Warbaahinta Soomaaliya
Qeyb ka mid ah silsilada |
Dhaqanka Soomaaliya |
---|
Dhaqanka |
Bulshada |
Diimaha |
Luuqada |
Siyaasad |
Warbaahinta Soomaaliya (Af Ingiriis : Media of Somalia) waa dhamaan aaladaha kala duwan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo war-isgaadhsiinta wadanka Soomaaliya; kuwaasi waxaa ka mid ah idaacadaha raadiyowga, telefishanka, warbaahinta internetka iyo dhamaan noocyada kala duwan ee warbaahinta ka hoowlgasha wadanka Soomaaliya.[1] Sida lagu sheegay buugaag badan oo taariikhi ah, dadka Soomaalida ahi waxay tan iyo wakhtiyo hore ahaayeen kuwo ku safra badaha waaweyn ee caalamka, ayagoo u socdaalaya sababo kala duwan, sida ganacsi, aqoonraadis, dalxiis, iyo kuwo kale.
Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada
Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo War-isgaarsiinta Soomaaliya (Af Ingiriis : Ministry of Information, Posts and Telecommunication) waa wasaarada maamusha warfaafinta iyo xidhiidhka dowlada wadanka Soomaaliya.[2] Sidaasi ay tahay, wasaaradani waxay masuul ka tahay dhamaan warisgaarsiinta iyo Adeega Boostada Soomaaliya.
17kii Janaayo 2014, Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wuxuu wasaarada u kala jebiyay labo qeybood kuwaasi oo kala ah: Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta, iyo Wasaarada Warfaafinta.[3]
Habka iyo Nidaamka Wasaarada
- Wasiirka Warfaafinta
- Wasiir ku xigeen
- Xoghayaha Guud
- Ku xigeenka Xoghayaha Guud
- Waaxda Dhaqaalaha
- Waaxda Qorsheynta
- Wakaalada Wararka Soomaaliya
- Waaxda Nidaaminta
- Waaxda Maamulka iyo Habaynta
- Wasiir ku xigeen
Adeega Boostada
Boostada Soomaaliya | |
Waxbixin Wakaalada | |
---|---|
Nooca | Adeega boostada |
Hoos-tegta | Dawladda federaalka Soomaaliya |
Xarunta sare | Muqdisho, Soomaaliya 2°04′00″N 45°22′00″E / 2.06667°N 45.36667°E |
Wasiirka wakiilka ah |
|
Parent agency | Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta |
Website | mipt.gov.so |
Adeega Boostada Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Postal Service) (Boostada Soomaaliya) waa adeega boostada iyo waraaqaha ee wadanka Soomaaliya. Shaqada boostada waxaa masuul ka ah Wasaarada Boostada iyo Warisgaadhsiinta.[4] Intaasi waxaa dheer, adeega boostada waxay xidhiidh quman la leedahay wakaalado kale oo caalami ah kuwaasi oo iska kaashadaan helitaanka iyo dirista buqshadaha iyo alaabta. Nasiib-daro, adeega boostada Soomaaliya wuxuu burburay wakhtigii |dagaalkii sokeeye sanadkii 1991kii. Dadaal badan iyo dhiiranaan ka dib, waxaa dib loo soo celiyay adeega boostada 1dii Noofember 2013ka,[5] wakhtigaasi oo uu dhacay Heshiiskii Xidhiidhka Iskusocodka ee dowlada Soomaaliya la sexeexatay wakaalada Boostada Imaaraadka.[6]
Guud ahaan, badhtamihii Oktober 2014ka waxaa Wasaarada Boostaha ku dhawaaqdey fureyaal u gaar ah dhamaan 18ka gobol ee wadanka.[7]
Muuqaalo
Caddayn
Linkiyo Banaanka
- Bclub19
- Markacadey Archived Diseembar 19, 2013 // Wayback Machine
- Somali Music
- Interview About Somali Music
- Sawiraan Kabanka Soomaalida iyo Masa Archived Diseembar 20, 2007 // Wayback Machine
- Oud Cafe
- shanqadha kabanka
Tixraac
- ↑ Charles Geshekter, "Somali Maritime History and Regional SubCultures: A Neglected Theme of the Somali Crisis
- ↑ . 4 November 2012 http://allafrica.com/stories/201211050009.html. Soo qaatay 5 November 2012. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ http://www.hiiraan.com/news4/2014/Jan/52907/somali_prime_minister_unveiled_his_55_member_cabinet.aspx. Soo qaatay 1 May 2014. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Ministry of Information, Posts and Telecommunications Archived Juun 3, 2013 // Wayback Machine, Government of Somalia, 2012. Retrieved 9 December 2012.
- ↑ "Nuqul Archive". 1 November 2013. Waxaa laga kaydiyay the original 9 November 2013. Soo qaatay 7 November 2013. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ "Nuqul Archive". 26 April 2013. Waxaa laga kaydiyay the original 9 November 2013. Soo qaatay 27 April 2013. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ "Nuqul Archive". Diplomat News Network. 11 October 2014. Waxaa laga kaydiyay the original 14 October 2014. Soo qaatay 12 October 2014. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |