, History and Culture. Yohannes Mekonnen
  6. Chekroun, Amélie (23 February 2023). La Conquête de l'Éthiopie - Un jihad au XVIe siècle (in French). CNRS editions. p. 179
  7. Giyorgis, Asma (1999). Aṣma Giyorgis and his work: history of the Gāllā and the kingdom of Šawā. Medical verlag. p. 257
  8. https://www.merriam-webster.com/dictionary/wali
  9. https://myislam.org/99-names-of-allah/al-wali/#:~:text=Al%2DWali%20Meaning%3A,will%20based%20on%20His%20judgment.
  10. https://www.behindthename.com/name/asma
  11. https://dn790004.ca.archive.org/0/items/FP11609/suaa05.pdf
  12. https://journals.openedition.org/anisl/4054
  13. Amélie Chekroun, La Conquête de l'Éthiopie - Un jihad au XVIe siècle, p. 92
  14. J. Cuoq. L'Islam en Éthiopie des origines au XVIe siècle.
  15. Trimingham 1976, p. 74, note 4 explains the discrepancy in the sources.


Cite error: <ref> tags exist for a group named "lower-alpha", but no corresponding <references group="lower-alpha"/> tag was found